Ethopia iyo Masar waxay isku hayaan dan ,dantooda ayaanay u taagan yihiin sidda dawladaha kale oo dhan (WQ: Axmed Nuur Guruje)

– Dhaamka Gerd Itoobiya waxay utaqaanaa rajadda keliya ee mustaqbalka Etoobiya iyo furaha horumarka , halka masar Biyaha webigaa Niil ee lagga buuxinayo dhaamkaas u taqaano Hunguri cadkii Masar ( Live Line) .

– Itoobiya iyo Somaliland mudooyinkii horre waxay ahaayeen
dan-wadaago duruufuhu is badeen oo dantu isku toshay .

– Masar iyaduu danteeda waxay u arkaysay in danteedu aanay ku jirin Somaliland , waxaanay mar walba safka horre kaga jirtay dawladaha kasoo horjeedda Somaliland .
Isbadalka cusub .

Xukuumadda cusub ee wiilka Abbay Ahmed waxay badashay khariidadii siyaasadeed ee Itoobiya , saaxiibnimadii Buurihii Hargaysana waxaa kala quruxbatay xeebihii Mogdisho , waayadan danbe oo dhana Adis abab waxay la haysatay Xeebtii Liiddo .
Masar jacaylkii Mogdisho ayaa wax kagga soo noqdeen , waxaanay qaadan wayday siyaasadda Farmaajo ee ku luuqaynaya heestii Amxaarigga ee odhan jirtay Anjaa minoow ( Midabkeenu waa mid , dhulkeenu waa mid , dalkeenu waa mid) Mogdisho oo af amxaar ku heesaysa ayaana amakaag ku noqotay .
Somaliland .

Somaliland waxay la joogtaa sidda dalalka kale danteedda , danteeda ayayna tahay in ay ka horaysiiso wax walba , sidaa darteed waxaan soo jeedin lahaa 3 qodob .

1- Abbay ahmed in la tuso in aynaan ahayn meel yar oo itaal daran balse aynu nahay bogcad istaraaji ah oo aduunyada la sheekaysan karta .
2- Masaaridda waxba lama amaahiyo e in aynu ka qadimano qiime kasta oo aynu ku heshiino oo aynaan waxba isku lahaanin , waayo masaaridu dayn bixinta kuma wanaagsana .
3- In Somaliland feejignaan dheeraado iyo taxdir wayn muujiso , amniga guud ee qarankana gacmaha oo dhan la isugu geeyo .