Magacyada Saraakiishii La Toogtey Inqilaabkii Dhicisoobey 9 April 1978 (WQ: Maxamuud Siciid Raygal)

Magacyada Saraakiishii La Toogtey Inqilaabkii Dhicisoobey 9 April 1978

Muddo hadda laga joogo 42 sano maanta oo kale (9 Apr 1978) waxa Soomaaliya ka dhacay isku-day afgembi oo ay koox saraakiil millateri ku doonayeen inay talada dalka xoog kaga la wareegaan Mw Maxamed Siyaad Barre oo isaga laftiisu talada ku qabsaday afgembi millateri (21 Oct 1969).

Nimanka inqilaabka isku deyay oo uu hoggaaminayay Gaashaanle Sare Maxamed Sheekh Cismaan (Cirro) waxa ku kallifay inay inqilaab dhigaan xukun-doon, kibir, iyo qabyaalad waayo waxay ahaayeen hal reer (Majeerteen) oo ahaa qabiilkii Soomaaliya ka talinayey sagaalkii sano ee ka danbeysay xornimada iyagoo mansabyadii muhimka ahaa ee dalka oo dhan ay iyagu toos u haysteen ama uu hayey nin qabiil kale ah oo ay isku xidhan yihiin (yacni, kantaroolaan) marka laga reebo muddo gaaban oo uu R/Wasaare ahaa Maxamed X. Ibraahim Cigaal oo isaguna dhibaato badan kala kulmay wadashaqayntoodii illaa markii danbe ay Majeerteenku dileen madaxweynihii Jamhuuriyadda C/Rashiid Cali Sharma’arke (oo isna ahaa Majeerteen) sababtay u dileenna waxay ahayd maxaad R/wasaare uga dhigtay nin aan gacanta noogu jirin oo aanaan kantarooli karin!!

Lix cisho ka dib markii la dilay Mw C/Rashiid waxa taladii dalka afgembi millateri ku qabsaday Jeneraal Maxamed Siyaad Barre oo ahaa nin aan isagu qabiil adag ku tiirsanayn laakin ahaa nin kartidiisa millaterinnimo aad u sarreyso oo isagu isa-sameeyay (self-made) illaa uu noqday taliyaha guud ciidamada millateriga dabeedna afgembiyay xukuumaddii musuqmaasuqa ahayd ee ay Majeerteenku iska walaaqan jireen.

Taas baa keentay in saraakiil Majeerteen oo “sooc” ahi isku dayeen inay xoog kursiga kaga leexiyaan “laangaabkan” Marreexaan ee meesha ku soo qaldamay wuxu se ku noqday dab iyo “marraaq” lagu gubtay inqilaabkiina wuu dhicisoobay ka dib markii Xamar dhexdeeda lagu dagaallamay si xun Siyaad Barrena is difaacay in kastoo markii hore “lala kacay” oo meelo dhowr ah oo muhim ah laga qabsaday sida idaacadda Radio Muqdisho iwm laakin aakhirkii waa laga guuleystay ciidamadii soo weeraray madaxtooyada oo aad u badnaa ka dib markii dhinaca dowladda u soo jabeen ciidammo badan oo markii hore “la qalday” waxana Siyaad Barre aad u difaacay askartii iyo saraakiishii reer Woqooyi gaar ahaan Dhulbahante iyo Isaaq (weliba Habar Yoonis) dabeedna sidaas lagu soo afjaray sheekadii inqilaabka muddo gaaban lana qabtay, la maxkamadeeyay dabeedna laayey 17 sarkaal iyo sarkaal-xigeenno ee magacyadoodu hoos ku qoran yihiin (AHUN):

1. Col. Maxamed Sheekh Cismaan ‘Cirro’

2. G/le. Saciid Maxamed Jaamac

3. G/le. Saciid Jaamac Nuur

4. Dhamme: C/salaan Cilmi Warsame

5. Dhamme: Ibraahim Maxamuud Xirsi

6. Dhamme: Cabdullaahi Nuur

7. Dhamme: Cabdullaahi Faarax

8. Dhamme: Caagane Axmed Yuusuf

9. Dhamme: Bashiir Abshir Ciise

10. S/xarigle: Faarax Xalwo

11. L/xarigle: C/Qaadir Geelle Cumar

12. L/xarigle: C/Raxmaan Macallin Bashiir

13. L/xarigle: Cabdi Ugaas Cismaan

14. L/xarigle: Aadan Warsame yare

15. L/xarighle: Maxamed Saciid Cabdulle

16. L/xarigle: C/Wahaab Axmed Xaashi

17. C/Qaadir Warsame Yare (oo ahaa qof rayid ah).

Waxa kale oo jiray kuwo aad u badan oo la xidhxidhay iyo kuwo dibedda u baxsaday dabeedna aasaasay jabhaddii SSDF isla sannadkii 1978 waxana watay Gaashaanle Sare Cabdillaahi Yuusuf Axmed (dhammaantood Rabbi ha u naxariistee).

Halkaas bay ka bilaabmeen jabhadaha qaran-dumiska ahaa.

Runtii, marka la eego waaqici berigaas dunida ka socday denbi weyn looma arkayn in Cirro isku dayo inuu xoog iyo afgembi ku qabsado talada dalka maadaama Siyaad Barre laftiisuba sidaas oo kale ku qabsaday laakin dhowr arrimood bay ku kala geddisnaayeen labadan dhacdo waxana ka mid ah:

* Inqilaabkii Siyaad Barre waxa watay koox saraakiil ah oo ka kooban dhammaan qaybaha iyo qabaa’ilka kala duwan ee Soomaaliya sidaa darteed waxa loo arkayey inqilaab ay ciidammada qaranku dalka ku qabsadeen ee looma arki karayn, xataa dadka maskaxdooda kuma soo dhici karayn, qabiil iwm halkan inqilaabkii Cirro ay wateen koox saraakiil ah oo isku hal reer ah oo “sooc” ah sidaa darteed sheekadii loo arkay inay tahay Majeerteen oo ka samri waayay “malafsigii” ay barteen.

** Inqilaabkii Siyaad Barre ma jirin wax dagaal ah oo dhacay cidna la dilin, xataa hal qof kuma dhiman waxana loo yaqaannay inqilaabkii caddaa (white revolution) yacni aan wax dhiig ah ku daadan halkii kii Cirro isku dayey uu ahaa dagaal weyn oo saf ballaaran lagu qaaday caasimadda Muqdisho sidaa darteed dad badan ku dhinteen isagoon weli waxba qabsan taasoo ay aad uga xumaadeen dadkii shacabku gaar ahaan dadkii degaanka ahaa (Hawiye, iwm) oo u arkayeen in nafahoodii la fududeystay.

*** Waxyaabo kalena waa jireen.

Markaa intaas baan ka odhanayaa dhacdadaas soo warewgtay.

Salaam.

Raygal Xasan.

9 Apr 2020.