Maasno: Indho-daalis (WC: Abwaan Axmed Aw Geeddi)

Waa maanso cusub oo la magac baxday Indho –daalis, waxa curiyey Abwaan Axmed Aw Geeddi.

Sagal soo indha-kuushiyo

Man ugbaadku tallaaliyo

Waqal soo onkodaayiyo

Ashkirow faraskii iyo

Aydin beel ku carrowdiyo

Ugaas geed ku shiraayiyo

Aroos baal laga taagey

Sitiyaal la afsaariyo

Indha-daalis la moodyey

Ma ifkaad ku dhaqnayd?

 

Uma baahnid ammaan

Iyo iidheh midkoodna

Ilaah baa ku dhammeeyoo

Idiley dhabankaaga

Meerayaasha iftiimiyo

Dayaxaa ashqaraaroo

Idilkood ku majeertee

Allow yaanay ku cawryin.

 

Oogadaadu xariir iyo

Qurux aadmi sameeyiyo

Uma baahnid Kiriimoo

Ugubey bilicdaada

Xiddigaha olkomaayiyo

Qorraxdaa anfariirtoo

Idilkood ku majeertee

Allow yaanay ku cawryin.

 

Ammin-khayrka salaadda

Adoo Iid tukanaaya

Markaad uunka salaantay

Ubax meel fog ku yaalliyo

Haldhaa toosay arooriyo

Daa’uus baad u ekayde

Afkuleeble kuhaaniyo

Asaaggaa kuma cawryo.

 

Hidde waa ku arooroo

Asli waa la toydaaye

Hooyadaa Indha-deeq

Afar baad la wadaagtay:

Aaddaney quruxdaada

Anshaxaaga wanaagsan

Aqalkiina dhexjoogga

Iyo waalid addeeca.

 

Egenkaad ku dhaqnaydiyo

Irdahaad ku barbaartiyo

Aabbahaaga wanaagsan baa

Dadka qaar og yihiinoo

Geyaankaa agahaagu

Way ku eeganayaanoo

Ergey soo dirsadeene

Yaan afkaagu ku ciilin.

 

Oosha taalla galbeedkiyo

Bari baa ku addeecoo

Ereygaaga quweeyoo

Balqiisey anshigaaga

Istanbuul gudaheediyo

Suldaan Ruun irdihiisiyo

Orobbaa laga naadshoo

Arrinkaagi fogaa.

 

Rag ninkii ku arkaana

Cishqi buu la ilmeeyoo

Xuural-cayntu adduunka

Haddii ay iman layna

Adigay noqon leydoo

Uumiyaha badda joogiyo

Kuwa ayda ku nool baa

Abidkaa ku bogaadsha.

 

Guurna waa istareexoo

Janno weeye adduuniyo

Ibo xoor laga maaliyo

Aqal weeye dugsoone

Wiilkii aad ulanaysee

Uurka aad ka jeclaydee

Waajibkii ka adkaadiyo

Ala-koodshe ha waayin.

 

Ayaankaa ma xumaadoo

Udubkaagu ma liicoo

Degelkaa ma abaadoo

Dadku kaama irdhooboo

Naftu kaama aguugtoo

Ubadkaa ubadkiisa

Wada goosta ardaayo.

Dhammaad

 

Halkan hoose ka dhagayso maansadan:

bandhige@gmail.com