Magacaabistii shalay, bilowgii cadceed-dhaca nidaamka Kornayladu Hoggaamiyaan (WQ: Xuseen-Lucky Maxamed Maxamuud)

 

Somaliland waa bogcad ay ku hareeraysan yihiin duruufo aad u kala gedisan oo mid waliba ay tan kale kasii adag tahay,tusaale ahaan, tiradda dadka waxaa lagu qiyaasaa 3.5 milyan ruux, oo 71% ay dadku aanay shaqo haysan, kuwaasoo dakhligoodu ka hooseeyo laba doolar maalintii, tani waxay qoysas badan dhaxalsiisay inaanay caroortoodu fursad u helin inay waxbarasho tagaan, isla markaana aanay daryeel caafimaad oo wanaagsan helin, 29% kale ee bulshadda kazoo hadhayna waa kuwo ku tiirsan eheladooda qurbaha ku nool iyo in ku tiirsan waxa kasoo gala ganacsiyo yaryar oo iyagu iska leeyihiin, ama ka shaqeyaan, tan macnaheedu waa in aqlabiyadii shacabka Somaliland ay ku nool yihiin mustaqbal aan hubanti lahayn, inkastoo indhaha madaxdooda iyo inta ku xidhani ay arkayaan wax taas ka gedisan.

Arinta labaad, waxay tahay, in siyaasadda aan horusocodka ahayn, iyo xisbiyadda qabiilaysani ay mujtamacii u kala qaybiyeen hanaan beelaysan, iyadoo halkii dadka awood loo siin lahaa inay baahiyoodkooda ka hadlaan, lagu foorariyay inay ka hadlaan reer hebel iyo reer hebel, iyadoo reer waliba siyaasi wax ma tare ah ka dhigtay tembel uu qoorta sudho,welina muu dhalan caqligii odhan lahaa muxuu siyaasiga kazoo jeeda qabiilkaygu iigu filan yahay, ee uu iigaga gedisan yahay siyaasiyiinta kazoo jeeda beelaha kale? in si togan loo fekeri waayona waxaa keenay nabaad-guur caqligii dadka ku dhacay.

Markaas taas laga yimaado, 13th November 2017, doorashadii Somaliland ka dhacday, waxaa madaxweyne loogu doortay Madaxweyne Muuse Biixi oo kazoo jeeday Xisbiga Kulmiye oo 8-dii sanadood ee hore dalka soo xukumayay, iyadoo mudadaas uu xisbigaasi dalka soo xukumayayna lagu xasuusto baylah, dayac, iyo habacsanaan ku habsatay nidaamkii iyo ruuxdii dawliga ahayd, waxaana ugu wacnaa iyadoo mansabyadii muhiimka ahaa ee xukuumadda gacanta loo geliyay dad aan xirfad ahaan, masuuliyad ahaan, wadaniyad ahaan iyo aqoon ahaanba aan ehel u ahayn amaanadii umadeed ee loo dhiibay, kuwaasoo ka badin waayay ku mashquulida boobka hantida umadda, dhisitaanka fooqyo booli ah iyo ku temeshlaynta baabuurta raaxadda iyadoo indhihii baahnaa ee danyarta ay madaxda u ahaayeena ay arkayaan, balse, dad badani waxay qabeen in Muuse Biixi uu ugu yaraan wax uun kaga duwanaan doono Macalinkiisii Siyaasadda dhinaca tayada, khibradda iyo aqoonta xubanaha uu xilalka u dhiibi doono, taasoo aan u dhicin sidii laga filayay, waxaana bilowgiiba ay dad badani ka biyo-diideen tayadda aqooneed iyo tan waayo-aragnimo ee liiskii xubnaha golihiisa wasiiradda ee uu soo saaray, kuwaasoo ay dadka aqoonta dheer u leh hanaanka dawladnimo ee casriga ahi ay ku sifeeyeen kuwo aan waxba ka duwanaan doonin kuwii ka horeeyay, waxaase afku juuqda gabay markii uu shalay soo saaray liiska badhasaabyadda cusub ee goboladda dalka maamuli doona, kuwaasoo u badan kuwii horey u joogay ee ka tirsanaa xukuumadii Siilaanyo, iyo kuwo cusub oo uu ku abaalmariyay sidii ay ugu ololeeyeen markii uu kursiga u ordayay, ee aanu ku soo xulan sida ay u leeyihiin karti, aqoon, daacadnimo, wadaniyad iyo hufnaan ay dalka iyo dadku wax ugu qaban karaan, tanina waxay noqotay astaan kale oo muujinaysa bilowgii Fashilka Nidaamka Kornayladu Hogaamiyaan, mana arkayo yididiilo ah nidaam xukuumi ah oo ilaa heer u diyaarsan inay gartaan, wajahaana wax ka qabashadda duruufaha kala gedisan ee nolosha shacabka ku gedaaman.

Gumnaanadkii, waxaynu taariikhda u dayn doonaa inay bogageeda xusuusta ku xaradho halka ay ku danbayso xukuumadan Geel-Kiiska u badan ee caqliga iyo garashadda Kornayladda maganta u ah.

Wa Bilaahi Towfiiq
Qalinkii: Hussein-lucky M. Mohamoud,