wefti uu hogaaminayo Gudoomiyaha Hay’ada shaqaalaha dawlada ayaa waxa ay safar shaqo ugu ambabexeen dalka Uganda

weftiga waxa ay ka koobnaayeen;

Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Hawlaha Guud iyo Maayarada Berbera, Borama, Laascaanood iyo Mayor Xigeenka Degmada Sheekh iyo Saraakiil ka socda Machadka Tababarka Shaqaalaha ee JSL,Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Hayada UNDP.

Safarkan oo kulamo la sii qorsheeyay la yeelanayan Madaxda machadka Maamulka ee Dalka Uganda (Uganda Institute of Management) iyo Hayada Shaqaalaha Ee Dalka Uganda, waxa ujeedadu tahay taaba gelinta Machadka Tababarka Shaqaalaha Dawladaha Hoose ee JSL oo dhowaan La daah furay sidii xubnaha Guddida Boardka iyo Machadka maamulka ee Uganda isaga kaashan lahaayeen dejinta manhajka Machadka, qaabdhismeedka, hababka daraasaadka iyo cilmi baadhista la xidhiidha kobcinta aqoonta shaqaalaha Dawladaha hoose ee JSL.

Image may contain: 1 person, standing and outdoor