Qirasho (WQ: Axmed Ibraahim Cawaale)

 

Qirashadii Maxamed Jaamac Abgaal ee ahayd in uu hadda la tacaalayo caafimaad-darro iyo dareen werwer ka dhashay xoolo ummaddeed oo wax kasoo gaadheen intii uu wasiirka ahaa, iyo cafis-weyddiisashadiisa bulsho waxa ay tilmaan u yihiin in ninkaas damiirkiisu nool yahay. Haddii markii uu howlahaas faraha kula jiray damiirkaas nooli la legdamayay hunguri-weynaan, se laga reeyay, in uu weerar-celis sameeyo, isaga oo damiirkaas/ iimaankaasi dhinacyo kala duwan (oo ay uguย mudan tahay fayoobida caafimaad) ka rifayay miskiinkan, kana soo dhiciyo cadawgaas sitay, keliya ma aha guul qof-ahaaneed, bal se waxa bulshada ugu jira casharro wax lagu qaadan karo. Soomalida dhexdooda, in uu qofku bannaanka soo dhigo gefafkiisa ama nuglaanshahiisa, waxa in badan looga fal celiyaa wiirsi. Taasina waxa ay dhalisaa in huursiga musuqmaasuqa, laaluush-qaadashada iyo xatooyadu ay noqdaan qaar hadheeya nolol-maalmeedka bulsho.

Meelo ka mid ah dunida waa la dhiirri-geliyaa โ€œqirashooyinkaโ€ jaadkan oo kale ah, bal se sida ay dadka qiranayaa daacad uga yihiin qirashooyinkaas waa lagu tartansiiyaa, laguna abaal mariyaa! Dalka Shiinaha waxa ka jira barnaamaj TV oo taxane ah, lana yidhaahdo โ€œAlways on the Roadโ€ โ€“ kaas oo lagu waraystay 77 masโ€™uul. Dadkaasi iyaga oo xukuman ayaa ay haddana bulshada la wadaagayeen xumaanta ku-takri-falkoodii masโ€™uuliyadeed iyo laaluush-qaadashadoodii.

Maxamed Jaamac Abgaal, waxa ay aniga ila tahay in uu jid cusub inoo jeexi doono, waxana aan anigu u qirayaa in uu yahay shakhsiyaddii sannadka 2019ka. Qof-ahaanna anigu waa cafiyay. In qirashadiisaa looga faaโ€™iideysto shaac-bixinta xumaanta ku-takri-falka masโ€™uuliyadeed iyo xatooyada hantida dadweynaha waa arrin mudnaanteeda leh. Waxa kale oo ay ila tahay in qirashadiisaasi xalay hurdadii ka xumaysay dad badan (oo ay ku jiri karaan masโ€™uuliyiin hadda joogta iyo kuwo hore inoo soo marayba).

Aanu ku soo ururiyay qoraalkan kooban kaalinta uu damiirku iyo rumayntu ku leedahay xalaalmiirashada qofka. Waa qoraal aan ka soo dhex qaatay buuggayga Tigaadda Tasawufka.
[โ€ฆ] Abu Yazid al-Bestami waxa uu ahaa Suufi noolaa qarnigii 9aad MKD. Isaga oo wax ka qoray xalaalmiirashada, waxa uu sheegay in hooyadii ku tidhi:
โ€œMar Allaaliyo kolka aan rudhmo aanan hubin xalaalnimadeeda aan afkayga geliyo, uurkayga ayaad ku dhex dhaqdhaqaaqi jirtay, manaad joojin jirin ilaa aan afkayga ka fogeeyo.โ€ (Ilwareed: Tadkiirat โ€“ul-Awliyaa) [โ€ฆ]

Waxa Qoray: Axmed Ibraahim Cawaale