Maalmihii daroogada iyo Siminaarkii Maansoor Q.3aad (WQ: Akram Cabdala)

Labada hay’adood ee mashruucan watay oo la kala yidhaa TNS iyo FORSALE oo ka kala socday swedan iyo denmark, waxay noo sheegen in ay soo mareen kenya islamarkaa markay somaliland ka dhamaystaan ay u gudbi doonaan geeska africa intiisa kale. Markasta waxay kooxaha ku celceliyaan alaabtan ayaa idiinka fiican sigaarka. Waxayna leedahay laqabatin sare. inkastoy magaceegii dhabta ahaa naga qariyeen waxay noogu sheegeen mageceega LIFT.

Buuriga noocan ah wuu igu cusbaa. Waxaan se hore u arkay noocyo si qarsoodi ah looga keeno (sudan pakistan india iyo holland) badanaa qurba-joogga ayaa isticmaala. Haddaba alaabtan waxa la yidhaa SNUS way noocyo badantahay, baadhitaan aan uga marag-kacay Maxamed Faarax Qoti 21-7-2019 kadib marku indhihiisa kusoo arkay siminaarka maansoor kuna baahiyey bartiisa facebook ayaa sidan u dhignaa. (tubaakada ugu khatarta badan ee ka mabnuuca ah dunida, saddex dal mooyaane. (Illegal tobacco)

tubaakada la dhigayo canka hoostiisa ee loo yaqaano Epok Lime White Slim Portion Snus” oo dusha sare lagaga qoray far-af soomaaliya ( Badeecadan waxa ku jira nicotin la qabsi sare leh) waxa kale , oo dusha kaga qoran goobaabo cas oo lagu dhex qoray 18 oo dusha kaga taalo isku talaab, taasoo macnaheedu noqonayo 18-jir wixii ka hooseeyaa waa khatar isticmaalkeedu.

Tubaakadan oo miisaankeedu ahaa 16.8 gram, waxa ay ka koobaneyd, qoyaanka urta cinabka ama walxaha biirka laga sameeyo, nicotine 8.5mg/g iyo walaxda nitrosamines 14mg/g. taasoo ah walax qofku marka uu isticmaalo khalkhal galinaysa macdanta jidhka ku jirta, isla markaana ku keenaysa in uu raadiyo walaxdaas isticmaalkeeda, haddii uu waayana waxa ay wax weyn ka badelaysaa shaqada wadnaha, maskaxada iyo ruuxda aadamaha.

Tubaakadan ayaa laga joojiyey dabayaaqadii dagaalkii labaad ee aduunka, taasoo dib loo soo istaadhay sannadihii ina dhaafay, waxaana dusha kaga xardhan qoraal lagu qoray af-soomaali ( Badeecadan waxa ku jira nicotin la qabsi sare leh).https://www.sciencedirect.com/science/article/abs/pii/S0306460318313091?via%3Dihub

https://www.webmd.com/smoking-cessation/features/snus-tobacco-health-risks#2

Maalmihii u dambeeyey ee sminaarka waxa noogu yimid hotelka wiil ka mid ahaa kooxihii u horeeyey kaas oo doonaya in la siiyo xidhmooyin daroogadan ah, daadihiyihii seminaarka ayaa igu yidhi inanka qanci. Dibadda ayaan ula baxay waxaanan u sheegay in aan imika waxba la hayn ee ay (test) tijaabo sideen oonan ogayn inay gaaladu wax qarinayso. Wuxu wiilkii igu yidhi “waar runta aan kuu sheegee dumar ayaa raba”. “Oo halkay joogaan yaase baray? Mida kale iyaga ma seminaar baa loo qabtay?” Wuxu yidhi “ma garanayo ee dumar wada qurba-joog ah ayaa igu yidhi nooga soo qaad”. Cajab!

Xilli aanu nusa-saace u dareernay ayaa si khaas ah naloogu yeedhay aniga iyo wiilkii ila aragtida ahaa. Hoolkii ayaanu galnay albaabka ayaa la xidhay oo gudaha ayaanu ku shaahaynaynaa. Markan waa 5 caddaan ah iyo mid somali ah. Waxay yidhaahdeen “nimanyahow waad nala shaqayseen balse caqabad ayaad nagu noqoteen idinkoon waxba hubsan siiba adiga”, aniguu i sheegayaaye. “Waddanka iskamaanu soo galin ee fasax ayaanu haysannaa”. Kii somaliga ahaa ayaa warqad noo soo tuuray waanu akhrinnay waana warqadihii ogolaanshaha .

Waanu isku yar qaadqaadnay oo waan is diidsiiyey caddaymahan ay sitaan. Mid gaal ah oo yara dhoola-cadaynaya ayaa shandad furay oo kasoo saaray bac yar oo budo caddi ku jirto xagayga ayuu usoo tuuray miiska dushiisa isagoo leh “ma garanaysaa?” intaan kor u qaaday oon yara eegay ayaan dib ugu celiyey oon ku idhi “maya ma garanayo” kii somaliga ahaa ayaa la soo booday “waar buurigan nicotintu ku badan tahay ee aan sikhradda badan lahayn ayaad ka qaylinaysee wataa lagu tusay daroogadii caalamiga ahayd” waxaad mooddaa inaanu isku yar hanjabnay. Gaaladaba kan horboodaya ayaa igaga darane haddana wuxu yidhi “waxaan rajaynayaa inaad hargeysa dhawaan ku arki doontid daroogo heer caalami ah, nimankan aad la murmaysana ciidan ayaa ilaaliya ee afkaagu yaanuu ku xidhin” haddana waxoogaa waanu isku hanjabnay.

Daadihiyihii seminaarka ayaa soo galay oo yidhi 30 daqiiqo ayaad qaadateen. Kadib seminaarkii ayaa lasii waday. Dibadda ayaanu u baxnay aniga iyo saaxiibkay. Kii soomaaliga ahaa ayaa noogu yimid kuraasta dibadda. Wuxu yidhi “qandaraaskan dirqi ayaanu ku helnay oo waa la kala boobayey ee idinkoo raali ah carqaladda naga daaya” hal su’aal ayaan waydiiyey “goormaad dumarka seminaarka u qabateen?” Su’aashaa wuu ka gaabsaday. Saaxiibkay oo yara caadifi ah ayaa ku yidhi “annagoo reer hargeysa ah maxaad ku keentay inaad halkan noogu caga-juglayso” iyo “ka raali ahaada”.

Maalintii u dambaysay xilli galin dambe ah ayey noo yeedheen. waanu u tagnay. Waxay noo sheegeen inay isla hadda noqonayaan oo aanu ismacasalaamayno. Annagoo yara aamusan ayuu mid caddaan ahi camera la soo baxay. Taswiirtaa waanu ka diidnay waanuu iska xereystay. Hadal dheer ayuu noo jeediyey gaalkii u sareeyey isagoo leh “caalamka intiisa badan waanu maraynaa aadna waanu u badanahay wax lala yaabo maaha arinkayagu waddankiinuna waa dimuquraadi, ee labadiinan haddaynu wada shaqayno ka warama?” “Maya” ayaanu ugu soo gaabinnay.

Warqad yar iyo qalin ayey noo dhiibeen iyagoo leh “dhamaan dhalinyarta kale ciwaanadoodii waa na siiyeen ee emailkiina iyo ciwaankiina noo qora” taana waanu ka diidnay. Waxaad mooddaa inaanu kala tagnay annagoon isku faraxsanayn.