Madaxwayne Geelle iyo Abdirahman Bore ma waan waan ayaa u socota? (WQ: Rashiid Odowaa)

Markay taariikhdu ahayd 02/03/2016 ayaa Ganacsadaha caanka ah ee reer Jabuuti C/raxman Bore oo ah maamulaha shirkadda (Red sea) oo ay dacwadi kaga furnayd Maxkamadda caalamiga ah qaybta ka garnaqda Arrimaha Ganacsiga iyo maalgashiga ee London magaceeduna yahay marka la soo gaabiyo yahay (LCIA) ayaa waxba  kama jiraan ka dhigtay dhamaan eedaymihii ay xukuumadda jabuutti u haysatay

Mar la waydiiyay dareenkiisa Mr Bore markii maxkamaddu u caddaysay inanu wax danbi ah lahayn ayuu yidhi “Runtii waxay ii tahay Guul wayn iyo farxad,waxa maanta soo af jarmay dhamaan eedaymo ka badan 23 eedood oo la ii haystay”

Ganacsadahan oo laba dhalasho haysta iyo Somaliland oo asal ahaan ka soo jeedo,ayaa waxa loo tiriyaa inuu ahaa ninka ka danbeeyay Horumarka ay ku tallaabsatay jabuti gaar ahaan Dekedda (port) ka jabuuti iyo haamaha kaydka  isagoo aad Caan uga ahaa waddanka jabuuti aadna looga qaddarin jiray.

 

Si kastaba ha ahaatee waxa khilaaf xooggan dhex maray Madaxweynaha jabuuti Ismacil cumar geelle iyadoo arrin toodu ka kacday sida uu ku dooday Boreh inuu Geelleh waydiistay inuu wax ku yeesho faa’iidada ganacsigiisa taas oo uu ka diiday,iyo inuu Boreh ka biyo diiday markii geelleh uu dastuurka dalkiisa jabuuti wax ka beddel ugu sameeyay si uu dib isugu soo sharaxo.taas oo u saamaxay sa inuu mar kale kursiga sii haysto.

Waddanka Jabuuti iyo marsadiisa caalamiga ah ayaa ah meel aad muhiim u ah marka loo eego meesha uu ilaahay dhigay Juquraafi ahaan,waxayna noqotay meel is goys ah oo ka mid ah marinada ugu mashquulka badan ee maraki ibtu maraan.waxa kaloo noqotay meel waddamada ugu awoodda badan xagga militarigu ay ku tartamaan waxa saldhigyo military ku leh Maraykanka,faransiiska iyo China.

Waxanu seeska u dhignay jabuuti,waxanu ka dhignay jabuuti meel istraatiiji ah” sidaas waxa yidhi bore mar telephone lagu waraystay isagoo jooga London “Laakiin markii uu geelle doonay inuu dastuurka beddelo.waxan ka dhiibtay fikirkayga xorta ah in aanay arrintasi fiicnayn taas darteed ayaan Cadow ugu noqday isaga”

Arrintaas darteed waxa ay xukuumadda jabuuti xayiraad saartay dhamaan wixi maal iyo adduun ka yaallay Jabuuti waxana la saaray xukun maxkamed oo isaga oo maqan lagu xukumay 15 sanadood isagoo lagu eedeyay arrimo badan sida Argagixiso.Musuq,sharci jebin iwm.

Maxkamadda London ayaa arrintaas waxba kama jiraan ka soo qaadday iyo khayaali Ganacsadaha lagu kharbuda yo Howlihiisa Ganacsi “Waana eedayn false ah” sidaas waxa yidhi Garyaqaan Julian Flaux oo ahaa guddomiyihii Dacwadda Soo afjaray sidas ayay ku dhamatay in kastoo Lawyerradii dhinaca Jabuuti ka socday aanay arrintaas ku qancin.oo ay sheegeen inay Anbiil ka qaadan doonan.

Arrintani aniga oo keliya guul iima aha,lakiin waxay kalo guul u tahay dadka reer jabuuti ee aan waddankooda cadaalad ku haysan” Sida waxa yidhi bore.

C/rahman maxamed maxud (Bore) ayaa dareenka Dadka reer Somaliland mar keliya soo jiittay ka dib markii uu guddiga ka hor tagga Xanunka Covid 19 uu ugu deeqay US $170,000 taas oo muujinaysa dareenkiisa damqasho lacagta badnaanteda iyo yaraanteeda maaha lkn darenka iyo damiirka fayow ayaa ah runtii wax la qaddariyo,waxanu ilahay uga baryaynaa inuu ka aqbalo wixi uu la baxay waxa u hadhayna in ilahay u barakeeyo.

Sidoo kale warar hoose ayaa iyaguna sheegaya in Madax weyne Ismaciil Cumar geelle iyo Abdirahman bore ay u socotto waan waan la doonayo in lagu heshiisiyo.arrintas oo hadday run noqoto ah arrin aad u wanaagsan.

Ramadaan Kariim

tixraac

http://www.rfi.fr/en/africa/20160302-djibouti-businessman-abourahman-boreh-cleared-corruption-charges-london-court

 

Rashiid Odowaa

khadarsalaan@gmail.com

063-4101213