Somaliland: Ku Daayaye Doog Ha kaa Baxo Waxay Ku Dhaanto La Waa (WQ: Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray”)

SOMALILAND: KU DAAYAYE DOOG HA KAA BAXO WAX AY KU DHAANTO LAMA HAYO

Ka hadalka Arimaha Somaliland waxad moodaa in siyaasiyiinta Somaliland muxaafid iyo mucaarid ay ka wada gaabsadeen farahana ka wada qaadeen oo hadhka looga wada dhacay.

Qof qofka ka hadla laftiisa ayaanu hadalkiisu wax ka soo qaad yeelan karin oo laga yaabaa in dadku ay la yaabaan oo yidhaahdaan “weger waar yaa yidhaa ha xiiqin eh danahaaga raaco”. Kaalintii xisbiyada mucaaridku meeshaba way ka baxday oo malaha heshiis hoose ayaa jira oo dhexmaray Madaxtooyada madaxda labada gole ee Baarlamanka iyo madaxda xisbiyada mucaaridka ah . Marka ay sidaa tahay qof keligii iska hadlay oo aan muxaafid iyo mucaarid midna ahayn hadalkiisu wax saamayn ah ma yeelan karo dan gaar ah oo ugu jirtaana ma jirto in dhacdo maalmeedyada wada sargacan uu keligii wakhtigiisa iskaga lumiyo isagoo heli kara in danihiisa gaarka ah  iskaga foofo inta wakhtigu wax badan kala cadaynayo bishuna hortooda imanayso oo laga yaabo in aanay dheeraynba. Inta ka horeysa ha ku habsaamin Arimaha Somaliland waxay ku dhaanto aniguba garan maayo ee ha fadhido Farow ciddii wax ku waayaysaa ha ku waydo eh.

Sidaa iyo bye bye