Maanso: Xeerka Nolosha (WQ: Abwaan Axmed Aw Geeddi “Dheeraad”)

  • Xaasidnimo iska ogow
  • Ha xistiyin qof guul heley
  • Ha xagxagan cid kaa mudan
  • Hana xaman walaalkaa!

 

  • Ha afuufin xuladdada
  • Xunka diradiraalaha
  • Xoondhan hayskuaafeyn!

 

  • Dadku waa xigaaliyo
  • Xidid iyo tol wadajira
  • Xundhuraa isuguyaal
  • Xaasha’e ha kalararin!

 

  • Xuduudaha qabiilkiyo
  • Soohdimaha xajiintaleh
  • Haw foofin xoolaha!

 

  • Dilka iyo xasaradaha
  • Warmaxiira haw tuman!

 

  • Caqligaa xariiree
  • Yey xadhaadhin garashadu!

 

  • Qof xishoonayaa wacan
  • Xaslo ceebahaagoo
  • Xilliyada waxsaarka leh
  • Sidaxiidka haw ciyin
  • Ha xaduurin qaylada!

 

  • Hooyadey nuxiganiyo
  • Xurmo waalidkaa mudan

 

  • Xabiib baa kuuuntaye
  • Ha martiyin xabaalaha
  • Ha xadreynin dhaantada!

 

  • Markuu xaysku kuuda’o
  • Ha xareedindayrtii
  • Ha kutuman xayeeshkiyo
  • Waxaraha xagaasadey!

 

  • Xusbadee ayaamaha
  • Xaalee wixiitegey
  • Berritana xusuusnow!

 

  • Xukun waa ka Eebbahay
  • Xaddiis iyo sunaha qoran
  • Xeer Baan yaalkiyo
  • Xaashiduu kufrigu dhigey
  • Waa laguxujoobaa!

 

  • Xubbinama dhexyaallee
  • Haw xubeeringaalada!

 

  • Xidin xiid habeenkii
  • Waxauu la xiiqaa
  • Kaxarrimay hurdo iyo jiif
  • Yaanxaas-walwaalkiyo
  • Saca Dhiin lagaaxadin!
  • Xidhkagaadejiifiyo
  • Xaal waa iska ogow!

 

  • Weli gaaxil haw dudin
  • Xildhibaanna haw noqon
  • Ha kuxiiqin kaanbeyn!

 

  • Dalku waa xurmeed hawr
  • Ha xaraashin aayaha
  • Xaqul-qalin ha kuidleyn
  • Gobannimadu waaxore
  • Sidaxuudka haw liqin!

 

  • Inta geel xawaad badan
  • Xero-guushan laga dhacay
  • Xaddi way kabadantee
  • Balxaguun u raacdee!

 

  • Xaruntii tilmaanneyd
  • Kursigii xiddeysnaa
  • Haddii xaakin kuuqoro
  • Xigtadaada ugatali
  • Yey ku xayanin goonyaha
  • Xaawaley ha sootubin
  • Xamastaada ka adkow
  • Xuluul –jeceshu waa halis
  • Yey xabbaadhin guuyada
  • Xeedhyahaayey madhin
  • Xuukada gudaha taal
  • Iyo xoorki Laaleys

 

  • Goosarad xawaaltaal
  • Xaydha-weyn kudhabataye
  • Rag aan xoogsan baa shalay
  • Xaynkooda buuxsadey!

 

  • Xuurkiyo dan-laawuhu
  • Shaadhkaag ayuuxidhan!

 

  • Xigtaweehad keligaa
  • Ha kushuban sibraar xidhan
  • Hana xadinammaanada
  • Ha xawilan giraamkiyo
  • Xoolahaagoontiyo
  • Xantoobadayaroortii
  • Xaniiq duunku riixaan
  • Nin xilqaaday eed qaad!

 

  • Xaajada adkaatiyo
  • Taladii xayirantaba
  • Xurgufaha dhexdeenna ah
  • Xeerbeegti la ogow!

 

  • Jinka iyo xildiiddaa
  • Si u kalaxanaaqee
  • Hays kuxeerin gaadhadag
  • Xuunshana abaallehe
  • Dadkii kuu xafgooyee
  • Xiddigaha kusoo sudhay
  • Ha kaxidhan albaabada!

 

  • Waannadu kaxeel dheer
  • Xoololaysasiiyee
  • Xaaxiyoow nasteexada
  • Xabbadkiyo dhegahasii

 

  • Hashan xaalu fdaaqa ah
  • Xeebiyo mid uun Hawd

 

  • Ayaa loo xergeeyaa
  • Xoolo-seeg ma daajee
  • Qawsaar usooxula!

 

  • Xisbiyada abtiriska ah
  • Ol’olaha xajiinta leh
  • Cayd iyo xifaalaha
  • Xiqdigiyo nactooyada
  • Xulafada la kaladiray
  • Waa xadhig-maleegiyo
  • Xirribuu gumeystuhu
  • Xagga sare ka keenuu
  • Xaafadaha ku kala raro
  • Ogow yeey xodxodashiyo
  • Laabxuunsho kaahelin!

 

  • Aadmigu ma xinifyara
  • Ragna ways xanaakadin
  • Ma xammilo nin jilicsani
  • Kaftankiyo xifaalaha
  • Xoor baan dulqaadane
  • Xanta shada kaweynow!