Tirsiga taariikh kastaa waa tilmaan huwiyada ama sumad bulsho gaar u leedahay. Halka quruumaha dunidu siyaabo kala duwan u tirsadaan. oo ku qotoma ย caqiidooyinka iyo dhaqamada ay rumaysan yihiin.
Nolosha iyo caqiidada islaamku waxay keensatay, sumado lagu baadi sooco marka la arko qofka, sida dharka ay xidhaan salaadaha iyo xajka, aadaanka. Laguna garto marka uu umado kale la nool yahay. waxa la dareemayaa ahaansho gooni u ah umaddaasi taasay tilmaamaysaa taariikhda Hijrigu.
Sida umadaha kale Shiinaha, Giriiga, Faarisiyiinta, waxay dhamaan leeyihiin tirsiyo iyo tusmooyin taariikheed oo u gaara una taagan huwiyadooda bulsheed sidaasi si lamiduu islaamkuna u leeyahay midan .
In lagu tusmaysto goortii uu Nabigu Naxariis iyo amaan xaga sare kor kiisa ha ahaatee. una hayaamay Madiina kana guuray Maka. Wuxuu ahaa Hayaankaasi dhacdo wayn xaga islaamka isbadaladii ka dambeeyay, bud dhigana u ahaa. Taasaa keentay in la isla qaato taariikhdan ka bilaabmata maalintii Rasuulku Naxariis iyo Amaan Xaga sare dushiisa ha ahaatee. Uu baxay.
Rasuulku Naxariis iyo amaan xaga sare korkiisa ha ahaatee. waxa uu in badan dhex wareegay xujaajtii iman jirtay kacbada oo uu ku odhan jiray waar yaa raacaa oo imagan galinaya. Taasi oo wufuudii reer Madiina u balan qaadeen in naf iyo maalba ku difaaci doonaan. ย Allaah raali ha ka noqdee.
Dhinaca kale wali Rasuulku Naxariis iyo amaan xaga sare korkiisa ha ahaatee wuu sugaayay in rabbi u fasaxo, taasi oo markuu uu Abuu Bakar doonay in uu hijroodu uu ku yidhi iska joog waa intaasood heshaa saxiib kula safree. Maalintii Rasuulka Naxariis iyo amaan xaga sare korkiisa ha ahaatee. Loo ogolaaday buu u sheegay Abuu Bakar taasi oo uu ooyay farxad darteed. In aan ku raaco maa laii ogolaaday.
Cumar binu Khadaab baa soo jeediyay. Markii waraaqihii bateen sumadna u baahdeen in la kala saaro. Taasi oo uu guddi usaaray aakhirkiina Rabbi swt waafajiyay maalinta qiimaha leh. Waxay tilmaamaysaa in Islaamku yahay ummad isku dhan dhamaan qaybaha nolosha oo dhan.
Arrinta ugu muhiimsan Caabudaada Rabbi swt waa laba mid lagu dhawaaqo, iyo mid ficil ahaan loo sameeyo. Dhamaan kuwa ficilka sida Xajka iyo Soomka waxay kaliya ku hagmayaan wakhtigan sanadkan oo june iyo april soom ma waajibayo. Ramdaan iyo Dul xaj uun baa la soomi karaa lana xaji karaa. Markaa la mid maaha marna kuwa kale oo caqiido ayuu hijrigu huwan yahay.
Maxaa laga baran karaa jihradii.
Sabir
Salaanka ugu fiican ee meelaha sare, dadka sare ku fuulaan waa saadka sabirka iyo doonida lagu dabaasho dabaylaha iyo mawjadaha culus ee caabiya qofka intuu nool yahay 10kii sano ee Maka sabir baa lagaga soo gudbay.
Hurid
Diinta wax badan baa loo soo huray, saxaabta qaar markay jiroonayeen waxay isku furteen waxay maal lahaayeen. Si nabiga scwr madiina u gaadhaan.
Qorshayn
Abuu bakar waxa uu diyaariyay, neefkii lagu safri lahaa, qofkii kaxayn lahaa, hablihiisii oo caawiyay, qofka kaxeeyay waliba muslim muu ahayn, waa in shaqada cidkastaa ka qayb qaadan kartaa, rag, dumar, caruur, madax, iyo cid aan islaam ahay la isticmaali karaa hawlgalinta.
Quusasho laโaan
Markasta rajada way fiicnayd. Marna dhintii jirtay may xidhin in uu jiro marin laga baxo oo dhawi. Niyad wanaagu waa saadka socodka. Xigasho Khudbadii Sheekh Almis jimcaha iyo Dr Xasan Al Basri. Voa.
ยท In la ogoodo Qiimaha ay joogto Jawharadan
In muslimiintu ku baraarungaan waxa jawharada islaamka loo soo maray iyo waxay inooga baahan tahay inaga.
Soo ururintii : Axmed Cali Kaahin