Maayar Solteco waa hawlkar bilicda caasimada kor u qaaday (W.Q: Maxamud Lafcanbe)

Waxaa dhawaan laga baahiyay war sawir  ahaa oo telafishanka la yidhaa Star TV  ka sii daayay magaalada Hargeysa kaas oo ahaa arrin war dhaliil xambaarsan loo ekaysiinayo balse si cad loo wada arkayay oo ahaa barnaamij olaleysan wariyiyihii warka soo tabinayayna sida uu u doonayey u soo abaabushay una baahiyay.  Waxa ka muuqatay oo si cad loo wada arkayey in dadkii la soo sawiray iyo kuwii la waraysanayeyba ay ahaayeen qaar ahaa jileyaal si gaar ah loogu  soo xafidsiiyey loona soo abaabulay in ay warbahinta ka aflagaadeeyaan Maayarka caasimadda iyo xildhibaanada Golaha deeganka Hargeysa  oo isbadal muuqda ka sameeyay caasimadda dalka.

Haddii aan dib ugu noqdo baaahinta  TVgaas Star waxaad ka arkaysay dadweyne waryiyaha Star TV ka soo dhaadhiciyey in ay qashin meel yaalla sanka  iska wada qabtan intii warka la duubayay si qashin meel yaalla loogu cambaareeyo  Maayarka caasimadda iyo xildhibaanada golaha deeganka. Horta qashinku mar walba waa caqabad qaranka iyo magaalo kastaba haysta waana dhibaato jiri jirtay imikana jiraysa haddaan si wanaagsan la iskaga wada kaashan shacab iyo dawladba, waa mid canaanteeda kobaad iyo ta labaadba dhaliisheeda  ay leeyihiin dadku.

Isla mar ahaantaasna waa mid waajib ku ah iyana in dawladda hoosena inta ugu saraysa itaalkeeda ay wax ka qabato qashinka, nadiifinta magaalada waxaase xaqiiq ah haddii ILLAAHAY laga baqayo in qashinku ka yimaado dadka iyo xaafadaha magaalada run ahaan meel walba ku quba.

Maanta waxa ku nool dadweyne gaadhaya siddeed boqol oo kun llaa milyan iyo laba boqol oo kun inta u dhaxaysa kama  yara xaafadaha qashinku ka yimaaddaa dhowr boqol oo kun.  Colkaa badan iyo biyo kaa badaniba way ku hafiyaan, mas’uuliyadda ugu badan ee qashanku waxay saaran tahay dadweynaha shacabka ah ee ku nool  Hargeysa.

Shacabka Hargeysa waxa waajib ku ah sidii ay marka horeba qashinka meel urursan oo cayiman ay u dhigi lahaayeen. Haddiise qashinka si mas’uuliyad darro ah loogu qubo wadada iyo laamiga la marayo, aqalada hortooda, magaalada dhexdeeda, laagaha iyo dooxaba dee markaa waxa  adkaanaysa ururintiisa goobaha laga daadiyey.

Mid waxaan u soo jeedinaya  wariyeyaasha TV-yada gaar ahaan Star TV oo aan leeyahay waar wariyenimadu waxay tahay mehnad qaali ah oo si daacadnimo ku jirto ay dadwaynaha loogu baahiyo loona soo bandhigo warar ku salaysan xaqiiqo jirta iyo warar caqli gali kara  balse aan ahayn aflagaaddayn iyo wasikhayn aan eed lahayn.

Maayarka Hargeysa  Cabdiraxmaan Maxamud Caydiid “Solteco” isaga iyo xildhibaanadiisuba  waxaan aniga iyo dad badaniba aaminsan nahay in ay dawladda hoose ee  Hargeysa ku soo kordhiyeen qalab casri ah sida baabuur tiro badan oo ah iska rogooyin, cagaf-cagafyo kala wada shaqo ah, Buldowsaro iyo wax taariikhda aan gole deegaan oo horeba u qaban horena aan adeegaas loo haysan kaas oo ah gawaadhida dab damiska ee gaadhaya illaa todoba ama siddeed baabuur oo waawayn gaadhaya.

Waxay qabteen waddooyin wada laamiya  oo ay u dambayso wadada tagta madaarka caasimadda ee Cigaal oo dhowaan bilaabmaysa. Maayar Solteco iyo dhammaan xildhibaanada golaha deeganku waxaan ku leeyayahay ILLAAHAY hawsha aad qaranka u haysaan jasaa’igeeda ha idin siiyo halkaa ka sii wada yaan la idin qalin daarin, gole idinka wanaagsan Hargeysa hore uma soo marin, cayda iyo olalayaasha sidan oo kale ah yaanay marnaba idinka hakin hawl maalmeedkiina iyo qorshahiina idiin qoranba.

Maxamud Lafcanbe

Toronto, Canada.