Madaxweyne Siilaanyo ma ka garaabi doonaa hoggaaminta Muuse Biixi? (W.Q. Xuseen-Mahdi Xasan Xuseen)

Kulmiye waxa uu soo maray maraaxil aad u kala duwan oo mid kastaaba waayihiisa iyo maalintiisa lahaa tan iyo 2003, waxa uu ahaa xisbi la aasaaso kii ugu dambeeyey, haddana markii la qiimaynayey waxa la yidhi waa ururka qudha ee 19 degmo xafiisyo ka furtay, UCID oo ku xigtay ahayd na ururka labaad ee ugu da’da weyn marka UDUB laga tago ayaa 18 degmo gaadhay, halka kuwii kale ka hooseeyeen.

Waxa loo sababayn karaa in haldoorkii dalku hagaayeen, waxa dedaal aad u dheer ku jiray Axmed Maxamed Siilaanyo imikana ah Madaxweynaha Somaliland. Maalintaa illaa maanta dadkii garab taagnaa waxa kow ka ah Muuse Biixi Cabdi oo isna imika ah Guddoomiyaha Kulmiye, waxa jiray rag badan oo haldoor ahaa, kuwo maanta innaga hooseeya (Alle ha u naxariisto) iyo kuwo xisbiga isaga haajiray una samri kari waayey guuldarada, sida oo kale sugi kari waayey inta guul la gaadhayo.

Kulmiye waxa uu soo maray khilaafyo badan, taas waxa u sabab ahaa awood kala riixasho, in awoodda la kala jiito waxa u sabab ahaa aqoon yahanka gollaha isku hirdiyayey, haddana mar walba xeerka iyo isku tanaasul ayaa lagu wada socday, ujeeddada ugu weyn ee intaa loo kacaa kufayey waxay ahayd in odeyga ugu weyn xisbiga kursiga lagu simo, si wixii khibrad ah ee ku duugan looga dheefsado, tii waxay ahayd mid lagu guulaystay, guushii xisbigu helay dad badan ayaa xil ka waayey oo isaga huleelay, waa mucaarid maanta, se wali Guddoomiyaha Kulmiye, waa Muuse Biixi ye waxa uu ka mid yahay tiirarka xukuumadda difaaca u ah, isaga oo tiir birra  u ah ayaannu wax dheef ah ka helin xukuumadda, waxa lagu reebay xafiiska xisibiga oo wax dhex yaalla jirin, isaga oo waliba aan lagu nabad galin, cidda khalkhalka wadday lama wada odhan karo waa xukuumadda, se waa qayb ka mid ah xukuumadda, kuwaas oo u taagnaa kala fogaynta Siilaanyo iyo Muuse,  se waxa hubaal ah in uu Muuse u dhabar adaygay, waxa uu intaa ku soo waday tanaasul iyo is dhuldhig, waxa uu dhan isaga dhigay dantiisii gaarka ahayd, waxa uu u socday sidii siyaasaddu samir ayey leedahaye ugu samri lahaa.

Bal is wayddii Kulmiye, waa xisbi xaakimka xilligan la joogo, waxa ku furan hagardaamooyin badan oo muddo 5 sanno soo taxnaa, inkasa oo imika meesha ka baxday, hadday jirtana aad u khafiiftay, in yar xusuusta dib aan idiinku celiyo, waxa jiray wakhtiyo Kulmiye iyo Xukuumaddiisu kala dhantaal-naayeen, waxa u sabab ahaa wasiirro dano dhaqaale iyo mid siyaasi ah leh.

Wixii khilaaf soo jiray waa mid ka imanayey dhanka xukuumadda, xukuumadduna kumay wada socon, se rag damci lahaa ayaa ku kacay iyaga oo sawirro khaldan bixinayey, hoggaanka xisbigu waxa uu ahaa mid wax badan cagta u dhigay samirna ku waday, Xuseen-Mahdi ahaan aragtidayda siyaasiga ahi waxay u janjeedhay dhanka hoggaanka xisbiga, waxa aan u arkayey, saxna ahayd in Guddoomiyaha loo daayo xisbiga, kol haddii xukuumaddii aan marna lagu soo darin, kol hadduu ahaa laf-dhabarta guusha u horseedday xisbiga iyo in uu Siilaanyo madaxweyne noqday, kol hadduu yahay nin wax badan og, xogogaal ah, khibrad iyo aqoon badan u leh dadka iyo dalka, kol hadduu yahay shakhsi ku habboon in uu dalka hoggaamiyo, oo halka Siilaanyo gaadhsiiyo hore uga sii wada.

Dagaalka xisbiga iyo xukuumadda danta aan u ahayn, waxa uu dhalay in bulsho badan kacdo, shaki iyo walaacna ka muujiso sida wax loo wado, khilaafka iyo culayska Guddoomiyaha lagu hayey, waxa ka gilgishay bulsho badan, waxay u arkayeen in dow ayna ahayn sida wax loo wado, waxa Guddoomiyaha culays badan lagu saari jiray in falcelin dhab ah uu ka sameeyo xagal daacinta koox xukuumadda ku jirtaa ku hayso, waxa aannu wakhtiyada qaar culays ku saari jirnay in uu ka falceliyo wax yaabo badan oo loo dulqaadan Karin, waxaas oo ka imanayey qaybo xukuumadda ka mid ah,  dhallinyar qudha kuma aannu ahayn, se rag badan oo maanta mucaaridka horboodaya ayaa nagula socday in laga falceliyo, balse waxa Muuse noogu halcelin jiray:

“In aan go’aan dhakhso ah qaato ma aha suurto-gal, sida aad wax u doonaysaan waan arkaa, se go’aan aan degdeg u soo saaraa maaha mid iga suuragalaya, waa in wax yaabo badan xeeriyaa kana fikiraa, waa in uuna hadalkaygu ama go’aan kaygu noqon mid dad iyo dal dhib u keena, nin wayn baan ahay, ee ma jecli in hadal aan idhaah dalka xagdini ku gaadho.”

Sidaa uu Muuse tiraabtayada uga falcelinayo nalooma muuqan in ay sax tahay, laakiin mar dambe waad garaabaysaa, waayo caadifaddu wax badan ayey ku seejinaysaa, go’aanka dhakhsaha ahina waxa uu kala kaxeeyaa dad waxba isku hayn.

Annaga oo og arrimahaa ayaa haddana waxa nahaystay culaysyo badan oo ah Guddoomiyuhu waxaan uu u habranayo ee uu la aamusan yahay waa maxay? waxa naloo tuhmayey in aannu nahay dad Muuse ku dhow-dhow, waana fariimaha sida dadban lanoo farayey, waxa xusid mudan, in maalin maalmahaa ka mid ah nin maanta siyaasadda ku jira, kana mid ah axsaabta mucaaridka uu nagu dhiiri-galiyey in tallaabo la qaado si kasta oo suurtagal u tahay, arrinkii markii aannu la wadaagnay Guddoomiyaha, annaga oo uga jeedna in culays ku saarno sida tallaabo loogu baahan yahay, ayuu yidhi:

“Ninkani waa qurbo joog, baasaboor ayuu haystaa, tigidhka ayuu saacadda uu doono jaran karaa, kaas oo kale waa in aad ku tidhaahdaan hortayada ku jeexjeex baasaboorka, se yuuna idinku duulin.”

Taas oo kale mid maalinkaaba ii cuntantay ayey ahayd, waxa aan ogaaday isaga maxaa kaga ba’aya in uu sidaa sameeyo? Caruurtiisii miyey u joogtaa? Ninka maxaase dalka u taallo waa kee? Ka haddana rabshadda la galinayaa waa kee?.

Dulqaadkaa badan ee odeytinimadu dheertahay ma dhallin in uu Muuse culayska kooxda  xukuumadda ka tirsani ku hayso  ka yareeyo, maalinba meel ayaa docfaruuran laga soo samaynayey, wax yaabaha aanan ka dhagaysan jirin Muuse se isagu qabay marwalbana uu noo sheegi jiray waxa weeye in uu Siilaanyo yahay qof macquul ah, odey ah, asxaab muddo dheer soo wada ahaayeen, sidaa darteedna marna suuragal ahayn in koox aan waxaas oggayni kala disho, wax kasta oo xumaan ah in isagu yahay ka dhabarka u ridanaya, intii dad wanaag isku lahaayeen ay kala dhiman lahaayeen. Taasi waa waxa uu Muuse saaxadda uga bixi waayey ee uu wali uu yahay mid ka mid ah kuwa ugu firfircoon, samraa sadkii waa helaa, waxa ugu muhiimsan ee maanta uu maalayaa waa dulqaadka uu sameeyey xilliyo arrinku guracnaa.

Marna guddoomiye Muuse ma dhaliili jirin Siilaanyo, laakin waxa uu naga hortaagnaa in wax deelqaaf ah ama xad-gudub ah Madaxweynaha iyo qoyskiisa ula badheedhno, waxa uu ahaa mid aanaan ka marin dhanka odeyga, waxaaba halhays u ahayd:

“Siilaanyo maaha mid aan baranayo maanta, waa nin aannu waligayo saaxiib ahayn, waa odeyga xisbiga iyo annigaba, nimanka raba in ay na kala dilaan maaha mid aan u joojinayo, mana aha waxaa ay dhurayaan kuwo aan dhag jalaq u siinayo.”

Hadalka Muuse nagu odhan jiray ayey ka mid ahay, halkaa waxa ka cad horrayso iyo dambayso in Muuse ahaa nin ixtiraama Madaxweynaha.

Muuse waxa uu ahaa qof foollaad arag ah, wax badan oo koox yari la damacsanayd waa ka soo dabbaashay, waxa u muuqday wax markaa noo muuqan, se aannu maanta arkayno, waa in kursiga iyo siyaasaddu u baahan tahay samir iyo dulqaad, manay suuragasheen maalinkii hadduu uuna tanaasulin, afkiisana ka qirin in siyaasaddii laga badiyey oo uu Siilaanyo uga dambaynayo kursiga in uuna fursadahan qayb ka noqdeen, dad badan oo siyaasadda u bislayni waxa ay u haystaan in ay adayg iyo is dilis tahay siyaasaddu, in aad qirato in lagaa badiyeyna tahay ducufnimo iyo wax aan la qaadan Karin, se waa xaqiiq siyaasaddu in ay sidaa ka duwan tahay, maalinkii uu Muuse guusha gaadhay waa maalinkii odeyga uga hadhay tartanka, taasi waa bisayl siyaasadeed ayna dad badani wali gaadhin.

Maanta xaalka Kulmiye waa mid ka duwan sidii hore, khilaaf badan oo rag ka baayacmushtaraynayeen waa mid meesha ka baxay, haddana wali waxa jira rag sii nool oo kuclo ugu jira howshoodii hore, taasna waxaan qabaa in laga gudbi karo,  tan maanta wax hore uga adag oo kala dilis ahaa ayaa shuuqay, wax kale kuma ay shuuqin ee ninka tanaasulka sameeyey ee culays oo dhan dhabarka ku qaatay waa Muuse, waana ta maanta wali saaxadda uu la joogo, waa mid isha lagu hayo in Madaxweyne Siilaanyo ka garaabo dhacdooyinka xisbiga Guddoomiyuhu u soo maray ee aynu ka xusnay halka dhacdo, iyada oo ay jiraan dhacdooyin aad uga adkaa maalintii kursiga loo kuclaynayey, taas oo docwareemo ku furmay Siilaanyo uu Muuse isku gudbay, sida xilligii Siilaanyo musharaxnimada loo dooranayey ee Burco ka dhacday iyo rag badan oo madaxweynaha isla soo taagay.

Kulmiye waxa uu maanta ku dambayn doono waa mid bulshadu u wada  dhag taagayso, waa laba mid uun, in lagu qoslo iyo in loo qoslo!!!.

Kulmiye waxa uu saamayn togan iyo mid taban ba ku yeellanayaa xisbiyada kale,  walaac kasta oo jira ayaa haddana fursad fiican uu leeyahay haddii hore xisbiga loo dhiso, hoggaankiisuna caddaalad, iyada oo la xeerinayo cidda wakhtiga iyo fikirka ku soo dhamaysatay xisbiga, waana waxa ugu habboon ee la odhan karo xisbigu waa ku sii jiri karaa.

Saadaasha imika taagan ayaa iyaduna tilmaamaysa in sannadkan sidii shirka Gollaha Dhexe ee Kulmiye ku qabsoomi lahaa adag tahay, waxa suuragal ah in shirka dib loo riixo oo sannadka dambe ku dhaco, taana waxa keensanaysa ama ay muujinaysaa in wali lugta la hayo xisbiga.

Shirka xisbiga haddii dib loo riixo oo dib u dhiciisu bato waxa ay  ku keensanaysaa kala furan bulshada iyo xisbiga, hadduu dib u dhacu sii batana, waxa soo baxaya walaac ah in aan Kulmiye loogu tallogalin in uu Siilaanyo ka dambeeyo, sida ay doonto ha noqoto, ee waxa muhiim ah si dadka loo lumin in xisbigu musharaxnimadiisu hore u caddaato madaxweynaha imika joogaana haba noqdo e’.

Hubaal waxay noqonaysaa haddii la gacan-tukaaleeyo xisbiga sida oo kalena wakhtiyada ugu dambaysa ee doorasho la galayo la yidhaah ha lagu kala baxo in Kulmiye ku daynayo, marayana jidkii xisbigii tallada uga horreeyey maray. Waxa aynu ku afmeeraynaa qormadan kooban,  goor sheegta ayaa inoo sheegi doonta in Siilaanyo noqdo hoggaamiye garaaba iyo in kale.

Ugu dambayn tiina, haddii qayb xukuumadda ku jirtay lugta jiidayso xisbiga iyana in ay jirto koox yar yar oo daacadnimada iyo iyagu laba wakhti oo kala duwan dhasheen, kuwaas oo gidaar madhan jafaya, kooxdaa qormooyinka dambe ayeynu ku faaqidi haddii Alle idmo.

W/Q: Xuseen-Mahdi Xasan Xuseen

Maqaallada aragtida ah ee ku soo baxa Bandhige fikradaha ay xambaarsan yihiin waxay gaar u yihiin qoraaga.