Madaxweynaha Cusub ee Soomaalida Itoobiya: Cunfi Mise Cafis? Falanqeyn (WQ: Cali Cabdi Coomay)

Tan iyo intii uu xilka iska calisay madaxweynihii hore Cabdi Maxamuud Cumar (Iley) culays kaga yimid Raysal wasaare Abiya iyo is-beddeladiisa Itoobiyada cusub. Waxa soo baxayey cida uu noqon doono madaxweynaha cusub ee beddeli doona ee la jaanqaadi doona duufannada dabaylaha xoogan wata ee ka curtay dalka Itoobiya. Madaxweynaha cusub ee dhawaan ku-meel-gaadhka loo doortay Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) maaha nin wax badan laga yaqaano marka laga reebo muddo kooban oo uu xilal ka qabtay dhawr xafiis oo ka tirsan dawlad-deegaankiisa. Waxa oo uu la soo shaqeeyey hayadaha qaramda midoobay, waxaanu kala soo shaqeeyey dalalka Zimbabwi, Kiiniya iyo Soomaaliya.

Haybtiisu waa Ogaadeen, kana sii ah jilibka hoose ee REER ISAAQ. Maamulkii hore ee Ina Iley 80% iyo in ka badan wuxuu cagta mariyey jilibkiisa REER ISAAQ oo uu boqolaal qof dhegta dhiiga u daray, Tiro bandanna way ka firkxadeen. Madaxweyne Mustafe Cagjar wuxuu nasiib u helay inuu ka firxado xasuuqii ku socday haybtiisa Reer Isaaq iyo dhibtii kale ee ka socotay deegaanka. Wuxuu ku biiray aqoonyahannada iyo shakhsiyaadka ka dhiidhiyey ee diidmada qayaxan kala horyimad maamuulkii Inna Iley. Si uu bulshada caalamka gaar ahaan hayadaha xuquuqul insaanka u tuso dilk, kufisga iyo isir tirida ku socota guud ahaan Soomaalida Itoobiya gaar ahaan haybtiisa reer isaaq.

Wuxuu qoraallo taxane ah ku soo qori jiray wargaysyada ka soo baxa Itoobiya ee af-xabashiga ku hadla iyo boggiisa FACEBOOK. Markii ay qoraalladiisii saamayn yeesheen ee ay madaxdii Cabdi Iley xami weyday ayaa qoyskiisii oo Dhagax buur deganaa loo ciqaabay isaga dartii. 29/10/2016 waxa qoorta laga jaray walaalkii Faysal Muxumed Cumar, markaasaa meydiisii gaadhi lagu jiiday badhtamaha Dhagax buur, si oo cabsi geliyo dadka shacabka ah ee ehelkooda oo meelo kale joogaa ay maamuulka mucaaradaan. Mustafe Cagjar ayaa bartiisa FACEBOOK oo dhigay qoraal kooban oo ku cabbiraayo xannuunka ay geeridu leedahay ayuu dilka walaalkii iyo xadhiga aabihii oo lagu jidh-dilo jeel Ogaadeen ku eedeeyey inuu amarka bixiyey  Cabdi Iley.

Wuxuu fulinta dilkaasina dusha ka saaray saddex nin oo uu qoraalkiisa ku magacaabay, oo kala ahaa: Khadar Cabdi oo ahaa seediga  Cabdi Iley, Ibraahin Maxamuud Mubaraag iyo Mahad Khaliif oo ay labadaba ilmaadeer ahaayeen. In qof maamul mucaarada qoyskiisa loo ciqaabo wuxuu caado u ahaa Inna Cabdille Xasan, markii uu ka baxsaday Inna Shixire, waa kii laayey carruurtiisii iyo xaaskiisii ee gabayga ku lahaa” arkimeysid inna shixirow inamadaadiiye, adiguna axmaar baad tahay iyo ehel nijaasaade”. Sidoo kale Maxamed Siyaad ayaa isna tabtaasi oo kale qoysaskooda u layn jiray cidii ka baxsata ee mucaarada.  Madaxweyne Mustafe Cagjar ugu dambayntii isaga oo ay wejigiisa ka muuqato mururadii xannuunkii geeridii walaalkii ayuu qoraakiisii ku xidhay hadal u  dhignaa sidan” Aniga hawsha ii taallaa waa in aan diido dulmiga. Markii uu soo baxay inuu gabbalkiisuu dhacay maamuulkii Cabdi Iley ayuu Mustafe Cagjar soo qoray, qoraal nuxurkiisuu ahaa waa lagu digtaa ruux hadduu kuu darnaan jiraye bal daayey waa kii dabayshaday Iley.

Siduu kursiga ku fuulay?

Afar kooxood ayuu loollan adagi ku dhexmaray hanashada kursiga xoogan lagaga qaaday daalinkii ku caanbaxay dhiigyo cabnnimada. Kuwaasi oo kal ahaa, kooxda uu wato Axmed Shide, kooxda dulmi-diid, kooxda jabhada ONLF oo Itoobiya soo cagodhigtay ka dib kulankii ay Eratariya kula yeesheen Raysal wasaare Abiya iyo xubno kooban oo ka hadhay daalimiintii uu soo ababiyey Cabdi Iley. Kooxda wakhtigan awoodda badan ee uu hogaamiyo Axmed Shide iyo kooxda dulmi-diid oo muddo badan mucaaradad xoogan ku haysay Cabdi Iley ayaa midoobay. Midowgaasi wuxuu keenay in madaxweyne ku-meel-gaadh ah loo doorto Mustafe Cagjar oo aan xubin k ahaydn xisbiga dimuquraadiga shacabka Soomaalida Itoobiya.

Waxaana dhabarka soo taabtay Axmed Shide oo wakhtigan haysta kalsoonida Raysal wasaare Abiya, oo loo arko aarka aan wakhtigan laga dabahadli Karin, sidoo kalena ciyaaraya kaarkii uu sidan jiray AHN Dr. Cabdi Majiid Xuseen. Maanta waxa laga ooyeyaa deegaanka Qabridahare oo si weyn loogu taageeri jiray maamulkii Cabdi Iley ee galbaday, waxa se laga damaashaadayaa deegaanka Dhagax Buur oo hoy xasuuq u ahaa Cabdi Iley. Haddii ay kooxdan Axmed Shie wato ay u suurtagasho inay helaan madaxweynaha rasmiga ah markuu dhaco shirweynaha xisbiga Dumuquraadiyga shacabka Soomaalida Itoobiya, oo uu Mustafe Cagjar noqdo madaxweynaha cusub ee hogaamin doono Soomaalida Itoobiya, wuxuu ku kici doonaa laba arrimood mid kood. Ta koowaad waa inuu si hoose u aargoosto oo uu ka leexdo xasuuqii tooska ahaa ee muumaalkii hore adeegsan jiray. Tal labaad waa inuu cafis bixiyo oo Soomaalida ku dhaqan Itoobiya tuso caddaalad, sinnaan iyo xoriyad ay weligood u oomanaayeen. Waxa kale oo iyana isha lagu hayaa wuxuu ka yeeli doono beelaha kale ee aan Ogaadeenka ahayn ee aanu maamulkii hore wax xuquuq ka siinin maamulkiisa.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@hotmail.com