Sidee Loo Hurumarinkaraa Wax Soo Saarka Beeraha Somaliland

 

HORDHAC

Beerahu waxay kamid yihiin kaydka  baaxada leh ee  soomaaliland  leedahay,  beertu waa habka abuurida,  xanaaneynta iyo soo saarida dhir laga sameeyo  cunto,daawo, dhar, hoy iyo agab wax tar leh. Tan iyo intii uu kordhay qiimaha cuntada ee addunka sadex sano ka hor, maalgalinta beeraha ayaa noqotay waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay ka hadlaan waddamada horay u maray iyo kuwa soo koraya.

Shirkii Waddamada qaniga ah ee G8-ka ee labo sano ka hore waxay ku dhawaaqeen dalalka qaniga ah, laba iyo toban billion oo dollar oo ah qorshe lagu maal galinayo saddexda sano ee soo socota beeraha wadamada soo koraya si oo loo kordhiyo wax soo saarka beeraha. Laba iyo tobanka billion ee dollar ee lagu maal galinayo beeraha waddamada soo koraya maraykanka wuxuu bixin doonaa affar billion oo dollar, Japan waxay bixin doontaa saddex billion oo dollar, inteeda kalena waxaa bixin doona dalalka Yurub iyo Canada. Somaliland mudooyinkii udanbeeyay dadku waxay ku dadalayeen malgashiga beeraha balse wali caqabadaha beeralayda iyo beerashadaba haystaa wax badan iskama badalin.

Dhulka ku haboon beerashada ee ku yaala somaliland

Dhulka ku haboon wax soo saarka beeraha somaliland waa  11% boqolkiiba koobiya toban 7%  boqolkiiba todoba ka mida dhulkaa waxay ku yalaan gobolada Awdal iyo Maroodi jeex.  Dhulka la beerto somaliland waa mid aad uyar wax soo saarkiisuna aad uliito  iyaday taas sabab utahay dadaal laanta beeralayda iyo maalgalin laan. Dhinaca kale wali wax soo saarka beeruhu ma helin taageeradii loo baahnaa. Roobka ay somaliland heshaa waa 55omm sanadkii kaas oo ah mid aad ubadan balse lagama faaidaysan inta badana biyahaas waxay galaan bada.  Nuucyada beeraha somaliland waxaa loo qaybiyaa laba nuuc oo kala ah : Beeraha waraabka iyo kuwa roobka.

 

Caqabadaha haysta wax soo saarka beeraha Somaliland

Tan iyo laga soo bilaabo 1991 wax soo saarka beeraha somaliland waxa uu ahaa mid  marba marka ka danbaysa hoos usii dhacayay. wax soo saarka beeraha somaliland waxaa hoy uu unoqday xaluf ban iyo maal galin laan.

Caqabadaha haysta beeralayda iyo beerashada somaliland waxaa ka mida:

1: xaluf ban iyo nabad guur aad u balaadhan

2: xirfada beeralayda oo aad hoos ugu dhacday

3: jaadka oo ka mushquuliyay beeralaydii wax soo saarkii beeraha isla markaana dhawacay dhaqaalihii qoysaska beeralayda.

4: maal galin laan

5:  siidhka dibada laga keenay oo ah mid aan la hubin tayadiisa

6:  siidhkii dalku lahaa oo lumay

7:  wada shaqaynta ka dhaxaysa beeralayda dawlada iyo xarumaha cilmi badhista oo aad uliidata

8: koradhka tirade qayska oo keentay in uu yaraado dhulkii beerta ahaa

9: isbadalka cimilada iyo abaaro soo noqnoqanaya

Dadaalada xukumada samaysay sanadkii lasoo dhafay

Tan iyo intii Ahmed muumin seed loo magacabay wasiirka beeraha jamhuuriyada somaliland waxaa uu bilaabay dadaalo dheeraad ah oo lagu horumarinayo wax soo saarka beeraha.

Ahmed muumin seed ayaa noqonaya wasiirkii ugu horeeyay  ee is badal baladhan ku someeyay wasaarad beeraha mudo sanada.

Wax qabadka wasiirka beeraha waxaa ka mida

1: kulminta aqoonyaanka beeraha iyada xooga lasaarayo sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka haysta beeralayda iyo beeraha somaliland.

2: kor uqaadida mushaarka shaqalaha wasaarda beeraha walaw ayna wali ku filnayn

3: dhirigalinta beeralayda gobalada somaliland oo dhan isagoo socdaalo badan ku baxiyay lana kulmay beeralay badan.

4: beerista bananka wajaale, xaaxi iyo beer

5: samaynta sharcigii abuurka ama siidhka beeraha.

6: soo celinta xaruntii kaydka abuurka qaranka

7: soo ibiibinta cagafyo iyo misshiino casriya

Iyadoo dadaladaa oo dhan jiraan hadana wali fari kama qodna caqabadaha haysta beeralayda iyo beerashada somaliland.

Qaabka loo horumarin karo wax soo saarka beeraha soomaaliland

Waxaa xaqiiq ah in horumar la taaban karo laga gaadhi karo dhanka beeraha hadii bulsho weynta iyo dawladu  usoo jeestaan wax soo saarka beeraha iyadoo lagu samaynayo  maalgashi  baladhan  nuucyada kala duwan ee beeraha, waxaa wanaagsan in arimahan hoose la dar dar galiyo:

  • In la sameeyo istraatiijiyad horumarineed ee ku aadan beeraha wadanka guud ahaan.
  • Waa in bangiyada jiraa ku dadaallaan maalgalinta beeralayda
  • In lala kaashto hayadaha caalamiga ah bilaabida mashaariicda beeraha oo balaadhan
  • In la helo maalgashadeyaal soomaaliland udhashay iyo kuwa kale ee calamiya .
  • In lagu wacyi galiyo bulsho weynta soomaaliland ahmiyada ay beeruha leeyihiin.
  • In la yareeyo lana baabiyo colaadaha ku dhisan is dirirka beelaha, taasoo caqabad ku ah beerista.
  • In la sameeyo biyo xireen si beeruhu uhelaan biyo joogto ah.
  • In dib u dayactir lagu sameeyo biyo xireenadii hore u jiri jiray.
  • Dib u howlgalinta khubarada  dhanka beeraha aqoonta iyo khibrada wanaagsan u leh.
  • In la helo qalabka lagu hormariyo beeraha, sida daawooyin tayeysan, makiinadaha iyo warshadaha sameeyo noocyada kala duwan ee dalaga.
  • Waa in dawladu samaysaa xarumo cilmi baadhista beeraha ah
  • In la sameeyo lana dhiiri galiyo iskaashatooyinka beeralayda

In la yareeyo lana baabiyo heyadaha aan dowliga aheyn ee wax kusoo qaato magaca beeraha, hadana aan mashruuc horumarineed ka sameeynin dhanka beeraha.

Waa in dawladu dhirigalisaa mashaariicda lagu qabanyo biyaha iyo carada ee dalka ka socda isla markanaa bilawdaa mashaariic kale oo ku baahsan guud ahaan dalka.

Waxda fidinta beeraha oo la tayeeyo isla markaana la gaadhsiiyo beeralayda ayaa iyadna ah mid aad mihiim uugu ah kordhinta iyo kor uqaadid wax soo saarka beeraha somaliland.

Gunaanad

Hurumarinta beeruhu waa shay aad mihiim uugu ah jiritaanka umada si taas loo ilaaliyo waa in lagu dadalaa sidii loo hurumarin lahaa beeraha dalka.

Beeruhu waa lafdhabarta dhaqaale ee somaliland marka lagu daro xoolaha taasi oo noqonaysa 90 dhaqaalaha dalka sida ay cadaysay rugta ganacsiga somaliland. dardar galinta iyo hurumarinta  wax soo saarka beeruhu waxay horseedi dontaa isku filnaasho dhinaca cuntada iyo dhaqaalaha labadaba ah.

Cabdicasiis Axmed Maxamed- Qoraa