10ka Waddan ee Caalamka ugu Shaqada Badan, Noloshooodu ugu Wanaagsantahay!
Qeybtii 2aad
6-Sweden: Boqotooyada Iswiidhan Waa mid ka mid ah waddamada ugu waaweyn isbahaysiga ama midawga Yurub. U adeegga bulshada, ilaalinta xuquuqda Bini’aadan IWM ah way ku sarraysaa Iswiidhan. Adeeg Caafimaad oo tayo leh, iyo waxbarasho wanaagsan oo bilaash ay ayay leedahay. Dhaqaale wanaagsan ayay leedahay. Qaxooti badan ayaa ku nool, oo aad bay qaxootiga u soo dhawaysaa, dadkeeda 10% waa qaxooti aan dalka u dhalan.
7- Australia: Waa dal iyo qaarad ay ku wareegsanyihiin labada badweyn ee badwaynta Hindiya, iyo Badwaynta Pacific ga. Waa mid ka mid ah waddama ugu yar wasakhawga hawada waddamada Caalamka. Waxa loo tixgeliyaa waddama ugu dhaqaalaha wanaagsan uguna nolosha fiican. Dhul qurxoon oo buuralllay iyo bannaanba leh ayay leedahay. Waxbarasho wanaagsan oo tayo leh ayaa laga helaa. Dugsiyada waa lagu qasbaa dadka da’doodu u dhexayso 5 Sano illaa 16 sano.Fursado shaqo oo badan ayay leedahay. Waxa ku yaalla goobo badan oo lagu dalxiiso, meelaha xayawaanka duurjoogta ah lagu xannaaneeyo, meelo loo daawasho tago iyo goobo kale oo lagu maddadaasho.
8- Boqortooyada Noorweey: Waxa ay ku taallaa Galbeed Iskaandaniifiya. Waa waddan xeeb ku yaalla oo biya badan. Waa waddan dhaqaale wanaagsan leh. Nolol wanaagsna yuu leeyahay, waanna waddama ugu nolosha wanaagsan, ee lagu raaxaysto ku noolashahooga. Caafimaadku waa bilaash. Dalkuna waa ammaan, oo qashqashaada, iyo amnixumo kama jirto. Wabarasho wanaagsan dalku wuu leeyahay.
9- Maraykanka: Maraykanku wuxuu ku yaalla Waqooyiga Ameerika. Waa waddanka Caalamka ugu dhaqaalaha iyo cududda millateri ama ciidan ugu awoodda badan. Dad kala duwan oo dhaqanno kaladuwan leh ayaa ku nool. Dhinaca Tiknoolajiyadda waa waddanka ugu horreeya. Qaxooti badan oo tirabeel ah ayaa ku nool. Waxbarasho wanaagsan ayuu leeyahay. Waxaa ku yaalla Jaamacadaha caalamka ugu wanaagsan, sida Jaamacadda Harvard IWM.
10- New Zealand: Waa dal leh cimilo wanaagsan, waxaanna ku nool dad dhaqanno kaladuwan leh. Caafimaad wanaagsan ayuu dalku bixiyaa. Waxbarashadeedu waa heersare. Sido kale, waxa ay leedahay magaalooyin qurxoon, oo ashqaraar leh. New Zealand waa waddan nolol wanaagsan oo lagu noolaan karo.
10kaas Dal ayaa caalamka ugu nolol wanaagsan, sida ay diisay Mareegta iyo channelka caanka ah ee AROUND THE WORLD, sannadkiii 2019. https://www.youtube.com/watch?v=VoCZgykBynw
Qoraalka oo dhammaystiran: https://abdirazaqsandheere.blogspot.com/2020/04/10ka-waddan-ee-caalamka-ugu-shaqada.html
Muuqaal ahaan halkan ka daawo 10KA WADDANBA: https://www.youtube.com/watch?v=kv87yAHH5x4&t=10s