Nebiyadu waa Bini’aadam, kuwaasoo Eebe (SWT) u doortay gudbinta iyo gaadhsiinta fariinta ah Rumaynta Allah(SWT). Nebiyadu waxay umaddooda ku sameeyaan dib-u-habeeyn dhanka akhlaaqiyaadka ah iyagoo u maraya daahirinta nafsadooda amarro iyo qawaaniin u xaqiijinaya aadamuhu inay u dhaqmaan si anshax wanaagsan oo sharfan adduun iyo aakhiraba, iyagoo ka fogaanaya camalada xun xun ee ka hor imanaya shareecada. Muslimiintu waa inay rumeeyaan dhammaan nebiyadii Alle(SWT) soo xushay, maadaama ay gudbinayaan farriinta Eebbe iyagoo aan qarin, wax-yeelin ama aan beddelaynin. In la diido nabi Alle (SWT) soo diray waa in la diiday Allihii nebigii doortay, sidookale in lagu caasiyo nabi macnaheedu waa in lagu caasiyey oo amar diido lagu sameeyay kan amarrada siiyay(Alle-SWT)). Anbiyadii uu Eebe u soo diray umadkasta waxay ka mid ahaayeen isla umaddaa. Waxayna Sideen fariinta ah in Alle kaliya la caabudo, kana fogaadaan wax kasta oo Alle lagaga fogaanayo.
Nabiyada waxaa loo diray inay uga digaan cadaabka Alle bedelkeedana ay wax baraan umadooda In kastaoo ay ahaayeen binu-aadmi caadi ah, haddana waxaa looga soocay oo loo doortay inay noqdaan fariin-wadayaal gaadhsiinaya Umadda farriinta Eebbe iyo kutubta samaawiga ah ee ay ka helayeen Alle(SWT). sidoo kale waxaa loo doortay inay u noqdaan tusaale ummaddooda, marka loo eego sida ay u dhaqmayeen ee ay u dhaqan gelinayeen amarradii iyo awaamirtii la faray. Halkan hoose waxaan ku xusi doonaa nebiyadii, sida ay u kala horreeyeen iyo inta jeer ee si toos ah loogu xusay Qur’aanka Kariimka ah.
Muuse waxaa lagu xusay 136 jeer
Nebi Muuse waxaa lagu soo dejiyey kitaabkii Tawraat (Tawreed), waxaana loo diray Fircoonkii isagu isu tirinayey inuu yahay ilaah(subxaanalah )wuxuuna rajaynayey fircoon in dadkiisu ay caabudaan iyagoo ay weheliyaan sanamyo kale. Nebi Muuse waxaa lagu sheegay tirada u badan Qur’aanka kariimka ah, maadaama cajiibka qisadiisa iyo akhlaaqiyaadkii ku ladhnaa ay baal dahab ah kaga jiraan taariikhda Islaamka.
Ibrahim – 69 jeer
Nebi Ibraahim (C.S.) waxaa sidoo kale loo yaqaanaa Khalil Allah, oo ah saaxiibka Allah. Waxaanu ahaa qofkii ugu horreeyay ee dhisa Kabcadda .
Nebi Ibraahin waxaa loo soo direy dad caabuda xidigaha, sanabyada iyo khuraafaadka, wuxuuna dadkiisii ugu yeedhi Jirey iney Eebbe keligiis caabudaan, hase ahaatee wey beeniyeen oo dhag jalaq umay siin. Waxayna isku dayeen iney gubaan, laakiin Eebbe ayaa ka badbaadiyey. Nebi ibrahim Eebe (SWT) wuxuu siiyay caruur badan oo qaarkood laga dhigay nebiyo iyo rasuul, waxaana ka mid ah wiilashaasii Nebi Ismaaciil iyo Nebi Isxaaq.
Suxufu ibraahim/kitaabu Ibrahim waa kitaab diini ah oo Ilaahay (SWT) ku soo dejiyay Nebi Ibraahim. Qoraalada suxufkaas waxay khubarada diinta Islaamku u aqoonsan yihiin waxyigii Alle ku soo dejiyay Nebi Ibraahim.
Guud ahaan kutubta Alle (swt) ku soo dejiyay Anbiyada iyo Rususha waa afar kitaab iyo dhowr suxuf. Sida ku cad kitaabka Quraanka kariimka ee aasaaska u ah diinta Islaamka.
Ilaahay(swt) wuxuu soo dejiyay afar Kitaab oo la kala siiyay afar Rasuul. Kutubtaasi waxay kala yihiin:
- Kitaabka “Al-Furqaan” ee lagu soo dejiyay Nebi Muxamed
- Kitaabka “Injiil” ee lagu soo dejiyay Nebi Ciise
- Kitaabka “Towraad” ee lagu soo dajiyey Nebi Muuse
- Kitaabka “Sabuur” ee lagu soo dajiyey Nebi Daa’uud.
Intaasi waxaa soo raaca dhowr suxuf oo lagu soo dejiyay anbiyo iyo Rusul, waxaana ka mid ah: Suxufu Ibraahim oo lagu soo dejiyay Nebi Ibraahim.
Nuux 43 jeer
Nebi Nuux wuxuu xaqa ugu yeedhayey qoomkiisa 950 sanadood waxaanu ahaa nebigii ugu horreeyay ee umadiisa dhib kala kulma. Wuxuu samaystey Doon, taasoo uu markii dambe kaga badbaadey halaagii qoomkiisa ee cadhada eebe(swt) ka dhalatey.
Luud 27 jeer
Yuusuf 27 jeer
Ciise 25 jeer
Nebi Ciise waa wiilkii Maryam (Maryan). Mucjisada nebi ee nabigani lahaa waxay ahayd inuu dhashay aabe la’aan. Khalad fahamsanaanta dadyowga iyo caqiidooyinka qaarkood ay khalad fahmeen dhalashada aabe la’aanta nebi ciise maaha mid jirta ,xaqiiqadu se waxa weeyi inaanu nebi Ciise ahayn wiilkii Eebbe ee uu yahay rasuul loo direy dadkiisa si uu ugu hago dadkiisa nolol sharaf iyo camal wanaagsan ku dhisan. In kasta oo loogu deeqay mucjisooyin badan, haddana ujeeddada rasuul loogu doortey waxay ahayd inuu dadkiisa ugu hago dariiqa ah iney Alle oo keliya rumeeyaan.
Aadam 25 jeer
Haaruun 20 jeer
Sulayman 17 jeer
Ishaq 17 jeer
Daa’uud 16 jeer
Nebi Daauud waxaa lagu soo dejiyey Zaboor (Sabuurr) waxa kale oo uu alle ugu deeqay hibo aqooneed iyo mid awoodeed oo aad u weyn. Wuxuu sidoo kale tusaale wanaagsan u ahaa caabudida eebe.
Yacquub 16 jeer
Ismaaciil 12 jeer
Shucayb 11 jeer
Salih 9 jeer
Zakariya 7 jeer
Hud 7 jeer
Yahya 5 jeer
Muxammad 4 jeer
Nebi Muxammad (S.A.W.) wuxuu ahaa nebigii ugu dambeeyay, ee loo diro bini-aadamka oo dhan, waxaana lagu magaacabay shaabadda nebiyada. Si la mid ah rususushii ka horeysay wuxu sidey fariinta ah in alle kaliya la caabudo oo laga dheeraado wax kasta oo uu kitaabku ka reebay ummada. Waxaa loo diray naxariista dadka,sidookale hagida iyo dejinta la doonayo inuu u dhaqmo qofka islaamka ahi. Waxana la siiyey kutubkii ugu dambeeyay kutubta samaawiga oo ah Quraanka Kariimka ah, kitaabkaasoo ay ku xusan yihiin qawaaniinta iyo akhlaaqiyaadka Islaamka. In kasta oo aan si toos ah loogu xusin marar badan Qur’aanka kariimka ah, haddana muhiimadiisu waa mid lama taabtaan ah.
Yoonis 4 jeer
Ayuub 4 jeer
Idiris 2 jeer
Alyasa (Elisha) 2 jeer
Ilyaas 2 jeer
ThulKifl 2 jeer
Waa muhiim in la xasuusto in nebiyo loo soo diray umadihii kala duwanaa si ay u gaadhsiiyaan fariinta eebe una wacdiyaan umaddooda. Iyagu sinna umay sinayn xagga Alle, mana aha inay ka sarreeyaan ama la siiyo maamuus ka sarreeya aaminaadda Eebbe. Inta badan Rasuullada Eebbe waxaa loo diray ummad gaar ah marka laga reebo Nebi Muxammad(SCW) oo loo diray inuu hanuuniyo binu-aadmiga oo dhan.
W/T: Muktar Hassan Ahmed
HARGIESA, SOMALILAND
RAMADAAN 21