Waddani ayaa 2500 foosto oo biyo ah gaadhsiiyey dad danyar ah

Xisbiga Waddani, ayaa maanta 2500 oo foostooyin biyo ah gaadhsiiyey dadka danyarta ah ee ku dhaqan duleedka Beri ee Hargeysa oo muddooyinkii danbe ay haysay biyo la’aan aad u xooggani.

Guddoomiye-xigeenka 1aad ee Waddani Axmed Muumin Seed oo ay wehelinayaan Xoghayaha Xidhiidhka Goballada Waddani Cabdillaahi Daamur iyo Barkhad Jaamac Xirsi (Batuun), ayaa si wada-jir ah dadkan tabaalaysan ugu qeybiyey biyo, waxaana halkaas si ballaadhan ugu soo dhaweeyey dadkii danyarta ahaa ee ku sugnaa dulleedka bari ee Hargeysa.

Guddoomiye-xigeenka Waddani Axmed Muumin Seed oo ka hadlay qaybinta biyaha ayaa sheeegay in Waddani mar walba dedaal ugu jiro siddii danyarta loo caawin laha, isagoo ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Waxaa aynu joogna bariga Hargeysa oo runtii dad danyar ah aanu halkan ugu keenay in aanu soo gaadhsiino dhowr booyadood oo biyo ah, sida la wada ogsoon yahayna annagu xisbi mucaarad ah, ayaanu nahay, marka aanu aragnay in bulshadani haraad ugu jirto, ayaanu ka damqanay, waxaanu go’aan sanay in bal marka hore dadka waxa ugu darani waa biyaha e’ aanu biyaha dhowr booyadood waxii itaalkayaga ah aanu soo gaadhsiino, waxaanu keenay ilaa 2500 oo foosto oo aanu ugu talo galnay bal ilaa inta ay wax kale helayaan in ay ku sii meel gaadhaan, runtii dadkan waa dad u baahan gurmad, oo waxay u baahan yihiin, caafimaad, waxbarasho iyo biyaba.”

Biyo dhaamiskan danyarta ayaa imanaya wakhti ay abaaro baahsani ka jiraan Goboladda Gableed.

bandhige@gmail.com