Maamulka Mustafe maxaa u qabsoomey intii uu jirey?

 

 

Qiyaastii waxaan filayaa in la magacaabey Mustafe Muxumed Cumar bishii Ogosto 27 keedii sanadkii ina dhaafey 2018kii, waxaana hada u dhamaadey shan bilood in intaas waxa lagu qiyaasaa runtii in ayna cadaalad noqonayn  in lagu qiimeeyo waa arin adag  marka loo eego baaxada hawlaha maamulkiisa hor yaaley iyo kii ka horeeyey oo ka tagey gago(goob) madhan, kaba sii darane wax walba ay dhulka yaaleen oo ay burbureen.

Si aan u fahmi karno aniga aragtideyda waxa ay ila tahay in aan dib u eegno meesha wax laga bilaabey iyo sida ay ahayd maamulka uu la wareegay.

Ma ahayn maamul ku yimid  si caadi ah oo kala wareegey kii ka horeeyey wixii uu qabtey iyo wixii uu qaldayba waxaana la odhan karaa waxa uu ahaa maamul ku yimid si aan caadi ahayn oo kedis ah (emergency), waxaa dhulka lala simey dhamaan wixii maamul dawladeed ahaa halka ugu hooseysa ee ah maamul xaafadeed ( Qabale) ilaa heerka ugu sareysa oo ah madaxweyne waxba ma jirin,dhamaan waxaa maqnaa maamulkii dawlada oo dhan amni,kala danbeyn, hanti wax walba waxaa ay ahayd in laga soo bilaabo eber ama kow kow.

Maalmahaas waan imid Jigjiga (26 august,2018) waxaana iska caadi ahayd in aanay jirin meel maamul ka jiro oo aad ku hagaagto  kaliya waxaa joogey ciidan federal ah oo nabada guud ilaalinaayey.

Hadaba waxaa is weydiin mudan maamul dhan oo shaqeynaayey (functional) ahaa sid uu mar kaliya dhulka ku taabtey oo meel walba isu badashay fawdo ? waana arimaha u baahan in Soomaalidu ka daawowdo isuna diyaariso in maamulkii jira ha xumaado hase fiicnaade in si caadi ah (normal) loo badalo,adduunkana way ka dhacdaa in cid la badalo laakiin si aan caadi ahayn wax uma dhacaan marka inaga la inaga reebo.

Taas waxaa ka sii daraa raja darada uu qofka Soomaaliga ahaa iyo duliga uu ku noolaa ee la badey mudadii uu maamulkii hore jirey kaasi oo inaba aan tix galin waxa la yidhaahdo karaamada iyo sharafta qofku leeyahay in la tix galiyo oo la ilaaliyo.

Mar hadii aan nidhi meel eber ah baa wax laga bilaabey maamul, miisaaniyad amni iyo wax kasta oo dawladi lahayd maxaa Mustafe iyo maamulkiisa u qabsoomey mudadaas kooban ee ay jireen? Waxaan ku soo koobi karaa dhawr qodob oo muhiim ah waana la iga aragti duwanaan karaa waase inta aan fiir fiiriyey mudad kooban ee aan wadanka ku sugnaa, waxaana ka mid ah:

  1. Waxaa la soo celiyey dhamaan haykalkii iyo nidaamkii maamul dawladeed lahaa laga soo bilaabo maamulka xaafadaha, Tuulada,degmo gobol ilaa heer is maamul oo dhamaan waxaa shaqeynayaa wixii maamul dawladeed ahaa.
  2. Waxaa la sugey amniga iyo nabad galyada ismaamulka oo dad badan xataa rumeysan waayeen Jigjiga wixii ka dhacey 4 ogost sanadkii tagey iyo maanta sida ay tahay taasina waxaa aad uga markhaati kacey maamulada iyo dadweyanaha kale ee Itoobiya inteeda kale ku dhaqan ka dib markii todobaadka bandhiga magaalooyinka Itoobiya lagu qabtey Jigjiga.
  3. Waxaa la saxey oo la meel mariyey miisaaniyadii is maamulka ee badankeeda la lunsadey ama la waayey waxaana maanta ka socda mashaariic horumarineed oo tiro badan kuwaas oo qaarna dhamaad yihiin sida Korontada dhagax buur, wadooyin laami ah oo bilow ah sida Baabuli iyo Fiiq,Jigjiga- Awbarena in ay dhawaan bilaabanto ayaa la filayaa,mashaariicda biyo galinta oo ismaamulku aad ugu liitey ayaa si wacan iyaguna u socda.
  4. Wixii balan qaad ah ee maamulku sameeyo oo markiiba la fuliyo sida Harta Sheekh oo booyado biyo iyo ambalaaso la siiyey Sheed dheer oo iyaduna heshay booyad iyo ambalaas sidoo kale Gobyarey oo dadkii dukaamadu ka gubteen la siinayo lacago lagu taageerayo dadkii ganacsigooda ku waayey dabkii halkaa ka kacey walibana baabuur dab damis ah la siiyey.
  5. Xafiiska kaydinta midhaha oo bilaabey in uu gobol kasta ka dhiso bakhaaro waaweyn oo lagu kaydiyo abuurka ama shinida beeraha (seeds) si beeraley kastaa uga hesho meel iyaga u dhaw.
  6. Ciidankii ONLF oo la qarameeyey laguna darey ciidanka deegaanka ( Liyuu police) si ay uga qayb qaataan ilaalinta nabada iyo xasilinta deegaanka.
  7. Tix galinta qiimeynta iyo karaameynta insaanka Soomaaliga ah taasi oo aan horey u soo marin deegaanka Soomaalida uu intii Itoobiya qaadatey nidaamka federaalka waxa uu is maamulku ku jirey xaalad deg deg ah oo milatari xukumo.
  8. Xoriyada hadalka iyo cabirida aragtida oo qofna aan maanta cidna waxaba odhanayn taasi oo ah waxyaabaha ugu muhiisan ee lagu cabiri karo in dalka isbadal ka dhacey.
  9. Taariikhda markii ugu horeysey oo is maamulka Soomaalida aanay jirin maxaabiis siyaasdeed halkii waagii hore dadka xidhan badankoodu ay u xidhnaan jireen waxa ay rumaysan yihiin ama waxa ay ku fikirayaanba.
  10. Kolay qof bani aadam ah oo dhameystiran ma jiro waxaa xusid mudan khilaafkii ka dhax qarxay maamulka iyo madaxda xisbiga ayaa mudnaa in si gudohooda ah u xaliyaan laakiin waxaa lala aadey Adis Abab taasina waxaan u arkaa wali in ay tahay in aynaan isku kalsooneyn wixii khilaaf ah ee yimaada waa in qaab waafaqsan dastuurka ismaamulka iyo xeer hoosaadka xisbiga lagu xaliyaa ayna dhicin hadeed in cid kale soo fara galiso hadii ay taasi dhacdo waxaa ay fursad siinaysaa in meel kale la inaga maamulo.
  11. Ugu danbeyn waxaa ii muuqata rajo wanaagsan oo lagu dhisi karo maamul wanaagsan horumarna lagu sameyn karo, waxaa kale oo jirta fursado badan oo ganacsi oo qof walbaa meeshii uu jecel yahay ka bilaabo karo iyada oo aanu ka baqeyn in isaga iyo xoolihiisaba wax yeelo soo gaadho.
  12. Badalaada calanka iyo astaantii hore ee is maamulka so celinteedii waxay ahayd maalintii ugu horeysay maamulkiisa.
  13. Dhagax dhigida wadada Wajaale- Berbera ayaa iyaduna muujinaysa kalsoonida ka dhaxeysa ra’iisal wasaaraha Itoobiya iyo Mustafe Cumar waayo waxa ay ahayd wadadaas in uu dhagax dhigo mas’uul heer federal ah.

Xasan Ciise- Muxalalil Siyaasadeed – Jigjiga