Midowgii Shirkadaha laydhka Caasimada Somaliland ee Hargeisa waxaa sameeyay xeer ay soosaartey Wasaaradii Macadanta Tamarta Ee Xukuumadii Madaxweyne Siiraanyo taas oo uu Wasiir ka ahaa Xuseen Cabdi Ducaale, midowgii Shirkadaha laydhka Caasimadu wuxuu soo maray wajiyo badan lakiin ugu danbayntii wuxuu iskugu soo biyo shubtay Shirkad la magac baxday Sompower.
Shirkadda Sompower oo ka kooban badiba Shirkadihii laydhka ushidi jiray Caasimadda ayaa xataa waxaa ka mid ah oo ku jira Hayadii korantada dawladda oo magaceeda la odhan jiray Hargeisa Electric Power Station taas oo ay wareejisay Xukuumadii Madaxweyne Axmed Siiraanyo oo waqtigaa talada dalka haysay.
midowgaa iyo isku soo ururka ay samaynayeen shirkadaha laydhku waxaa jiray shirkado kale oo iyaguna laydhka bixiya islamarkaana saluugay midowgaa shirkada laydhka.
Shirkada Somepower iyadoo halkaa ka duulaysa islamarkaana saluugsan Shirkadaha kale ee ay isku adeega bixiyaan ee ka soo horjeestay inay la midoobaan waxay ka soo wareegtay ama ay soo kaashatey Wasaaradii macadanata iyo Tamarta isagoo wasiirkii markaa joogay Mudane Xuseen Cabdi Ducaale soo saarey wareegta uu ku mamnuucayo in xadhiga laydhka la jiido ama bir cusub laga taago meel aanay hore uga shaqayn jirin shirkadaha diidey ama ka soo horjeestay inay la midoobaan shirkadda laydhka ee Somepower.
Joojinta iyo xayiraada la saarey laydhku waxay samayn weyn ku yeelay Bulshada Caasimada iyadoo dabakii ama laydhkii Caasimadu noqday mid kooto ugu xidhan shirkad gaar ah, taas oo sababtay in dadkii la kulmaan cadaadis badan oo kaga yimaada xagga shirkadda iyo qiime aad usareeya oo ay ku helaan adeega korantadda.
Kadib markii ay doorashadii 2017 ay ka dhacday dalka isla markaana uu ku guulaystay jagada Madaxweynenimada Mudane Muuse Biixi Cabdi Bulshada Caasimadu waxay rajjo weyn ka qabtay in Madaxweynuhu waxa ka qaban doono koronto la’aanta ka jirta caasimada maadama uu Madaxweynuhu yahy nin deegaan ahaan ka soo jeeda Caasimada islamarkaana dhawar iyo labaatankii sanno ee ay Somaliland jirtayna ku noolaa caasimada, ayaa waxay marqudhaata dadweynuhu waxay candhuuftoodii dib uliqeen ama ay layaabeen masuulka uu madaxweynuhu usoo Magacaabey Wasaaradda Macadanta Iyo Tamarta Mudane Jaamaca Maxmuud Cigaal oo ka mid ahaa boodhka sare ee shirkad laydhka Somepower oo ahayd shirkadii ay dadweynuhuba ka cabanayeen ayaa masuul looga dhigay Wasaaradii Macdanta Iyo Tamarta isla markaa waxaa god madow ku dhacdey rajadii ay Shacabka Caasimadu ka qabeen inay helaan laydh madaxbanaan oo tayo wanaagsan islamarkaana qiime jaban.
Maxaanu Ka Filaynaa Komishanka Cusub Ee Tamarta Somaliland ?
Horaantii bishan aynu ku jirno ee Jully waxa uu madaxweynuha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi uu magaacaabey Komishan Tamarta Somaliland isla markaana uu Guddomiye u yahay Axmed Faarax Cadare, Komishankan oo baahi weyn loo qabey islamarkaana ay hawlo badan u yaalaan ayaa lagu diirsaday magaacaabistooda isla markaana ay bulshada badankoodu soo dhawesay haw badnaadaan dadweynaha ku nool Caasimada Somaliland ee Hargeisa.
Komishankan cusub sida la sheegay waa mid madax banaan islamarkaan aan hoostageyn Wasaaradda Macadanta Iyo Tamarta oo ah wasaaradda u xayirtay laydhka Caasimada shirkad kaliyaata.
waxaanu rajjaynaynaa inuu Komishankan Tamartu qaado talaabooyin ay u horeyso kala xadaynta dabka shirkada laydhka iyadoo la ilaalinayo nafaha dadweynaha lana fasaxo laydhkii inta badan xidhnaa suuqana laga dhigo mid xor ah.
W/Q Cabdiraxiim Cabdilaahi Shiine