Sanad-guurada 35aad ee ka soo wareegtay xasuuqii Boorama ee 1984 (WQ: Maxamed Aadan “D.Adams”)

Mudo 35 sanadood ah kadib maanta waxa ay ku beegantahay January 30 1984 maalintii murugada badnayn ee diyaaradaha dagaalka ee Ethiopia ay weeraro lamafilaan ah kagaysteen magagaalada Boorama iyaga oo bambooyinka culus ku burburiyay dugsigii aan wakhtigaa wax kabaranayay kaasi oo ahaa dugsiga hoose dhexe ee wiilasha Borama.

Inkasta oo aan ka badbaaday anigu, hadana nasiibdaro waxaa halkaasi kunafwaayay Ardaydii aanu isku fasalka anayn iyo kuwiikale ee schoolka , macalimiin iyo dadwayne kale oo xaafadaha udhow dugsigaasi kunoolaa. (Waxan codsanayaa in faataxada loomaro ardaydii iyo dadkiikale ee ku nafwaayay maalintaa duqaynta ).

Waxa aan wali sii xasuustaa nabaradii xanuunka kululaa ee ciida ololaysa filidhada qaraxa bambooyinka burburka dhismaha dugsiga iyo jiingadihii fasalada aanu kujirnay noo geysteen markii ciidamada cirka ee dawlada Ethiopia nagu garaacayeen sawaariikhda iyaga oo ku xasuuqeen shacab u badan caruur oo aan waxba galabsan.

Wakhtigaa oo ay dawladii Soomaaliya jirtay waxa booqasho kuyimid Magaalada Borama wasiirkii gaashaandhiga Major General Calisamater.

Waxaana idaacadahii dalka qabsaday oo laga baahiinjiray barnaamijyo tacsi , gurmad iyo maansooyin baroordiiq ahaa oo hobaladii wabari ay dadwaynaha reer Borama u qaadeen.

Tusaale ahaan Maansadan waxa layiraahdaa AARKU BAAQSAN MAAYO . Waxa curiyay Abwaanada kala ahaa Maxamed Xirsi Yemyem Pro, Daahir Maxamuud Xadi iyo iyada oo Axmed Faarax Cali Idaajaa na wax uu kulahaa ereyadaa.

Hadaba laba heesood oo ka mid ah maansooyinkaasi ayaan ayaan halkan idiinkusoo gudbinayaa midhihii .

Heestan hore oo ereyadeeda ay lahayen Abwaan M xirsi Yemyem iyo A F Cali Idajaa waxa ku luuqeeyay fanaaniinta caanka ah ee Hibo Maxamed Hodoon iyo Xasan aadan samater.

Bilaha sanadka oo idil

 

dhulkii bilicda fiicnaa,

Nin bukaa haduu tego

uu soo bogsoonjiray

Bahal oodan mooyee

ninyaqaana Boorama

Bambo kuma garaaceen.

Barbaartiyo Caruurtii

Bakhtigooda geeriyda

baroordiiqduan maydkiyo

biixiya maka bayaan

Bayruudba niman baa

Baaba ooda tiriyoo,

badhtankeeda Kaabuul

barkad weeye dhiiguye

Salvadoorta Bagox baan

ku bariisan nabadoo

bahdii aan midoobin

murugaan baxaynoo

La isbaacsan mooyee

kolay baladu kaligaa

buulkaaga may dhigan

Adna Booramay garo

Aarku baaqasan maayee.

Balmaxaan baadi maqanoon

kulahaa bahal furay

uu raad keeda baabi in

Kadib heestaasi markii aysoo baxday ayaa waxa falanqeeyay dadwayne iyo abwaano reer Awdal ah waxana baydadka qaarkood loo fasirtay in abwaanada Mareexaan ay Maxamed Siyaad oo ay isku haybyihiin kuna tilmaamayaan in uu soo aari doono . Haseyeeshee markaa reer Borama waxayba kudhaliilayeen sida ay ugu guuldaraysatay xukuumadii Siyaad Bare in ay shacabkii kadifaacdo weerarada cadawga iyo in ay ka gaabiyeen in ay Qoriga SAAMKA keenaan Borama .

Waxana heestan oo ay ku luuqeeyeen fanaaniinta Maxamed Aadan Shamuuri iyo Shamso cumar sameeyay Profesor Daahir Maxamuud xadi isaga oo tilaamaya in Borama aanay ahayn meel loo calaacalo balse ay iyada lafteedu aargudankarto

Baaruuda qiiqdee

Bayruud ka yeedhee

badhtankeeda Kaabuul

Baasuukahaa Galay

Boobuhu wuxuu dhigay,

aafaadka buubaal

intuu beelo soo gubay

biyi waaye Maandhow

Borama hadaan ahay

ka bogtaye ogsoonow.

Laxbaraad la maan ihi ama

Boore moore ah

marka buunku yeedhee

warankiyo bilaawaha

hubka laysla beegsado

isbaacsiga dagaalkiyo

Boorama hadaan ahay

Burji baan u leeyahay.

Maantana bartaydiyo

baydkii haday timid.

Barbaartiyo caruurtiyo

dadka biri magaydada

Bamninkii u quudhee

baqayaha u soo wadhay.

Aarku baaqsan maayee

walee bari aan dheerayn

ana baacugaan jari

 

By Mohamed Aadan Ibraahim

 

D.ADAMZE