Maalmihii Soomaali Galbeed 1990kii – 2019ka qaybtii 1aad

Dhicitaankii xukuumadii Mingiste ( Dergi) May 1991kii.

Waxaan anigu magaalada Jigjiga dib ugu laabtey 01/07/1990 kii, markii hore waxaan aniga iyo qoys kayguba ka mid ahayn qoxootigii tabayaaqadii todobaatanaadkii iyo bilowgii sideedanaadkii yimid dhulkii Jahmuuriyada Soomaaliya gaar ahaan waxaan deganeyn Arabsiyo laakiin dagaalkii ahliga ahaa markii uu ka qarxey goboladii woqooyi (Somaliland) 1988kii waxaan mar kale u qaxney Boorama halkaas oo aan mudo ku sugnaa markaas oo ay hay’ada UNHCR ay ku dhawaaqdey in ay cidii qoxooti ah ee rabta in ay dhulkeedii ku laabto la celinayo.

Waxaa sawiro iyo qoraalo waraaqo ah na lagaga buux buuxiyey xaruntii hay’ada oo ahayd guriga Sicido Goojoo ee hada loo yaqaano Mana Guest House, dhamaan qoyskayaga waan tagney waanan qaadanayn aabahey mooyee oo diiday in uu dib ugu noqdo wadankiisii laakiin inyadii kale  ee  reer Ciise oo ay hooyadey Xabiiba Ismaaciil na hogaamineyso Ilaahay ha u naxariistee waan laabaney.

Markii hore waxaa nala geeyey magaalada Baabuli oo Herer waxa yar u jirta ilaa 11 maalmood ayaan ku jirney, ka dib qoys walba waxaa loo rarey meesha uu sheegtey in u asalkii  ka yimid,waxaana na loo soo rarey Jigjiga.

Dabcan Jigjiga ma ah sidii aan kaga tagey  11 ama 10 sano ka hor, markaa waxa aan ka tagey iyada oo badankeedu waxa xero xiidan ah oo xaafadaha Soomaalida badankooda askari degan tahay, hadase waxaa ku nool dad shacbi ah oo u badan qowmiyadaha kale ee Itoobiya gaar ahaan Axmaarada ayaa u badan qaanuunka Mingestena waxa uu dhigaayey qofkii laba qol iyo wax aka badan leh in mid kaliya loo reebo inta kalena dawladu qaadato oo ay ka kireyso cidii ay rabto waxaana lagu kireyn jirey guryaha lacag aad u yar waxaana lacag qaadi jirey maamulka xaafada ( Qabalaha).

Magaaladu waabay iska koobneyd waxaanay ka ahaan jirtey ilaa lix xaafadood waagii hore Axmaardu xaafada 6aad kaliya uun bay ahaayeen hal Kiniisadna waa ku lahaayeen, inta kale waxaa deganaa Soomaali,Carab iyo Hindi oo labadn danbe ay ganacsi badan magaalada ku lahaayeen woxoogaa Hereri ahin way jireen.

Magacyada xaafadaha magaalada waagii hore ma ahayn lambaro sida hada ee ah xaafada 1,2,3……. Ee waxay ahayd magacyo wada Soomaali ah sida Xaafada suuq yare, Ableele, Jaraaqato, Sheekh Shariif,iwm.

Waxaa magaalada markaa ku yaaley dhawr masjid badankoodu yar yaraa sida Sheekh Cabdisalaam, Maqfira, Xaajiyada, Ina Feedhoole iyo Masjid Jaamaca weyn oo kaasi  guryihiisi waqfiga ee uu lahaa dhamaan la siiyey dad Axmaaro ah ama laga kireeyey qaarkoodna lagu iibiyo waxyaabo aan fiicneyn sida Khamrida, waxaa kale oo ku taaley magaalada hal Kiniisad oo dhakhtarka agteeda ah iyo xabaalo badan oo ay isku aas-aasaan kuna yaala dayrka Kiniisad, xaga waxbarshada magaaladu waxa ay lahayd hal dugsi sare, dhawr dugsi hoose dhexe iyo mid hoose dhexe oo ay Kiniisada Kaatoligu leedahay kuna yaala xaafada la yidhaahdo Jaraaqato.

 

Nolosha magaaladu aad ayey u jabneyd ganacsigeeduna xoog ayuu u socdey una koraayey gaar ahaan waxa ay xidhiidh ganacsi oo balaadhan la lahayd gobolada Itoobiyada kore, inta Soomaalidna waxaa xidhiidh wacan la lahayd qoxootigii degaa Harta Sheekh.

Ma jirin waxa siyaasada ku saabsan ama xoriyada hadalka iyo tan bani aadamka oo meesha laga ogolaa, waxaa habeen iyo maalin dhex wareegayey magaalada ciidan Boolis Milatari ah oo xidhan direys doog ah iyo koofiyad bir ah oo casaan iyo cadaan leh, cabsi badan baa dadku ka qabay nimankaas marka ay agtaada marayaan cid hadli kareysay ma jirin qoryo iyo budad gaagaabana way wadan jireen.

Waxa uu isku dayey nidaamkii shuuciga ahaa ee Mangeste in uu isbadal xaga dhaqanka, dhaqaalaha iyo arimaha bulshada ahba ka sameeyo dhulka Soomaalida gaar ahaan deegaanada beeralayda ah, guud ahaan waxa uu dib u habeyn ku sameeyey qaab deegaaneedkii dadka oo waxaa meelo la iskugu soo rarey reeo meelo kala duwan deganaa iyaga oo qaabkii magaalo oo kale loo deegaameeyey.

Meelaha ugu waaweyn ee la iskugu keenay dadkii banka deganaa waxaa ka mid ahaa: Cambro raage, Biyada, Ceel Axmaar, Feedha Cad, Kooralay, Makaniis, Xera Geel, Geel Boob, Koojaar, Dhugta, Faaraxoodley, Xoodhley Toga Hare Gubrka, Lafta Toonta iyo meelo kale.

la soco qayb kale

Xasan Ciise- Muxalil Siyaasadeed