Maalmihii Soomaali Galbeed 1990kii โ€“ 2019ka qaybtii 2aad

Hasa yeeshee bilowgii bishii may 1991kii waxa ay ahayd maalin taariikheed markii jabhadii TPFL iyo xulafadeedii ay soo galeen magaalada Adis Ababa dagaal dheer oo lagu riiqdey ka dib.

Sida uu qoraalkiisa cilmi baadhista ah ee uu sameeyey Prof. Cabdi Ismaaciil Samater ku sheegey: Adis Ababa waxaa ku hareereysan Oromo iyo Axmaarada markaa ma ay qabsan kareyn TPLF kaligeed waxaaney sameysey maalmihii u danbeeyey isbaheysiga EPRDF oo ururka oramada ee OPDO laย  yidhaahdo ee markaas ku biirey isbahaysiga waxaa sameeyey TPLF waxaaney asalkoodii ahaayeen askar maxaabiis ah oo dagaalka ay ku qabteen dabadeena uga faaโ€™iidesyteen in ay ka dhigaan urur mucaarad.[1]

Adis Ababa markii ay soo galeen xoogaga markaa la baxay EPRDF way dhacdey dawladii Mingiste, gobolka Soomaalida mudo ka badan 48 saacadood ayuu biaa dawlada ahaa gaar ahaan Jigjiga oo aan markaa anu ku sugnaa.

Labadaas maalmood iyo habeenkaas bilaa maamulka la ahaa cabsi baa jirtey mararna xabad dhaceysa waa la maqlaayey,laakiin ma dhicin ciidankii xooga ahaa ee birta iyo dabka ku haystey dadka in ay magaalada bililiqeystaan oo ay boobaan, waxaaba dhacdey in askarta qaarkood la waydiisto in ay hubka iibiyaan laakiin waa diideen wayse jireen askari askari qoriga si dhuumasho ah ku iibinaayey.

Halka Soomaaliya oo markaa afar bilood ka hor burburtey wax walba hilfaha loo qaadey ileyn waa la kala wadanisan yahay,Soomaali kuwa boobey waa isla iyaga uun ee burburiyey iaa manta halkaas ku haya, halka ciidanka Mingeste laga helaayey tobanaan qawmiyadood oo kala diin iyo kala aba ah.

Ugu deynbeyn waxaa na soo gaadheyย  maleeshiyaadkii EPRDF (IHADHIIG)ย  ee wadanka la wareegey runtii tiradoodu ma badneyn ooย  waxa ay ahaayeen ciidan kooban hub fududnaย  iyo mid dhexe uun wata AK47, Daba miishaar iyo Baasuuke, waxaaney wadeen gaadiid shacab basas iyo baabuur tareelayaal ah.

Guud ahaan gobolka oo dhan ayey wada gaadheen maalmo yar gudahood magaalo kastana waxa ay ku reebayeen ciidan yar oo kooban.waqtigaa Soomaalidu ma lahayn wax hogaan siyaasadeed ah oo habeysan oo markaas marxalada adag ee dalka iyo dadkaba soo waajahdey wax ka qaban kara.

Waxaa xiligii jirey laba urur ama Jabhadooda kuwaas oo kala ahaa WSLF oo dagaaladii dhamaadkii 70 baatameeyadii kaaln wacan ka qaadatey hadase u muuqata mid magac uun ah oo laga digo rogtey, iyo ONLF markaa dhawr sanadood jirtey, walow magaceeda xiligaa caan ahaa aanad moodaysey in ay isku dayeysey in ay buuxiso kaalintii WSLF hadana waxaa ku hor gudbanaa caqabado badan oo ay adag tahay sida ay uga talaabsato.

[1] Abdi Ismail Samater, Ethiopian Ethnic Federalism

and Regional Autonomy:ย  The Somali Test1

Xasan Ciise-Muxalil Siyaasadeed