Qarnigii sagaal iyo tobnaad badhtamihiisii, waxaย gelbeedka dhulka Somalida meel ka mid ah, macalin ka ahaa nin la odha jiray macalin Axmed oo caruurta Qur’aanka u dhigi jiray.
Macalin Axmed, waxa uu guur la’aan ku gaadhay da’aha kontomaadka isaga oo awoodi-kari-waayay, in uu bixiyo geelii faraha badanaa ee xilligaa hablaha yaradkaย looga qaadan jiray.
Macalin Axmed, waxa caruurta uu Qur’aanka u dhigo mushqaayad ahaan uga qaadan jiray, qaalin geel ah oo la gudoonsiiyo marka uu ardaygaย 30ka Jis ee Qur’aankaย ah dhameeyo. Nasiibdarrro se,ย ย ardaydu inta badan 30ka Jis ee Qur’aanka ah may dhamayn jirin. Sababtuna waxay ahayd,ย ย bulshadii ay ka soo jeedeenย ayaa ahayd reer guuraa hadba dhinac u hayaanta..
Inkasta oo macalin Axmed uu ahaa nin konton sano baarka ka jaray, oo ay calaamadihii da’duna ka muuqdaan, hadana waxay duruufahaย iyo waayuhuย ku qasbeen in uuย habeenkiiย kaligii Ardaa cidla’aย ย dhaxanta iyo dabaysha ku weheshado.
Waxa se taa kaga sii lur iyo xanuun badnayd,ย marka uu maqlo dam-damta iyo damaashaadka aroosyada ee habeen iyo maalin ay dhagihiisu ka ladi-la’yihiin.
Iyada oo ay arrintaasiย ku abuuraysay, hanqaaran iyo hiyikac xoog badan oo qalbigiisa sida dabaylaha u gil-gilayay.
Macalin Axmed waxa uu hadbaย halacsiga daymada indhaha ku dhuftaa, gabadh daruurtaa u eg oo loo galbinayo wiil uu da’ahaan dhali karo, laakiin se nasiibka iyo waayuhu kala hor mariyeen. Waxa uu marbaย is waydiiyaa,ย goorta uu isna aroos ilo-xidhan uย galban doono.
Waxa uu xaalku sidaa ahaadaba, habeenada iyo maalmuhuna isda socdaanba, waxa goor aroor ah macalin Axmed oo ardaydiisiiย Qur’aanka u subcinaya la soo joogsaday, nin la odhan jiray Guuleed iyo wiil yar oo uu dhalay oo isna Hirad la odhan jiray.
Guuleed waxa uu ka mid ahaa, dagmada uu macalinku caruurtaย Qur’aanka ugu dhigo. Sidoo kalena guuleed iyo macalin Axmed aqoon fiican, ayay isku lahaayeen.
Hadaba markii la isbariidiyay, xaaladda iyo waayahanaย la is warsaday, Guuleed waxa uu macalin Axmed ka codsaday in uu wiilkiisa 30ka Jis ee Qur’aanka ah, u dhameeyo.
Waxa kale oo uu Guuleed intaa raaciyay,ย haddii aadย macalin Axmedoow wiilkan uย 30Jis ee Qur’aanka ah u dhamayso, anna waxaanย siin doonaa Inantayda Haweeya.
Macalin Axmed markii uu maqlay hadalkaa dhagihiisa ku soo dhacaya, waxa uu u maleeyay in uu riyoonayo, hadalka uu maqlayaana yahay dhalanteet iyo riyo habeenimo.
Isaga oo macalin Axmed Su’aal dag-dag ah ku celiyay Guuleed, kana codsaday in uu mar labaad ugu celiyo hadalkii uu yidhi. Guuleedna waxa uu mar labaad ugu celiyay hadalkii uu yidhi oo ahaa,ย “inantayda Haweeya ayaan ku siin doonaa, haddii aad macalin Axmedoow Hiradย 30ka Jis ee Qur’aanka ahย u dhamayso”.
Macalin Axmed markuuย rumaystay in hadalka Guuleed ka soo yeedhayaa uu yahay in la siin-doono Haweeya oo raggii boqolka halaad haystayba ka huleeleen, waxa ku soo da’ay daruuro farxad iyo bushaaro xambaarsan oo shucuurkiisii sida dhibicda roobkaย ugu hooray. Waxaana la arkayay isaga oo ay dareen-wadayaashaย jidhkiisuย gabi ahaanaba la kurbaynayaan farxadda iyo ray-raynta hadhaysay.
Markii uu Guuleed inta uu Hirad gacanta ka galiyay macalin Axmedย unaย dhaqaaqay jahadiiย uu reerkiisu xigay, waxa la arkayay macalin Axmed oo sidii qof naxsan Hiradย ย gacanta ka buuxsaday.
La soco qayboย kale oo xiiso lehย iyo halka uu xaal kuu denbeeyo.
cumaraxmed331@gmail.com