Boqol dhakhaatiir Talyaani ah ayaa u dhintay cudurka Coronavirus awgii

Tan iyo markii uu cudurka coronavirus soo gaadhay dalalka mediteriyanka bishii February waxaa dalka Talyaaniga ugu dhintay u dhintay boqol dhakhaatiir sida ay xaqiijiyeen ururka caafimaadka dalkaas ee magacooda losoo gaabiyo FNOMCeO.

Tiradaas ayaa waxaa kujira dhakhaatiir halgab ah oo ay dawladdu ka codsatay inay qayb ka qaataan la dagaallanka cudurka aadka ugu faafay dunnida ee covid-19.

Machadka caafimaadka bulshada ee Rome wuxuu ku qiyaasey in 10% dadka qaba cudurka coronavirus ee talyaaniga ay ka shaqeeyaan daryeelka caafimaadka.

Xigasho: AFP NEWS