Madaxweynuhu Mid buu Ku adkaaday, isna mid baa lagaga adkaaday. W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Doorashooyinkii isku sidkanaa waxa xisbiga madaxweynaha lagaga adkaaday shirguddoonkii golaha wakiillada iyo dhawr duq caasimad goboleed. Intaasiba wuu qaatay manuu sameyn muran, cunfi, cadho iyo hanjabaad. Mucaaradkii oo doorashooyinkaasi u masharraxaday, ayaa mar kale meel kale uu madaxweynuhu kaga soo baxay.

= Furista ururrada ayuu madaxweynuhu kaga adkaaday laba xisbi mucaarad. Manay filanayn inuu madaxweynuhu shax siyaasadeed uu ka watay markuu kala qaaday doorashadda deegaanka iyo tan ururrada. “Nin ba waa mar mus ma kula koray” ayaa ka dhacday. Waxa se la gudboon in shaxdaasi waa laga helee ay si kale wax u doontaan oo aanay wakhti isaga lumin inay sii wadaa diidma furista ururrada.

= Mudaharaadyadii oo xisbiyada mucaaradka oo faashil noqday ayaa isna meesha ku jira. Waayo dadkii loo xidhxidhay dibad-baxyadii ay mucaaradku sameeyeen, waxa dhib ku keenay in xisbiyada mucaaradka iyo dawladuba ay jeelasha ku iloobeen oo wadahadalkoodu socday iyaga oo xidhan. Waxaana lagu sii daayey ergo odayaal keeneen.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com