Yamen ayaa ka warbixisay kiiskeedii ugu horreeyay ee coronavirus magaalo ku taala koonfurta, iyadoo sare u qaadaysa cabsida laga qabo musiibada ka dhalan karta nidaamka daryeelka caafimaadka oo ay burburiyeen shan sano oo dagaalo ah.
Xaqiijinta kiiskii ugu horreeyay ee dalka Yemen ka dillaacay ayaa imanaya kadib markii ay billaabeen xoogaga ku dagaalamaya waddankaasi xabbad-joojin aan shuruud lahayn oo qayb ka ah joojinta fiditaanka daran ee COVID-19.
“Kiiskii ugu horreeyay ee la xaqiijiyay ee cudurka coronavirus ayaa laga soo sheegay gobolka Hadramuut,” guddiga ugu sarreeya ee xaaladda deg-degga ah ee Yemen ee COVID-19 ayaa ku sheegay Twitter-ka Jimcihii.
Guddigan oo ay maamusho dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Madaxweyne Abd-Rabbu Mansuur Hadi, ayaa sheegtay in bukaanka cudurka qaba uu xaaladdiisu deggan tahay isla markaana heleyso daryeel.
Bukaanka laga helay caabuqa ayaa ah Yamani ka shaqeeya dekeda Al-shihr sida ay wakaalada wararka ee Reuters.
Xigasho: aljazeera