Macalim-kaab, Q.3aad: Macalimka wanaagsan (WQ: Cabdi Caawiye)

Macalim ma rabtaa inaad noqoto macalin raad ku reeba aqoonta maskaxda iyo nolosha ardeygiisa. haddaba si aad u noqoto macalinkaa aynu soo xusanay macalimka wanaagsani waa macalimka ku sifooba sifooyinkan soo socda.

  1. Shaqsiyad wanaagsan ayuu leeyahay macalimka wanaagsan waxa uuna dadka ugu dhex noolyahay sida boqorka oo kale waana la qadariyaa shaqsiyadiisa toosan darted.
  2. Waxa uu leeyahay aqoon xeeldheer macalimka wanaagsani waxa uu leeyahay aqoon xeel dheer oo dhinacyo badan ah waayo macalimka wanaagsan waa mid ayna aqoontiisu ku koobnayan inta uu dhigaayo oo kaliya lkn waxa uu leeyahay aqoon dhinacyo badan ah.
  3. Waa uu naxariis badanyahay. Macalimka wanaagsani waa mid naxariis badan oo ardeyda uu wax baraayo iyo waalidiintuba ay isku tilmaamaan.

Macalimka aan naxariista badan lahayni waa mid aan arkin inta badan geedkii uu kusoo tabcay midhihiisa. Waayo ardeygu waxa uu ka tirsanayaa cadaawad haba ahaadaan ardeydaasi qaar tiro yar.

  1. Wuxuu si fiican u maareeya fasalkiisa. Macalimka wanagsani waxa uu maareeyaa fasalkiisa waxana uu ku abuuraa fasalkiisa jawi waxbarasho oo degen sida habka ay fasalka u fadhiyaan ardeydu, habka ay u kala horeeyaan oo ardeyda inta dhaadheer xaga dambe la fadhiisiyo inta yar yarna xaga hore si ay wax u arkaan .
  2. Wuxuu hayaa xogta ardeyga oo dhan. Macalimka wanaagsani waxa uu ogyahay xogta ardeyga oo dhamaystiran sida heerkiisa waxbarashada, maadada uu ku liito, dabeecadiisa gaarka ah, waxa uu xog ka hayaa nolosha qoyskiisa IWM……………….

MACALIN OGOW :  Ardeygaagu waa aduunkaagii iyo maalkaagi.

Good Teacher

  • A good teacher can inspire hope, ignite the imagination, and instill a love of learning. …
  • Teaching is a very noble profession that shapes the character, caliber, and future of an individual. …
  • The mediocre teacher tells. …
  • Of all the hard jobs around, one of the hardest is being a good teacher.

 

Lasoco qaybaha danbe

W.Q cabdi cawiye ismacil

+252634115877

Hoos ka akhri qormadii hore ee mowduucan:

http://bandhige.com/macalim-kaab-q-2aad-cashar-diyaarinta-wq-cabdi-caawiye/