Macallimiinta Waxbarashadda Tacliinta Sarre Diyaar Ma U Yihiin Urur Ay Ku Middeysanyihiin? (WQ: Abdifataah M. Ahmed)

Tan iyo Intii taariikhda somaliland dib loo qorrey xornimada iyo midnimada somalilandna dhiddibada loo taaggey,waxa Jirey ururo badan oo rayid ah isla markaasinna aan dawli aheyn oo dalka laga aassaasey kana Billaabmey.Ururo badan oo Dad koobban oo Bulshadda ah garaadkoodda iyo fikirkoodda lagu alkumey ayaa xukumaddihii kala danbbeeyey ee dalka soo marey kala kulmey caddaadis iyo caggo-jugleyn la xidhiidha in aan talladaasi iyo fikirkaasi waddaaga ahi taabo gal noqonin.haddana halgan badan iyo dedaal dheerraad ah kadib masuulliyiintii iyo xubnihii u soo dhabbar adeygey ururradaasi waxa ay ku guulleysteen in ay ugu danbeyn hellaan ogollaansho iyo taageero dhab ah ka dib dagaal dheer oo dhanka qallinka ah.

Dhinac kale Somaliland waxa Muddooyinkii ugu Danbbeeyey laga aassaasey Ururrada ay gaarka u leeyihiin Shaqaalle weynaha kala duwan ee rayidka ah kana madax-bannaan xukumadda kuwaasi oo si dadban u dhistey ururro iyo xidhiidho ay ku illaashaddaan xuquuqda ay shaqadda ku leeyihiin,Ururro badan oo  ka Diiwaan gashan kana heysta Ruqsado xafiisaadka Dawliga ah iyo Xidhiidhka Urrurada Shaqaallaha Somaliland ayaa madaxa la soo kacey badhtammihii 2000-kun,kuwaasi oo tusaale fiican iyo calaamad horumar u ah bulshadda.

 

“Bulshaddeena Dhexdeeda waxa aad ugu baahey sharci darrada,Maamul xumadda,Caddalad-darrada iyo Qaybaalada,kuwaasi oo ah kuwa albaabka u furaaya hoogga iyo niyad-jabka shaqaalaha ku dhex heysta goobaha ay ka shaqeeyyaan.haddana marka la maqlo Koox amma Shakhsiyaad Urur Sameeyey waa la mucaariddayaa,laga naxayaa,lana xidhayaa”.iyada oo isha laga qarsanaayo Dhibaatooyinka baahsan ee shaqaalle weynaha ku heysta xafiisaadyada kala duwan  ayaa haddana ururradoodii iyo wax-qabadkoodiina la curyaaminayaa Wakhtiyada Qaarkood.Ururrada badan ee Nolosha bulshadda ku soo biiraaya waxa bud-dhigg u ah halgan heeryo la isaga tuuraayo iyo horumarka dalka oo dhismihiisa si kooxeysi ah looga qeyb-qaaddanaayo.

Sidda ururrada Shaqaale weynaha dunnida ee kale Ayaa bahda Macallimiinta Waxbarashaduna ay u sameysan karaan ururro iyo Xidhiidho middeeya laguna dhawro Addeegga ay bixinayaan iyo Xuquuqdooda shaqaalenimo,Marar badan Somaliland Dooddaha la xidhiidha sida loo heli karo urur weyne Macallimiinta dalka ah oo lagu middeysan yahay ayaa ah mid hadal,diidmo iyo dooddo hor leh abuuraaya,Waxa siddoo kale wax la iska weydiiyaa suurtagalnimada taageeeradda dawladdu ay u fidin karto iyo dhiiri-gelinta urur noocani ah.iyada oo aad looga warwarsan yahay in urur noocan oo kale ah uu dalka ku caggo-dhigto kana hanaqaado.Kooxo badan oo aqoonyahanka bulshadda ah oo marar badan isku dayey in ay u istaagaan dhismaha ururkaasi ayaan weli guullo wax ku oolla ka gaadhin kana sameynin,iyadda oo dhanka kale ururo macallimiin dugsiyada hoose/dhexe sarre ahi ay weli la halgamayaan si loogu illaaliyo xuquuqda macallinka,loogana gaashaanto qabyaalada,eexda iyo siyaasaddaha is barkan ee madaxa iskula wada jira.

Ururrada macallimiinta Dunnida jiritaankoodu wuxuu soo billaabmey ku dhawaad boqol iyo konton qarni wakhti laga jooggo,Waana ururo soo marey Taariikh iyo Marxaladdo kala duwan oo waayaha nolosha ah,Halgan,Xadhig,Dagaal,Diidmo,iyo Mucaaridadba waa lala soo marey si dhidibadda loogu taago Xidhiidh adag oo isku haya Tiro badan oo Shaqaale weynaha Macallimiinta Dalka ah.Ururrada macallimiinta dal ayaana ah kuwo u qeybsan gobolo,degmooyin ilaa heer federaal ama qarranimo.Urruradaasi  Macallimiinta oo ah kuwo loo sameystey in lagu xoojiyo midnimada iyo isku xidhka shaqaale weynaha barrayaasha ah,horumarintooda xirfaddeed,kor u qaadida heerkooda shaqo iwm,ayaa  wakhtigan casriga ahna ah kuwo saameyn weyn ku leh maseyrka arrimaha waxbarashada dalka iyo siyaasadda intaba.

Ururka Macallimiinta Jaamacadda/Jaamacadduhu waa wax guud ahaan wadamada adduunka ka jira kana hana qaadey,Dal kastaabana Mar ayuu dhismihiisa u kacey islamarkaasina siyaasadd ahaan oggolaadey,Baadhid badan oo mawduucan ku saabsan haddii aad sameyso waxa Akhriste ku soo baxeysa sannadihii iyo taariikhdii lagu helay Ururrada macallimiinta Jaamacadda iyo tacliinta sarre.Ururradaasi oo ay xubno ka yihiin una furan Macallimiinta,iyada oo aan loo egeynin Jinsiyad iyo Waddaniyad toona,loona eegaayo in xubintu ay ka mid tahay shaqaale weynaha macallimiinta (Degree iyo Master-ba).Xeerka iyo sharciyada lagu dhisey ururk ayaana u oggolaanaya xidhiidhka ururka macallimiintaas in ay ku illaashadaan xuquuqdooda iyo xirfadooda sidoo kalena u sahlaaya in ay mustaqbalka heshiisyo waaweyn ku galaan Magacooda iyo Ururkoodaba.Akhriso “Taariikhda lagu Assaassey urur weynaha macallimiinta Waddanka aynu jaarka nahay ee Ethiopia”Ethiopian Teachers Association(ETA).

 

Abdifataah M. Ahmed

Ceelaabe_10@hotmail.com