Maalmihii Soomaali Galbeed 1990kii – 2019ka

 

Hordhac:

Qoraalkan aan is leeyahay aad fariin gaar ahaaneed uga dhigtid halgamayaashii, masaakiintii iyo da’ yarta hada joogta ee Soomaalida si ay wax uga ogaadaan dhacdooyinkii xiisaha lahaa eek a dhacey dhulka Soomaali Galbeed wixiika danbeeyey sagaashankii.

Inta badan ama dhamaamba wixii aan halkan ku soo gudbiyo waa dhacdooyin aan goob joog u ahaa ama cidii markaa joogtey ay war iga siisey, laakiin nasiib daro wax domumenta ah oo aan tix raac ahaan u adeegsado uma hayo waayo wixii waagaas ganacta lagu qorey oo dhan cabsi darteed waa wada lumey ama waa baaba’ey.

Mudo laba maalmod ah waxaan ku mashquulsanaa bal inaan helo qoraalo macno leh oo gobolkaas iyo dadkiisa laga qorey ilaa iyo hadana waxba ma hayo waliba aniga oo sadex luuqadood ku raadiyey, ileyn soomaalidu meel walba waa ka abaar wax ay iska qoreena ma jiro waxa laga qorey oo baraha waxa lagu aamino karo la soo dhigeyna ma jiro.

Waxaanse mar danbe helay la qoraal oo cilmi baadhis heer sare ah oo lagu baahiyey barta Bildhaan ay ku leedahay shabakada caalamiga ah oo uu tafatiraha ka yahay Prof. Axmed Ismaaciil Samater aadna waan  ugu mahad naqayaa Prof. Axmed iyo ka qayb qaatayaasha kale ee qoraaladan hufan ee culus diyaariyey  mid waxaa la yidhaadaa (State and Politics in Ethiopia’s

Somali Region since 1991) waxaana qorey Tobias Hagmann and Mohamud Hussein Khalif.

Kan labaadna waxaa la yidhaahdaa (Ethiopian Ethnic Federalism and Regional Autonomy: The Somali Test) waxaana qorey Prof. Cabdi Ismaaciil Samater.

Waxaan aad ugu cudur daaranayaa in waxa aan idiin soo gudbiyo badankiisu noqon doono xusuus qor waxa u eg oo aan u habeysneyn baadhitaan cilmiyeed, waxaanan hubaa in qoraalkani furfuri doono wax garad kale iyo aqoon yahano kale oo Soomaaliyeed in ay wax badan iyaguna soo bandhigi doonaan.

Mahadsanidiin. la socod wacan

Xasan Ciise- Suxufi