Wafti ka kooban Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL iyo Machadka Shaqaalaha oo gaadhay dalka UK

-Ujeedada Safarkan ayaa ah sidii aan xidhiidh dhaw ula soo samayn lahayn Jaamacadaha iyo xarumaha Tababar ee dalkan UK iyada oo aan beegsanayno dhinacyada; barashada English-ka iyo Cilmi baadhista dhanka kalena Machadka Shaqaalaha Dawladda waxa aan u soo samayn doonnaa Jaamacad ka caawisa maktabad Online ah “E-library” si shaqaalaha Dawladdu u heli karaan Buuggaag ay online ku daalacdaan.

– Socdaalkan ayaa imanaya kadib markii Machadka Shaqaalaha Dawladda laga dhisay dhinaca qalabka imikana ay u baahan yihiin xidhiidho ka caawiya dhinacayada ay baahida u qabaan.

– Maalmaha soo socda ayaan kulamo kuur-gal ah la yeelan doonnaa Jaamacadaha dalkan UK iyo sida oo kale xarumaha Tababar si loo helo xarunta Waxbarasho ee ugu tayada badan hadii Alle Idmo

Sharmaarke Axmed Muxmed Geelle
Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL.

Bandhige@gmail.com