Magacii Dagaalka Sababay (WQ: Cali Cabdi Coomay)

Basaska xaafaddaha Hargaysa u kala baxa, waxa ka mid nin dirawal ah oo magaciisu yahay Maxamed Siyaad, marka lacagta Zaadka loogu dirayo. Ninkan dirawalka ahi waa nin qoonsi badan oo aan ogoleyn in xittaa aan lagu odhan kelmad kaftan ah. Waa dadka ay fartu gaadho ee bilaa dulqaadka ah. Dhacdadan ayaan dhawaan la kulmay:

= Dhawaan ayaan raacay baskaasi, markii aanu waxoogaa soconay sida caadiga ah waxa bilaaba in dadku ay lacagta badhna kaash ku bixiyaan badhna ay ku diraan Zaadka. Dadka Zaadka ku bixinayaa iyaga oo lambarkii si fiican u garanaya ayey haddana hubsiimo ahaan dirawalka magaca u soo baxay ay dib u weydiiyaan. Waar ma hebel baa? Markuu haa yidhaa ayaa loo diraa. Kursiga albaabka ugu dhaw ee inta badan loo banneeyo dadka waayeelka ah waxa fadhiya oday gacanta ku sita faladh jaad ah, oo kaftan aan afka isku darayn. Dhawr qof oo u dhawaa oo dumar u badnaa ayuu qacdii hore kaftan ku weeraray. Markii la soo gaadhay inuu odaygu lacagta diro ayuu magacii dirawalka ee Zaadka jeedhiyey oo uu yidhi” waar sow Maxamed Siyaad Barre maaha?”.

Waaba kaa dirawalkii naftu ka baxday, ee gaadhigii joojiyey. Waar naga dag oo lacagtaada hoo, ma anigaad igu sheegaysaa daalinkii ummadda xasuuqay iyo dagi maayo ee magacaaga ayuun baan sheegee maxaad la booday, iska beddel magaca haddii aad ka boodaysid. La kala dhex gal oo odaygii ayaa lagu yidhi magaciisa maxaad Barre ugu dartay ileyn lama socotee. Isna waa kaa is-difaacay ee yidhi” kol haddii labadii magac ee hore ay isku mid noqdeen, kalena haddii lagu daro way bannaan tahay”. Basku wuu taagan yahay inta doodani socoto. Haddana ninkii dirawalka ahaa ayaa lagu yidhi waar iska dul qaado odaygu wuu kula kaftamayaa oo gaadhiga wad. Isna waa kaa jiq iska dhigay ileyn wuxuu ahaa nin qoonsi badane. Haddana odaygii ayaa hadalkii ku soo noqday oo xaaladii meesha taalay uga sii daray oo yidhi” weliba waxa ay ahayd inaad waraaqda lamabarka Zaadku kuugu qoran yahay aad hoostiisa ku qortid, Iimaanka la idinka qaad, intaasi ayuun baa kaa dhimane”.

Waar bal ibtilada kaalay, adeer ninkan innaga daa gaadhiga ha inoo wade iyo maana waxba idhi, bal ninkan magaciisa ka xanaaqaya eega. Dirawalkii wuxuu hadal ku soo afjaray dhaqaaqi maayo ilaa odaygu iga dago. Odaygina wuxuu hadalkii ku soo gaabiyey, magaciisii ayaan ugu yeedhe, muxuu igu haystaa. Dirawalkii ayaa damcay inuu qasab baska odayga kaga dejiyo, waanu soo degay. Show odaygu hoosta ayuu ka hubaysan yahay. Odaygiina waa kaa tooray iska soo jaray ee yidhi, haddaad far I saarto in aan aakhiro ku dhaadhicin. Rakaabkii ayaa kala haddana kala gaadhay. Basku wuxuu taagan yahay ku dhawaad 20 miridh, waana wakhti kulul oo dadka inta miyirka qabtaa way yar tahay.

Waana wakhtiga ay dadku laba u kala baxaan: kuwa ay eryanayso gaajo iyo hurdo oo salaadii subax ay hurdu ugu dambaysay iyo qolo ay xaraaro eryanayso oo dhawaan soo toosay oo qaad iyo sigaar u baahan. Iyada oo ay halkaasi marayso ayuu nin gaadhi Seeraf wataa na soo af-istaagay markaasuu odaygii gartay, oo ku yidhi siday wax u jiraa. Waanu u sheegnay waxa dhacay, intuu qoslay ayuu odaygii naga kaxeeyey oo uu gaadhigiisii saaray. Odaygii oo qoslaya ayaa yidhi” wallee in aanan bun kaa dhimeene waa la iga soo kaa gaadhay?”. Waa nagaa dhaqaaqnay.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com