Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigii uu hoggaaminayey oo la kulmay dhaxal-sugaha Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha Qaranka Somaliland Axmed Maxamed Silaanyo iyo weftigii uu hoggaaminaayey ee ku sugnaa Imaaraadka Carabta ayaa kulan ballaadhan la yeeshay dhaxal-sugaha Imaaradka Carabta Mohammed bin Zayed bin Sultan Al Nahyan oo uu wehelinayo Ku xigeenka Ra’isal Wasaaraha dalka ahna Wasiirka  Wasaaradda Madaxtooyada Mansour bin Zayed bin Sultan bin Zayed bin Khalifa Al Nahyan. Sidaas waxa lagu sheegay war qoraal ah oo goor dhawayd ka soo baxay xafiiska saxaafadda ee Madaxtooyada.

Madaxweyne Siilaanyo iyo wefitigiisu Sabtidii ayay u safreen Imaaraadka Carabta kadib markii ay marti-qaad rasmi ah ka heleen Boqorka Imaaraadka Carabta oo ay ka wada hadli doonaan xidhiidhka Somaliland iyo Imaaraadka ka dhaxeeya iyo mashaariic horumarineed sida lagu sheegay war-sxaafadeedyo hore uga soo baxay madaxtooyada in kastoo mashaariicdaas aan la faahfaahin.

Wasiir Xirsi Dhaxal-Sugaha Imaaraadka
Wasiir Xirsi, Wasiir Maxamed Biixi, Wasiir Warancadde iyo Xoghaye Cali Axmed oo la taagan Dhaxal-Sugaha Imaaraadka

Madaxweynaha safarkiisa waxa ku weheliya marwada koowaad ee qaranka, 5 wasiir, xogyaha Madaxweynaha iyo xoghaynta Marwada.

Markii hore waxa la filayey in Madaxweynuhu la kulmi doono Boqorka, welina in uu kulankaasi qabsoomi doono lama hubo. Hase ahaatee in Madaxweynaha iyo weftigiisu la kulmeen dhaxal-sugaha waxa ay astaan u tahay sida ay dawladda Imaaraadku u danaynayso Somaliland.

Hoos ka daawo muuqaal ku saabsan kulanka.

Bandhige@gmail.com