Afkaarta caalameynta dalalka adduunka ee loo yaqaan ‘globalisation’ iyo gobolaysi ‘regionalism’ adduunyada waxa ugu weyn ee ay ku soo kordhiyeen waa is-dhexgalka ganacsiga iyo isku socodka bulshada caalamka. Danta iyo ujeeddada la ga leeyahay waa in dhaqaalaha la gu koriyo. Ma aha arrimaha siyaasadda.
Midaynta suuqyada adduunka iyo furdadaha cashuurta (tariffs & customs union) ee wax is-dhaafsigu waa midowga ugu khasaaraha yar ee maanta adduunyadan casriga ahi midnimada u dooneyso. Waa intaa wanaagga ay midnimadu leedahay.
Adduunka maanta cid wal oo midoobaysaa waxa ay ka midoobayaan arrimaha dhaqaalaha (economic integration), waxa kale oo iyana la iska kaashanayaa arrimaha amniga (security cooperation). Ma jirto dalal adduun oo raba in ay siyaasad ku midoobaan. Carab oo hal qoom ahi midnimada ay rabtaa waa dhaqaale iyo iskaashi nabad-galyo, Yurub intaas ayey ku midaysan tahay.
Sidaa si la mid ah dalalka Afrika ee Bariga waxa la gu mideeyey Ururka EAC, dalalka Bariga iyo Koonfurta Afrika waxa la gu mideeyey (COMESA), dalalka Galbeedka Afrika waxa la gu mideeyey (ECOWAS), dalalka Geeska Afrika, Nile Valley & the African Great Lakes waxa la gu mideeyey (IGAD).
Waxaas oo urur midnimo ma jiro cid ku midowday siyaasad. Madaxda iyo aqoonyahanka Xamar in ay intaa fahmaan ayaa la ga rabaa. Jabuuti, Somaliland iyo Soomaaliya waxa ka badan inta ay ku midaysan yihiin dalalka Carabta iyo kuwa Yurub. Wax kale kuma midoobi karaan maanta. Siyaasad cid isku aamineysaa ma jirto. Wax aan ahayn iskaashi amni iyo mid dhaqaale suuro-gal ma aha maanta iyo berri midna. Taas ayaa xoog ah – waa haddii wanaagga Soomaali la doonayo.
Mohamed O. Hagi Mohamoud