Madaxtooyada Ma Warqadaha Ayaa Ku Yar? (WQ: Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray”)

Digreetadan malaha Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadu muu diyaarin waayo qaabkan umay qornaateen ee waxay noqon lahayd laba digreeto oo laba ujeedo kala leh. Digreetada hore waxay ku socotaa hal masuul oo madaxwaynuhu xilka uu kaga qaaday in kastoo aanu magaca masuulka xilka lagaga qaaday ku xusnayn qoraalka ee xilkiisa oo keliya uun uu ku qoran yahay. Halkaa lafteedana qalad ku jiro.

Digreetada labaad oo ujeedo kale oo ka duwan ujeedada ta horena waxay ahayd in ay yeelato sumad kale oo ka duwan sumadda tan hore ee ku socotay masuulka xilka lagaga qaaday.

Qoraalada ka soo baxaya Xafiiska Madaxwaynaha siiqadda, hab qoraalkooda iyo xataa luqadba waxa laga dheehan karaa wax badan oo lagu qiimayn karo masuuliyiinta ka shaqaysa Qasriga Madaxtooyada gaar ahaan Xafiiska Madaxwaynaha aqoontooda iyo waayoaragnimadooda oo muhiim u ah guud ahaan tayadooda.