Raila Odinga waxa loo dhaariyay xilka Madaxweynimo ee dadka Kiiniya

 

Hoggaamiyaha mucaaridka Kiiniya Raila Odinga ayaa kasoo hor muuqday kumanaan qof oo isugu soo baxay beerta Uhuru ee Nairobi, halkaas oo lagu dhaariyay in uu yahay “madaxweynaha shacabka” Kiiniya.

Raila ayaa ku dhaartay in uu illaalin doono dastuurka dalka, islamarkaasna uu hoggaamin doono Kiiniya.

Waxa hareerihiisa ka muuqday qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaridka, balse kuwii ugu muhiimsanaa oo uu ka mid yahay Madaxweyne-ku-xigeenkiisii wakhtigii doorashada Kolonzo Musyoka ayaan ka soo qayb galin.

Hadal kooban oo uu jeediyay Raila dhaarta kadib ayuu sheegay in shacabka ay ridi doonaan wax uu ku tilmaamay xukunka kaligii talisnimada ah.

Horey waxa dalka madaxweynenimo loogu dhaariyay Uhuru Kenyatta.

Xeer Illaaliyaha guud ee Kiiniya ayaa Raila uga digay in dhaarinta ay tahay fal khiyaamo qaran ah, ciqaabtuna ay tahay dil toogasho ah.

bandhige@gmail.com