Qoraaga buugga Jidka Farxadda, Maxamed Sheekh Faarax, ayaa faahfaahin hordhac ah ka bixiyey nuxurka buuggiisa

Maxamed Sheekh Faarax Cilmi oo ah qoraaga buug hadda uun ifka u soo baxay oo la yidhaa jidka Farxadda ayaa faahfaahin hor dhac ah ka bixiyey buuggiisa cusub iyo nuxurka uu ka hadlayo.

Maxamed Sh. Faarax Cilmi waa qoraa, tabobare, la taliye iyo cilmi baare sare. Waxa uu wax kusoo bartey dugsiga sare ee Sh. Cali jawhar iyo Jaamacada Camuud ee magaalada Boorama, waxa uu ku takhasusey ganacsiga iyo maareynta, gaar ahaan maamulka iyo xisaabaadka, waxa kale oo uu maadooyin heer sare ah ku qaatey talyaaniga iyo wadanka Holland.

Waxa uu kasoo shaqeeyay meelo badan sida hayโ€™adaha caalamiga ah iyo wasaaradaha dalka, gaar ahaan waxbarashada. Waxa uu leeyahay ugu yaraan 15 sano oo waayo aragnimo dhinaca maamulka mashaariicda waxbarashda iyo ganacsiga. Waxa uu la taliye kasoo noqdey wasaarada waxbarashada ee Somaliland gaar ahaan barnaamijka kobcinta tayada waxbrashada iyo tabobarada macalimiinta. Waxa kale uu la taliye kasoo noqdey mashaariic kale oo badan oo dalka iyo dibadaba ah. Gaar ahaan waxa uu lasoo shaqeeyay hayโ€™adaha ay ka mid ka yihiin Save the Children International, CARE International, SPARK.org, UNICEF iyo VSF Germany.

Waxa intaas dheer, waxa uu la shaqeeyay Jaamacadaha dalka ee ay ka mid ka yihiin Jaamacada Camuud, Gollis, Hargeysa, Admas, Abaarso tech, Bader, Burco. Ceerigaabo iyo Nugaal oo uu ka fuliyay mashruuca hal-abuurka ganacsiga, iyo tabobarka macalimiinta dugsiyada hoose dhexe ee Somaliland.

Sannadihii u danbeeyay waxa uu aad ugu mashquulsanaa dhinaca tabobarada, horumarinta aadanaha iyo kobcinta maskaxda. Maxameed waxa uu qorey buuga JIDKA FARXADA โ€œThe Way to Happinessโ€ oo hada September 2021 soo baxay

Qoraagu waxa up faahfaahin kooban oo hordhac ah ka bixinayaa buugiisa cusub eeย  JIDKA FARXADA iyo nuxurka uu ka hadlayo oo dhawaan uun ifka isoo baxay

Maxamed waa aqoonyahan muddo dheer ka soo shaqaynayey arrimaha horumarinta haatana wuxu ka tirsan yahay qurbajoogga Somaliland.

Hoos ka daawo faahfaahinta hordhaca ah ee buugga.

Hoos ka daawo faahfaahinta hordhaca ah ee buugga.

HORDHAC KU SAABSAN BUUGA JIDKA FARXADA “THE WAY TO HAPPINESS” QORAA MAXAMED SH. FAARAX CILMI – YouTube