Ma rabo in aan niyadjebiyo, mana rabo in aan guursado. Ila taliya!

Intii aan dugsiyga sare dhiganayey iyo intii aan ku jiray jaamacadda oo isku noqonaysa 8 sanno waxaan isku fiicnayn gabadh aan aad u jeclaa iyaduna aad ii jeclayd.

Waxa ay ka soo jeedday reer ladan, sidaas daraadeed marar badan ayay xagga dhaqaalaha iga caawisay. Muddadii aanu wada soconay rag badan ayaa soo hungureeyey oo doonayey in ay guursadaan laakiin waa ay ku gacan-saydhay aniga dartay, waayo waxa noo taallay ballan guur marka ay duruuftu noo saamaxdo.

Hase ahaatee markii la gaadhay xilligii aan is guursan lahayn ayuu aabahay ka soo horjeedsaday arrinkii.

Wuxu igu yidhi uma baahnid adiga oo 30 jir ah in aad guursato gabadh 29 jir ah. Sababtoo ah muddo yar oo gaaban ayay dhalmada ku sii jiraysaa, sidoo kale ma maamuli kartid oo waa qof aad isku da’ dhaw dihiin. Laakiin waxad heli karaysaa gabadh yar oo 18 jir ah oo aad xoog uga da’ weyn tahay.

Marka laga yimaad in ay muddo dheer wakhtiga dhalmada ku sii jirayso, faa’iidooyinka kale ee ay leedahay waxa ka mid ah si sahlan ayaad u maamuli kartaa ugana maskax badin kartaa. Adduunyo kale oo aan adiga ahayn ma ay arag sidaas daraadeed wixii aad tidhaahdaba way rumaysanaysaa ama sideeda ayay u qaadanaysaa. Reerkaaguna sidaas wuu ku dhaqmayaa.

Arrinkii aabahay markii aan in badan ka fikiray, in kastoo aanan ku raacin wax kasta, haddana taladiisii macquul ayay ila noqotay. Inantii hadda ma rabo in aan guursado, mana rabo in aan niyadjebiyo. Ila taliya’oo maxaan yeelaa?

Bandhige@gmail.com