Maanta oo kale dilkii sayd qudub 1966 (WQ: Axmed Nuur Guruje)

” Maanta oo kale dilkii sayd qudub ”.

 

Maanta oo kale 29-Ogost 1966 waxaa la daldalay Caalimkii faylasuufka ahaa ee Sayd Qudub ,kaasoo taliskii Jamaal Abdi naasir muddo dheer u xidhnaa.

Sayd Qudub oo baryaha qaar ay saaxiibo xoog isugu dhaw ahaan jireen Madaxwayne naasir waxaa laggu yidhi , sayd quduboow Gamaal wuu ku saamaxayaaye waydiiso cafis isna wuxuu kaga jawaabay ” Marka aan salaada tukanayo , faraha aan itixiyaadka Ilaahay dartii u fiiqo , Gamaal cafis ugu qoran maayo , hadii Gamaal igu dilayo xaq qisaastu dambigayga ha maydho , hadii uu xaqdaro igu dilayana isagu ilaahay hala hor taggo ”.sidaas ayaa laggu dilay Sayd qudub 3 sanno oo keliya ka dib 28-Sempter 1970 ayuu Jamaal.

Cabdinaasir isna geeriyooday , ka dib markii uu wadne xanuun ka qaaday dagaalkii lixda cisho ee Yuhuudu ku burburisay ciidamadi Masar , dhul balaadhana kaga qabsatay.

Sayd qudub wuxuu ka tagay waxyaabo badan oo lagu xasuusan doono waqtiyo badan oo soo socda , waxaana ka mid ah , nashiidadiisi uu xabsiga ka dhex sameeyey ee uu lahaa.

” Walaalkayoow xor baad tahay adigoo xidhan ,

waxaanad xor ku dhex tahay xabsigga dhexdiisa ,

maadaama aad tahay mid xaq ku taagan ”.