Ra’isal wasaaraha Itoobiya ayaa xoogagga TPLF u qabtay 72 saacadood iney dowladda isugu soo dhiibaan, xilli ay ciidamada dowladda Itoobiya ay ku sii jeedaan caasimadda Maqale

Abiy Axmed wuxuu hoggaanka Tigraay uu u sheegay in la marayo “meel aan laga noqon karin”.

Xogagga Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigraay ee TPLF oo gacanta ku haya dhulka buuraleyda ayaa wacad ku maray iney dagaalka sii wadayaan oo ay isdhiibeyn.

Dagaalka dhowrka toddobaad dhex maraya ciidamada dowladda dhexe ee Itoobiya iyo kuwa daacadda u ah Tigraay waxaa la rumeysan yahay iney boqollaal qof ku dhinteen kumannaanna ay ku barakaceen.

Mar sii horreysayna ciidamada dowladda Dhexe waxay ka digeen magaalada Maqale oo ay ku nool yihiin 500,000 oo qof in taangiyo lagu hareereeyey ayna dhici karto madaafiic in lagu garaaco.

“Wax naxariis ah ma jiri doonto,” ayuu yiri afhayeenka ciidamadu.

Hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebre-michael oo u warramay wakaaladda wararka ee Reuters wuxuu sheegay ciidamada daacadda u ah TPLF iney diyaariyeen qorshe rogaal celis ah oo ay kaga adkaanayaan ciidamada dowladda.

“Hirar iyo Mowjado dagaal ayey nagu soo qaadeen balse waxtar ma leh”, ayuu yiri mar uu u warramayey wakaaladda wararka ee Reuters.

Dowladdu maxay qorsheyneysaa?

Dowladda dhexe ee Itoobiya waxay sheegtay ciidamadeeda toddobaadki hore iney qabsadeen magaalooyin muhiim ah. Balse waxaa adag in la helo ilo madax bannaan oo xaqiijiyo guusha ay dowladdu sheegatay maadaamaa ay weli taleefoonnada iyo interneetka deegaankaasi ay go’an yihiin tani iyo marka uu dagaalkaasi billowday.

Warmurtiyeed ay dowladda ka soo baxay Mr Abiy wuxuu ku yiri: “Waddadi burburka ee aad hayseen xilligi la soo afjari lahaa in hadda la joogo, balse intaa ka hor waxaan markale idinkuugu baaqayaa 72 saac gudahood si nabad ah inaad dowladda isugu soo dhiibtaan, maadaamaa hadda la joogo meel aan laga noqon karin, Fursaddan ugu dambeysa ka faa’ideysta.”

Abiy Axmed xoogagga TPLF wuxuu ugu baaqay “iney si nabad ah iisu soo dhiibaan”, shacabka magaalada Maqale wuxuu ugu baaqay iney taageeraan xoogagga dowladda si kooxda uu ku sheegay burcadda ee deegaanka Tigraay isku uruursaday caddaaladda loo horgeeyo”.

Madaxweynaha koonfur Afrika sidoo kalena ah guddoomiyaha Midoowga Afrika ayaa saddex madaxweynayaal hore oo Afrikaan ah u magcaabay inay dhexdhexaadiyaan labada dhinac.

Balse dowladda federaalka ee Addis Ababa ayaa waxay marar badan diiday baaqyada loo jeedinaya in wadahadala la sameeyo, waxaana la sheegay in ergadaasi oo ah saddex madaxweyne oo hore oo Afrikaan ah ay la kulmi doonaan oo keliya ra’iisul wasaare Abiy Axmed

Mr Mamo Mihretu, oo lataliye sare u ah ra’iisul wasaraaha dalka Itoobiya, Abiy Axmed ayaa waxaa uu BBC-da uu sheegay in wadadhallada ay ku haboon yihiin kadib marka ay ka adkaadaan cidamada maamulka TPLF markaas.

Tani iyo inta uu qarxay dagaalka u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo xoogagga TPLF ee deegaanka Tigraay waxaa gabi ahaanba meesha ka baxay isgaadhsiinti iyo gaadiidki deegaankaasi ka jiray.

Xigasho: BBC Somali