Madaxweyne dadka dhagayso, oo adigu keligaa ha is dhagaysan (WQ: Amb Ahmed Safiina)

Runtii waa ay fiicantahay in kolba Madaxwaynaha xilka hayaa uu shacabkiisa qeybo ka mid ah la caweeyo taas oo dhanka kale si weyn u muujinaysa xaaladda amniga dalka iyo sida oo kale is dhexgalka bulshada rayidka ah ee madaxda talada u haysa.

Booqashadaas laakiin ma’aha in wax-qabad Madaxwayne looga dhigo dadka oo ay warbaahinta xukuumaddu ka sheekayso booqashada Madaxwaynaha ee xaafadda New Hargaysa iyo Golden Hotel, ileen wax weyn oo sidii jabhadii Caare oo kale ma uu soo xero gelinine, ama saldhigii qardho ku yaalay muu qabsane!

Hab dhaqanka Madaxwaynuhu marka uu bulshada dhex-tago iyaga ayaa uu waraystaa xaalada-hooda, dhageystaa cabashooyinkooda ku wajahan wasaaradaha dalka iyo laamaha dawlada iyo baahiyaha dhabta ah ee ka jirta deegaankaa uu booqday markaas.

Balse isla habeenkaa uu madaxwaynuhu maqlo cabasho dadwayne talaabo ayaa uu qaadaa waxa uuna hawlgeliyaa laamaha sirdoonka qaranka oo ka soo warbixisa cabashadaa bulshada laba maalmood gudohooda, madaxwaynuhu talaabo adag ayuu ka qaadaa wasaaradaa ama xafiiskii ay bulshadu ka soo cabatay.

Nasiib darro se xalay madaxwaynuhu isaga ayaa bulshada u sheekaynayay, ย waxa uu u eekaa Abawaan Sooraan oo Hargaysa soo booqday, mar bulshada la weydiiyay; maxaad Madaxwaynaha kala hadasheen? waxa ay yidhaahdeen; fursad nama uusan siin ee madaxweynuhu isaga ayaa noo maadeynayey!

Madaxwayne sideen ku idhaahdaa?

 

Amb Ahmed Safiina