Inta aanan soo qaddimin xalka saami-qaybsiga, waxaa taxayaa dhadhaaradda soo-jeedintayddu ku qotonto. Markaad eegto xaqiiqadda ah in :
1.Golaha Wakiiladda JSL waxaa hogaaminaya labba Xildhibaan oo ka soo kala jeeda Awdal & Sool oo kala ah Xildhibaan Baashe M. Farax (Gudoomiye) iyo Xildh Axmed Sh. C. Ayaanle ( Gud. Xigeenka koowaad). Labbadan masuul iyo aqlabiyadda Goluhuba waa Xisbiga taladda haya ee Kulmiye.
2. Goboladda Awdal & Sool waxaa ay Golaha ku leeyihiin 23 Xildhibaan. Waxaa mooshin wax-ka-beddel iyo kaabis ah keeni kara 11 Xildhibaan.
3. Waxaa jirtay cabasho la xidhiidha Saamiga Kuraasta ay ku leeyihiin Goluhu in aanay u qalmin deegaankoodda oo wax ka maqan yihiin. Awdal baa dooddaa ku adag oo dedefaysay in aanay aqbalayn 13 Kursi iney ku yeeshaan.
4. Si qoonddada kuraasta ee Goboladda wax looga bedelo waxaa loo baahan yahay in wax laga bedelo qoddobka 12aad ee Xeerka Doorashadda G. Wakiiladda ee summadiisu tahay Xeer 20-2/2005.
5. In ugu yaraan qodobka 12 wax laga bedelaana waa khasab doorashadda ka hor waayo xeerka ayaa hore loogu dhigay in qoddobkaas hal mar uun shaqanayo. Markii keli ahaydna waa la adeegsadday oo waxay ahayd doorashaddii Golaha wakiiladda ee 2005-tii. Sidaa darteed imika waxaa khasab ah in xataa haddii qoondadda kuraasta sidii hore lagu daynayo in la cusboonaysiiyo qodobkaa si mar labaad iyo ka badan loo adeegsan karo.
6. Haba yaraadddee ma jirro go’aan maxkamad sare iyo sharci kale toona oo khasab ka dhigaya in tirakoob la qabto si doorasho loo galo. Taa bedelkeedda waxaa jira go’aan maxkamad sare ka soo baxay 2005 oo diiday in doorashadda shuruud looga dhigo tirakoob.
7. Waxaa jira Gobolo kale oo saamiga ay haystaan ka hooseeyo kii ay xaqa u lahaayeen. Waxaa ka mid ah oo Gobolka Marooddi-jeex oo hadda ku leh 20 Kursi aqalka hoose. Haddii ay is-kaashaaddaan Maroodi-Jeex, Awdal iyo Sool waxay haystaan 43 cod oo ah tirro meel marin karta (50%+1) wax-ka-bedel iyo kaabis kasta oo ay sameeyaan.
Haddaba markaad ka duushoo xaqiiqooyinkaa kor ku xusan Awdal iyo Sool cid alla cid ay marti uga yihiin saamiga kuraastoodda ma jirto. Waa fursad taariikhi ah oo Xildhibaanadda laga soo doortay Deegaanaddaas iyo Shir-gudoonka ka soo-jeedda darafyaddu ay xaqa deegaanadoodda soo dhicin karaan.
Xisbiyo, Xukuumad, beelo iyo deeq-bixiyayaal toona uma baahna. Iyaga ayaaba hogaaminaya aqalkii hoose ee sharci-dejinta ee awooddaa qoondaynta kuraasta haysta. Waa haddii ay siyaasiyiinta deegaanaddaa ka soo jeeda ka dhab tahay in ay xaqa goboladdooda ay rabbaan iney soo dhiciyaan.
Markaa labba natiijo midkood uun baynu helaynaa haddii ay soo-dhigaan hindise-sharciyeed wax-ka-bedel ku samaynaya qoondada kuraasta Golaha wakiiladda ee Goboladda ee qodobka 12aad dhigayo:
B) Iney is-bahaysi la samaystaan Gobolo kale ama kuba qanciyaan aqlabiyadda Golaha gar-naqsigoodda oo ay bedelaa qoonddada kana dhigtaan tiradda u qalanta Goboladdooda kadibna sharcigaasi la ansixiyo. Natiijaddani waa sida aynu wadda rabno oo waa Alxamdulilaah.
T) Haddii ay hindisaha keenaan balse uu waayo aqlabiyadd lana ansixin waayo lafteedda khasaare kuma joogaan oo waxaan caddaan doonta in beelaha darafyaddu aanay Somaliland hindise sharci oo danaha deegaanaddooda ah aanay socodsiin karin isla markaana aanay joojin karin hindise beesha dhexe wadato taas oo u noqonaysa marag cad sida loogu baahan Somaliland la wada leeyahay.
Ugu dambayntii Xildhibaanadda Goboladdaa ka soo jeeddaa waxay ku guul-darayateen in muddo 15 sano ah ka shaqeeyaan saami-qaybsiga kuraasta. Dad badan oo aan ka mid ahay oo qaba in dib loo eego saamiqaybsiga waxaanu qabnaa in aanay xildhibaanadaas iyo Xukuumadihii Kulmiye ee kala dambeeyay daacad ka ahayn saami-qaybsi cadaalad ku dhisan. Qaddiyaddani waxay noqotay mid lagu xalaashaddo muddo-kordhinaha sharci-darrada ah ee soo noqnoqday iyo metelaad la’aanta dadka.
Haddii ay leeyihiin daacad baanu ka nahay baadi-doonka xaqa ka maqan Gobolladda-naga, hal xujo ayaan u hayaa oo lagu rumaysan karo: Ha iska-wadda casilaan Xildhibaanimadda si ay u cadaato in aanay kuraastoodda uun ilaashaynayn oo ay dan deegaan waddaan. Haddii ay sidaa yeeli waayaan waxaa la gudboon in ay ka ilmada yaxaaska ka daayaan codadka shacabka Goboladdaas ka imanaya ee cadaalad-doonka ah.
Dadkana waxaa la gudboon inuu garawsaddo in kuraastii ay haysteen (oo ah intii badnayd) ay gacantoodda ka baxday mar haddii 15 sano ( saddex muddo-doorasho) ay waayeen xaqii iney wax doortaan ee dastuurku u damaanad-qaaday sidaas darteed ay horta soo-ceshaddaan saamigii ay haysteen ee ka lumay inta aanay raadin inta yar ee ka maqan. Taas oo ku imanaysa in doorashadda 2020 aynu galno si meesha looga saaro Xildhibaanaddan inaga qaaday wixii aynu haysanay isla markaana keeno kuwo aynu inaggu saarnay oo xaliya mashkiladda saamiga iyo kuwa kale ee jira.
Allaa Mahad leh,
Xamse Khayre