Imtixaannadii dugsiyada oo habsami u socda iyo Wasiir-Ku-Xigeenka Waxbarashada oo kormeeraya gobollada bari

Imtixaannadii shahaadiga ahaa ee dugsiyada dhexe iyo sare ayaa maalintii saddexdaad ka soconaya guud ahaan geyiga Somaliland. Ilaa hadda waxa ay u socdaan si habsami ah, cabashooyin cod dheer ku soo baxayna ma jiraan.

Wasiir-Ku-Xigeenka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Abdirashiid Ismail Kahin oo uu weheliyo sarkaan ka tirsan xafiiska imtixaanadka qaranka oo magaciisa la yidhaa Mahdi Xasan Suldaan ayaa kormeer ugu baxay gobollada bari Isniintii, waxayna mareen degmooyinka Gar’adag iyo Ceel-Af-Weyn, Yufle iyo inta badan galbeedka Sanaag.

Weftigan wasiirku hoggaaminayo ayaa ardayda ku guubaabiyey in ay si wanaagsan u gutaan waajibaadkooda waxayna faahfaahin ka bixiyeen muhiimadda uu imtixaankani qaranka ugu fadhiyo.

Weftiga ayaa la filayaa in ay u gudbaan Sanaag Bari oo ay soo maraan ilaa Badhan ka hor inta aan la soo gunaanadin imtixaanaadkan.

23,300 oo arday ayaa Axaddii u fadhiistay imtixaannada shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe iyo sare. Dugsiyada sare waxa u fadhiisanaya 9,300 oo arday halka ay ka dhexena u fadhiisanayaan 14,000. Waa tiradii ugu badnayd ee imtixaan kan oo kale ah u fadhiista taariikhda Somaliland.

Qaar ka mid ah aqoonyahanka Somaliland ayaa sannadihii u dambeeyey ku dhalliilayey Wasaaradda Waxbarashada in aanay jirin arday dhacda imtixaanaadka noocan iyadoo la sheegay in sababta ay Wasaaraddu sidaas u yeeshaa ay tahay iyadoo ka hortagta in ardayda dhacdaa ay niyadjabaan kadibna tahriibaan.

Hase ahaatee aqoonyahannada arrintan dhalliila ayaa aaminsan in ay taasi niyadjebinayso ardaydii maskaxdoodu wanaagsanayd dedaalkooduna badnaa isla markaana aan la heli doonin cid dedaasha kol haddii aanu dedaalkii soo kordhinayn dheef dhib mooyee.

Hoos ka daawo kormeerka Wasiir-Xigeenka:

 

bandhige@gmail.com