Maalmihii Soomaali Galbeed 1990kii – 2019ka qaybtii 3aad

Dhisitaankii xukuumadii EPRDF ee u horeysey.

Jabhada EPRDF/TPLF waxaa diyaar u ahaa marka ay wadanka la wareegteyba qaabkii ay waxa u maamuli lahayd maalmo yar gudaheed waxaa lagu dhawaaqey dawlada kala guurka  (TG) taasi oo uu madaxweyne u noqdey gudoomiyihii jabhada Melez Zenewi      ( TPLF),ra’iisal wasaarena waxaa laga dhigey Tamiret Layne  oo ka tirsan ururka la odhan jirey Amhara National Democratic Movement ( ANDM ) , durba waa muuqtaa sida loo kala yeelanayo Itoobiyada cusub in ay hilbaha ugu roon kala qaadanayaan qawmiyadaha turuqa weyn.

Waxay ay markiiba xukumadaasi ku dhawaaqdey in dalka nidaam dimoqraadi ah ka hana qaadey oo xuquuqda Aadanaha, xoriyada hadalka, ururo iyo axsaaba in la sameysan karo, dalkuna waliba nidaamka federaalka waxa ku qaybsan doono, cid kastaana iyadu is xukumi doonto oo cidna aan waxba loo yeedhineynin.

Arimo waxaas la sheegey muujinayana waa lagu dhaqaaqey oo waxaa ka mid ahaa shir weyne la isugu iman doono Adis Ababa oo qawmiyaduhu kaga arinsan doonaan sida waxa loo kala qayb sanayo, dhamaan hawlaha oo dhan sida ay u socdaan waxa ay u muuqatey in isbadal dhab ah wadanka ka hana qaadayo.

Dhinaca amniga waxa ay bilowdey dawlada cusubi in ay gacan adag ku qabato wax kasta oo ay is leedahay waxa uu khalkahlin karaa nabada iyo xasiloonida, waxaa ka mid ahaa dhamaan wixii hub culus, mid dhexe iyo qalab milatari ahaaba ee ay ka tagtey ama laga wareegey dawladii Mangiste waxa ay bilowdey dawlada EPRDF in ay ururiso oo dhamaan loo qaado galbeed koley dhab uma hayo meesha la geynaayey qalabkaas laakiin gobolka Soomaalida waxaa yaaley hub aad u tiro badan waxaas oo dhana waxaa la geeyey galbeed guntii.

Sidoo kale jabhada wadanka qabsatey waxa ay bilowdey in ay dadka tuugta ah ee dadka socotda ah jeeb siiba gaar ahaan meelaha baabuurta laga raaco ee Adis Ababa,Dirdhaba,jigjiga iyo Hararba ay suuqa dhaxdiisa ku toogtaan taasi oo cabsi abuurtey laakiin xasiloon deg deg ah iyo cabsi laga qabo dadkan gaa-gaaban ee wadanka qabsadey ay abuuranto.

waxaa qorey: Xasan Ciise- Muxalil Siyaasadeed