Shareecada Islaamka (WQ: Sayid-Abdirahman Abdillahi)

Shareecada Islaamku waa laba weedhood oo la isku geeyay. Macnaheedu tahay Sharci ama (Law), si kale haddii aynu u dhigno waa awr lagu hoggaamiyay kobtii uu biyaha ka cabi lahaa. Waa shuruuc iyo axkaam laga soo dheegtay Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah. Shareecada Islaamku dadka waxa ay fartaa sida loo tukado, sakada loo bixiyo, iyo sidoo kale sida soonka loo oogo. Isla jeerkaasna, waxa ay ina fartaa nooca labbiska aynu qaaddanayno iyo sida salaamaha la isku wayddaarsanayo. Waa hannaan ku toosiya dadka raacsan qaab-dhismeedka nolosha iyo hannaanka toosinta togan iyo hirgelinta akhlaaq iyo dhaqan suubban. Shareecadu waxa ay wax weyn ka tartaa hannaanka guurka, furitaaanka iyo weliba dhaxalka. Iyada oo shareecadu sidaas tahay ayay haddana waddamo badan oo Islaam ahi aanay ku dhaqmin, sida Soomaalida. Waxa ay sameysteen hannaankooda u gaarka ah.

Shareecadu waxa ay bayaamisay hannaanka dawladnimad suubban iyo garsoorka. Afartan iyo sagaal dawladdood oo Islaam ah (49) ayaan ku dhaqmin xeerka Shareecada Islaamka, waddamadaas labo waddan oo keliyaata ayaa ugu dhaqma Shareecada si adag, waana Waddanka Sacuudi Carabiya iyo Iiraan. Haddii is-qabad weyni meesha yimaado, waxa aad loo tixgeliyaa tan Shareecada. Shareecada waxa loo qaybiyaa Xalaal (Permissible) iyo Xaaraam (Forbidden). Shareecada Islaamku waxa ay leedahay qawaaniin lagu qaado qofkii ka horyimaadda ama jebiya. Qolyaha reer galbeedku marka ay dhalliilayaan Shareecada, waxa ay soo qaataan tuugga gacmaha la jarayo, ciqaabaha kala duwan ee la mariyo ruuxa ka horyimaadda Shareecada, qofka isaga oo Islaam ah ee diinta ka baxa in dil lagu fulin karo. Iyo qisaasta lagu fuliyo ruuxa ruux kale qudha ka jara. Waxa ay yidhaahdaan in ciqaabahan kala duwani ka hor imanayaan xeerka caalamiga ah ee xuquuqal insaanka. (International norms of Human rights). Shuruucda iyo dhiganayaasha Islaamku raacaan waxa ka mid ah:

• Axaaddiista:
Axaaddiistu waa odhaahyadii iyo ficilladii nebiga shacni iyo naxariis korkiisa ha ahaatee, oo la soo ururiyay. Axaaddiistu, waa isku gayn in ka badan 60,000 oo eray, oo ah weedhihii nebiga oo la ururiyay. Inkasta oo axaaddiista qaarkood aanay wada sax ahayn (Authenticity), oo ay jiraan axaaddiis faro badan oo nebiga la ga sameeya lagana been abuurtay, ayaa haddana waxa la sheegaa 170,000 oo hadal oo nebiga laga soo weriyay. Bilmatal, Axaaddiista qaarkood ayaa ka mamnuucaya dumarka in ay keligood safraan, iyaga oon wadan Muxram.

Isla xaddiiskan iyaga oo soo daliishanaya ayay maryawaynta Carabtu usoo daliishadeen in aanay gabadhu gaadhi kaxayn karin Sacuudi Carabiya dhexdeeda. Axaaddiista nebigu way kala culus yihiin, kuwa muhiimadda badan la siiyo waa kuwa odhaah ahaan looga hayo nebiga (Orally). Waxa laga soo weriyay intii u dhaxeysay qarniyadii Hijriga 8 illaa 10-naad. Xaddiisyada ugu badan waxa ururiyay Imaam Bukhaari (810-70) iyo Muslim Bin Hajjaaj (817-75). Waana kuwa ugu kalsoonida badan inta la ga hayo xaddiisyo nebiga. Shuruucda iyo qawaaniinta shareecada ee ku soo arooray Quraanka waxa ay Qur’aanka ka yihiin 500 oo Aayaddood, ama waxa kitaab ka Qur’aanka Kariimka ah ka yihiin 16%. Islaamku waxa ay rummaysan yihiin in dhammaan mabaadi’ida iyo shuruucda Islaamka u dejisan ay ku soo arooreen Qur’aanka kariimka. Bilmatal, in sakada la bixiyo Qur’aanka ayaa inna faraya ; laakiin xaddiga iyo qadarka la bixinayo, waxa laga ga warramay axaaddiista iyo aqwaasha nebiga la ga hayo.

• Sunnada:

Sunnadu waa shuruuc iyo qawaaniin mabda’ysan, iyo sida nebiga (SCW) u wajjihi jiray waxyiga iyo awaamiirta illaahiga ah ee Eebbe wayne nebigiisa ku soo dejinayay.

• Siirada:
Siiradu waa tagtaddii iyo taariikhdii nebiga shacni iyo naxariis korkoosa ha ahaatee. Siirada waxa ku sugan cibaaro iyo cajab. Waxa ay ka warramaysaa dagaaladii nebiga iyo waxyaabihii nebigu usoo joogay.

• Tafsiir iyo Ta’wiil:
Tafsiirku waa fasiraaddii iyo qaada dhiggii qura’anka kariimka ah. ta’wiil oo iyaduna ah fasiraadda axaaddiista, isku geyn waa fasiraaddii kitaabka qur’aanka kariimka iyo axaaddiista nebiga (SCW), oo la isku geeyay.

Maddaariistii Shareecada iyo madhabtooda
Dhammaadkii qarnigii 8-aad, waxa soo if-baxay afar maddarasaddood oo tafatir iyo taxliil ku sameeya Shareecada Islaamka. Labadii ugu muhiimsanaa waxa ay kala ahaayeen (Xannafi) iyo (Shaafici). Xannafiyada waa maddarasaddii u horraysay ee la abuuray. Waxa abuuray Caalimkii weynaa ee reer Ciraaq (Abu Xaniifa) (700-767). Xannafiyada waxa laga haystaa waddamada kala ah: Hindiya, Pakistan, Bangladesh,Turkey, Afghanistan, iyo badhtamaha Eeshiya.
Shaaficiyaddana waxa yagleelay Caalimkii reer Makka ee Imaam Al Shaafici (767-820). Shaaficiyadda waddamada haysta waxa ka mid ah: Masar, Indonesia, Bariga Afrika, Soomaaliya, iyo Suuriya.
Maddaahibta kale ee iyaguna jiray waxa ka mid ahaa Xannaabilada oo uu sameeyay (Imaam Axmed ibnu Al-Xanbal (780-855). Ibnu Xanbal waxa uu aaminsanaa in xaqiiqooyinka biyo-kama-dhibcaanka ahi ay ku soo arooreen Qura’aanka, Quraankuna yahay meesha loo noqonayo markasta. Xannaabilada dhulalka aadka looga haysto waxa ka mid ah: Galbeedka iyo waqooyiga Afrika.

Madhabta afaraad waa madhabtii labaad ee la aasaaso oo uu dhidibada u taagay Imaamkii weynaa ee Imaam Al-Maalik Ibnu Anas (715-95). Maalikiyada waxa laga haystaa Sacuudi Carabiya iyo waqooyiga Nayjeeriya.
Dhammaantood Eebbe haka raali noqdee. Khilaafdka mabaadi’ida iyo waxyaabaha la iskaga horyimaado waxa lagu xallin jiray nooc loo yaqaano (Ijmaac) oo ah kulanka culimada faddilan oo arrinta la isku mariwaaya ka fatwooda, kaddibna go’aan kama dambays ah soo saara. Marka laga yimaado maddaarista Sunniga, sidoo kale waxa jira maddaaris ay leeyihiin Shiicada
iyo tafiirtooda reer Binu Cali, maddaaristooda waxa ka mid ah: Maddarasadda Jacfariyada iyo maddarasadda Ibnu Zeydi.

Qaaddiyada, Muftiga iyo Fatwada
Qaaddiyadu waa waddaadada maxkamaddaha, waa culimada gacanta iyo hoggaanka u haya maxkamadaha Islaamiga ah. Waa culimada u xil-saaran qeybinta dhaxalka iyo hantida loo kala qeybiyo dhaxalka dadka doonaya. Markale culimadani mararka qaarkood masaajiddada ayay khudbado iyo wacdiyo ka galaan. Muftigu waa xeeldheere iyo culimo sharaf badan oo ka faalloota ummuuraha Islaamka iyo wadcigooda.

Fatwada: Fatwadu waa qawlka culimada ee raajixa ah. Waa hadal culimada indheer-garadka ah ka soo saaraan ama kaga fatwoodaan xaalad dadka haysata, oo loo baahan yahay in culimadu ka fatwoodaan. Fatwooyinka qaar lama qaadan karo, oo waxa ay dhiirigeliyaan in dad aan waxba galabsan lagu jihaado, kuwaasina waa ku dhalay in ururo iyo isbahaysiyo jihaad doon ah abuurmaan – siiba dhulka Soomaalida – oo maanta la ciirciiraya fatwooyin Shuyuukh kala duwan. Tusaale waxa kuugu filan Fatwada uu sameeyo Sheekh Al-Azharka Masar, inkasta oo dadka qaar ku dhalliilaan in ay gudbiyaan oo soo xambaaraan aragtiyadaha dawladda dalka Masar. Haddana fatwadaas waa mid laga qaddariyo dhulweynaha Islaamka.

Bilmatal, ku gadajirkii Bishii Ramadan ee dabshidkii inna dhaafay, waxa la sameeyay in ka badan 300 oo fatwo – oo weliba laga sameeyay Internet-ka oo keliya, gaar ahaan degeelka iyo website-ka la yidhaahdo IslamOnline, ee uu sameeyay Sheekh Al-Qardaawiga Masar, ahna falanqeeye ka tirsan TV-ga Aljazeera. Waxa ay ku tusinaysaa sicir-bararka ka taagan Fatwada. Ciqaabta iyo xeerarka kala duwan ee la mariyo ruuxa ka horyimaadda Shareecada. Tusaale, ruuxa tuugga ah ee xattooyo sameeya; Qur’aanka waxa uu qeexaya in gacanta la gooyo. (Surah 5:38). Xannafiyadu waxa ay rummaysan tahay in ruuxa xatooyo sameeya, lacagtii iyo hantidii uu dhacay dib looga bixiyo. Halka culimo badan oo Islaam ahi qabaan in xeerka ciqaabta ee dhigaya in gacanta la gooyo la ga tannaasulo oo ciqaabta la mariyo keliyaata ummuuraha iyo cases-ka waaweyn ee dhiilada wata. Sababta oo ah bay yidhaahdeen aayadda Qur’aanka Kariimka ah ee ka hadlaysa xattooyada gacanta la goynayao; waxa ku xigta aayad kale oo tilmaamaysa raxmadda iyo cafiska Eebbe, in Eebbe korreeye awoodo in uu cafiyo ruuxa khaldama ee gef ku dhaca. Haddii aynu ku yara nasano gacanta la goynayo, bilmatal, waddamada dadka gacanta la jaro way isku maandhaafsan yihiin halka laga goynayo gacanta. Sunnigu waxa ay rummaysan yihiin in laga jaro gacanta hore (Wrist). Halka Shiicadu aaminsan tahay in ruuxa laga jaro faraha hore oo keliyaata (Fingers). Islaamku waa diin sharaf iyo cisi u sugnaatay, waxa ay xarrimtay dhammaan gabood fallada kala duwan iyo xattooyada. Islaamku sidoo kale waxa uu qeexay in gacanta midig wax lagu cuno. Nasiib-darradu-se waxa ay tahay gacanta midig waa gacanta la jaro, haddii qofku sameeyo tuugnimo. Bilmatal, dalka Afghanistan, xilligii ay ka talinayeen ururka Taliban, ayaa waxa ay soo rogeen xeer dhigaya in lugaha iyo gacmaha la jari karo ruuxii tuuggo ku kaca.
Islaamku waa diin illaalisa, dadkana farta awaamiir ku saleysan khulqiga iyo dhaqanka wannaagsan. Nebiga Shacni iyi naxariis korkiisa ha ahaatee, markii la soo diray, waxa uu yidhi:

Waxa aan u imi si aan u dhammaystiro makaarimta akhlaaqda. Sidaa daraaddeed waxa ay ku tusinaysaa sida Islaamku u dhawray dhaqanka wannaagsan. Waa gaalnimo cad ruuxii Eebbe sifo aanu lahayn ku tilmaama, dhaqanka Shareecaduna ma bannayn. Tusaale, Ninkii la odhan jiray Salman Rushdi ee reer Masar, ee yidhi nebigu naag ayuu la tuntay gabadh (Walciyaadu billaah). Hadallada noocaas ahi waa deelqaaf iyo gef aad u weyn oo laga galo diinta Islaamka. Qolyaha qaar ayaa ku doodda in xeerkani ka hor imanayo xuquuqda hadalka xorta ah (Freedom of Expression). Balse waa denbi wayn oo laga galay diinta iyo dadka Islaamka. Mar kale ayuu Salman Rushdi ku kacay gef weyn oo uu Islaamka ka galay, waxa ay ahayd markii uu daabbacay sannaddii 1989-kii dhiganihii la magac baxay (Satanic Verses) oo macnaheedu yahay (Aayaddihii Shaydaanka). Isla markii uu daabbacay buuggiisaas ayaa hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan Aayattullaah Cali Khumayni dul dhigay xukun dil ah oo lagu fuliyo Salman Rushdi. Waana arrin Sunni iyo Shiicaba ku waajib ah in diinta loo gargaaro.
Diinta Islaamka oo laga baxaa waa denbiga ugu wayn ee diinta Islaamka laga galo. Waa fal danbiyeed cad oo ruuxii diinta ka baxa ay ku waajibtay ganaax culus. Xeerka dhigaya in la dilo ruuxii ka baxa diinta Islaamka la dilo waa sharci u dejisan waddamo badan oo Islaam ah. Sida Sacuudi Carabiya, Iiraan, Pakistan, iyo Masar. Inkasta oo ay yartahay dadka lagu fuliyo sharcigan oo kale.
Dhanka kale ugu yaraan 15% dadka Islaamka ah ee yimaadda dhulweynaha Yurub waa qaar ka baxa diinta Islaamka. Taas oo ka dhigan in ay jiraan 200,000 oo qof oo markii hore Islaam ahaa, markii danbena riddoobay. Waxa ay ahayd sannaddii 2007-dii markii uu hadlay muftiga ugu weyn xaga diinta dalka Masar Grand Mufti Cali Goomaa – oo yidhi: “Shareecada meelna kaga ma taallo in la dilo ruuxii ka baxa diinta Islaamka”. Taas oo Islaam badani ku raacay. Waxa ay yidhaahdeen Eebbe waa kii ku caddeeyay Suuratul Kaafirruun: Anigana diintayda, idinkana diintiina. (Into your religion, and unto me my religion). Arrintan ayaa cirka isku shareertay markii uu hadlay mid ka mid culimada iyo indheer garadka Masar oo la yidhaahdo Yusuf El-bedri, waxa uu yidhi: ” Diintu maaha wax lagu ciyaaro, ruuxii ka baxa diinta Islaamka waa in la dilaa”

W/Q: Sayid-Abdirahman Abdillahi (Facebook account)
Twitter: @Adendheere04
WhatsApp Number: 00252634264366
Email: cawoabdillahi645@gmail.com
Last modified