Ma sidaasaa u danbaysay? (W.Q. Guuleed Maxamed Yaasiin “Dalxa”)

“Si aynu uga dhabayno wanaagga nolosha, waa inaan yeelannaa yool la hiigsado si dhabbada togan cagta loo saaro.”

Waa aroor hore. Fallaadhaha cadceedda ayaa dhab u abbaaraya dadka. Badi dadku waxay u jarmaadayaan nolol-maalmeedkooda waxayna ku jihaysan yihiin goobahoodii shaqada. Waxa aan meesha ka dheerayn madaxweynihii Muslimiinta, Cali binu Maamuun, oo ka tirsanaa Xukunkii Cabbaasiyiinta. Waa uu soo baxay bal si uu ugu mijo baxsado barxadda hore ee qasrigiisa, il-qoodhana uga daymoodo suuqii Baqdaad oo aan madasha sidaas uga dheerayn, ee dhanka ku hayay. Indhaha ayuu la raacayaa quruxda suuqa; indhihiisu waxay se hayaan fool-maroodiga qaaliga ah oo suuqa ku sii gabaabsi ahaa. Waxa uu la ashqaraarsan yahay qaabka loo agaasimay qurxinta alaabta, waxaana maankiisa ka guuxaya bilicda bari iyo bogax ba ka martay oo maskaxdiisii ku furtay weydiimo darandoorri ah, warcelintoodana uu farxad ka filayo, haddiiba uu ku guulaysto.

Hore uma arag darxumo, daal iyo diihaalna hadalkoodaba daa. Weligiis ma hoy beelin, hu’giisuna miiska kama hoos marin, ee kolka uu maago meel aan fogayn ayaa looga keeni jiray. Harraad magaciisa oo uu maqlo mooyee, hagaag uma soo abbaarin. Muddo ka dib, isaga oo weli daymoonaya habka bilicda san ee geesigu muriqiisa u maalayo, ayaa waxa ishiisu qabatay nin xammaal ah oo dadka u adeegaya, waxoogaa abaal-gud ahna ka qaadanaya. Xadhiggiisii ayuu xusullada ku sitaa, wejigiisa wanaag ayaa ka muuqda, mana moodid nin gaajo iyo diihaal ku soo koray.

Madaxweynihii wuxuu ku dheegagsan yahay ninkan xammaalka ah oo dadka u fulinaya dalabaadkooda; wixii la faro ayuu dhab u fulinayaa. Dhabarka ayuu u ridanayaa alaab culayskeedu caddaan yahay, kolkaas ayuu meel ka qaadayaa oo meel kale ku hubsanayaa. Waa barqo. Cadceeddii kululaatay; waxaad mooddaa inay dhulbadhaha taagan tahay kul awgiis. Xammaalkii ka huleel magaaladii. Dhinacyada ma eegin ee dhankaas iyo webiga Tigrees ayuu dheemaalay. Qarka webiga ayuu qunyar fadhiistay. Weysadii salaadda Duhurka ayaa u qaadanayaa, si bal Eebbe Weyne na uu u raalli galiyo, waajibka la saarayna isaga rido. Laba rakcadood ka gaadhsii, gacmaha sare u taag si Rabbi uu u tuugo.

Salaaddii Duhur oo aanay weli gaadhin ayuu suuqii ku soo noqday. Inta uu si taxaddir leh u galay dukaan ayaa uu soo iibsaday roodhi. Muddo kadib na wuxuu ku soo noqday isla webigii, isagoo roodhidii iyo biyihii webiga isku dhuuqay. Kolkii uu dhammaystay cuntadii ayuu salaaddii Duhur tukaday. Si daalkii iyo diihaalkii maanta si ku-meel-gaadh ah u yara hilmaamsiiyo maskaxda, dhanka ayuu dhulka dhigay si uu bal saacad u seexdo. Suuqii ayuu ku noqday, waxoogaa ayuu shaqeeyay, wuxuuna haatan ku noqday gurigiisii isagoo roodhi kale na sii iibsaday. Weli waxa fiirinaya madaxweynihii Muslimiinta oo la amakaagsan falalka uu ku kacayo ninkan xammaalka ahi.

Maalintii xigtay sidii ayuu sameeyay xammaalkii waxa weli si taxaddir leh casharro u qaadanaya madaxweynihii Cali binu Maamuun oo si dhaw ula socda waxa meesha ka socda. Maalintii saddexaad iyo afaraadna sidii ayuu yeelay, isagoo dhab u maray qorsheyaashiisii hore ugu qornaa. Intaas ka dib, Cali binu Maamuun wuxuu diray koox ka tirsan ilaaladiisii gaarka ahayd. Waxa uu u sheegay in ninkaas ay daba galaan kaddibna ugu yeedhaan. Hawraarsan iyo guddoon ayay kaga tageen. Ciidankii ayaa u soo galay xammaalkii, salaan kaddib na waxay ogaysiiyeen in madaxweynihii Muslimiintu araggiisa rabo, weliba hadda raaco.

Xammaalkii  anfariir ayuu la jeestay kolkii ay u sheegeen inay yihiin unug ka tirsan ciidammadii Cali binu Maamuun. Weedh kulul ayuu la soo booday, “Aniga iyo askarta reer Banii Cabbaas maxaa isku kaayo keenaya?” “Maxaa naga dhexeeya aniga iyo mas’uuliyiinta dawladda?” Ciidankii waxay ugu warceliyeen, “Madaxweynihii Muslimiinta wuxuu na soo faray inaan ku soo kaxaynno oo aad u tagto.” Maankiisa waxa ku soo dhacay in maanta uu ku jiro dabin lagu shirqoolayo oo lagula xisaabtamayo. Cabsida Alle oo qalbigiisa ku weynayd se waxay xasuusisay in Alle yahay kan ku filan ee la tala saarto xaaladaha qadhaadh ee aadamaha soo waajaha. Muddo ka dib, waxa uu ku galay madaxweynihii. Salaan ayuu ku jalbeebiyay durbadiiba, waxaana si diirran uga qaaday madaxweynihii Muslimiinta. Intaas ka dib, waxa dhex maray hadallo cajiib ah oo u dhignaa sidan:

Madaxweynihii: Ma i garanaysaa?

Xammaalkii: Kuuma baan imaaddeen haddii aanan ku garanayn.

Madaxweynihii: Waxaan ahay ninkii haystay Xukunkan Cabbaasiyiinta.

Xammaalkii: Waa sida ay yaguba sheegayaan.

Madaxweynihii: Maxaad qabataa, xaggeed ka shaqaysaa?

Xammaalkii: Addoomada Ilaahay ayaan la shaqeeyaa dhulkaas Ilaahayna waan ka shaqeeyaa.

Madaxweynihii: Dhawr cisho oo hore ayaan ku arkay, waxaan sidoo kale gartay in dhibi ku haysato. Kolkaas aan gacan ku siiyee sideen kuu caawin karaa?

Xammaal: Sidee?

Madaxweynihii: Adiga iyo qoyskaaguba ila dega qasrigan. Cuna oo cabba! Iska raaxaysta, dhib iyo rafaadna ka raysta!

Xammaalkii: Madaxweyne, ma murugoodo ruuxii dhabbada Alle dhab u qaada. Walaac iyo walbahaar ka dheer.

Madaxeynihii intaas ka dib wuxuu weydiiyay arrimo la xidhiidha qoyska xammaalka.

Xammaalkii: Hooyaday waa sariir-taal, waalashay way indho beeshay, maalin kasta way af-xidhan yihiin, cunto ayaan u keenaa kolkay cunaanna waanu iska seexannaa.

Madaxweynihii: Oo goormaad toostaan?

Xammaalkii: Kolka uu Eebbe Weyne yimaaddo samadan soke(Samaa’u Dunya).

Madaxweynihii: Cid wax deyn ah ma kugu leedahay?

Xammaalkii: Haa. Danbiyo ayaan Alle hore uga galay Allihii i abuuray.

Madaxweynihii: Miyaanad doonayn inaad nala noolaato?

Xammaalkii: Mey, Wallaahi ma doonayo!

Madaxweynihii: Laakiin waayo?

Xammaalkii: Waxaan ka baqanayaa in qalbigaygu engego’, diintayduna daciifto.

Madaxweynihii: Oo ma inaad xammaal iska sii ahaato ayaad ka doorbidaysaa inaad qasrigan ila joogto?

Xammaalkii: Haa.

Intaas ka dib, madaxweynihii waa uu gariiray, lafihiisa ayaa ruxmay, qalbigu waa ruxmayaa, dharaaro hore wixii uu galay iyo wixii uu guday ayaa dib loo soo xasuusiyay. Casharro dhaadheer oo culays kaga tagay ayaa haatan maskaxdiisa miranaya. Waxa loo dhigay darsi lama illaawaan ah. Xammaalkii iska tag gurigiisii, saamayn weyn ayaa se ku sii hadhay madaxweynihii. Habeen badhkii ayuu boqorkii deg deg u hanbaabiray. Waxa si mug leh loo tusay dharaaro xusuustood iyo wixii uu soo maray. Waxa uu cod dheer ugu yeedhay xog-ururiyihii madaxtooyada. Dhegta i sii dhawr daqiiqo ayaa xigtay. “Anigu waan sii socdaa, kaw dheh, meelna waan u socdaa, laba dheh.

Saddex cisho ka dib, u sheeg Khaliifadii Maamuun inaan iska tagay, waxaad kale oo u sheegtaan in aanu kulmi doono maalinta Soo Bandhigga ee Weyn(Qiyaamada). Waxay ku yidhaahdeen, “Waayo, maxaad sidaas u samaynaysaa?” Wuxuu ku warceliyay, “ Naftayda ayaan eegay mise waxaan ku suganahay halaag, hoog iyo hiigsi la’aan.  Haatan waa amintii aan Alle u go’i lahaa cibaadadiisa. Habeen badh ayuu guureeyay oo goobtii ka dhaqaaqayn. Hoy’gii bilicda sanaa ee hareerihiisa bilicdu hadhaysay ka huleel, hu’gii madaxtinimadana siib.

Haatan wuxuu sii hullaabtay dharkii lagu yiqiinnay masaakiinta. Laga quusay meel uu jaan iyo cidhib dhigay. Sida lagu male weyn yahay waxa uu noqday shaqaale u adeega nin ganacsade ah. Habeen iyo dharaar Eebbe Weyne xuskiisa ayuu carrabka ku hayn jiray wardigana waayo badan ayuu wadi jiray. Sida warar xog ogaal ahi soo tebiyeen aroortii Qur’aanka ayuu xifdiyi jiray, halka Isniinta iyo Khamiistana uu soomi jiray. Geeridu waa lama huraan waana dhabbo aadamaha oo dhammi maraan.

Dharaartii ay ku soo xaadirtay ayuu ganacsadihii u sheegay inuu ahaan jiray Amiirkii reer Banii Cabbaas ee Maamuun dhalay. Fargal uu gashanaa ayuu farta ka saaray waxaana uu ku yidhi, “Haddii ay taydii noqoto, i meydh, i kafan, kaddib na qabriga igu hubso. Intaas ka dib, u tag aabbahay; farta ka gali fargalkaas. Sidii laga codsaday ayuu yeelay wuxuuna far-gashigii farta ka saaray aabbihii isagoo warkii oo dhan uga warramay.

Dhammaan dadkii meesha tubnaa oo warka dhegta u raaricinayay ayaa dhab u rumeeyay walow ay dhaabad  ku noqotay aan la gali karin, haddana waxa maankooda ku soo degdegay aayaddii Eebbe Weyne yidhi, “ Bal ka warran ka isagoo meyd ah aanu noolaynnay, kaddibna u yeelnay nuur uu dadka ku dhex maro. Kaasi la mid miyuu yahay mid mugdi ku jira oo aan kana baxayn.” (Hillinka iyo ujeeddada aayadda: Qofka Alle hagay ee hanuuniyay tubta toosanna cagta saaray waa mid nool, halka hudeeca ku hagaasay diinta uu yahay meyd aan mustaqbal uu hiigsado lahayn.)

Guuleed Maxamed Yaasiin “Dalxa”