MALAB DAAWO DABIICIYA OO ALLE INA SIIYAY

                  

Malab (Af-Ingiriis: honey; Af-Carabi: عسل) waa cunto macaan oo Shinida ka sameeso biyaha Sonkorta leh oo lagu magacaabo Nektar, waxaa dhala Ubaxa. shinida waxey isku dartaa waxyaabo ay ka keento caloosheeda oo la dhaho Ensiim iyo biyaha ubaxa ee Nektarka ah. Markaasna waxee isku noqdaan malab macaan oo dhalaalaayo isla markaas leh walxo isku dhag dhagaya oo miisaan leh.

Micnaha malabka  Malabka  waa shay aad  u macaan sababtoo ah waxaa ku jiro sonkor aad u badan. markiisa hore wuu isku dheganyahay, laakiin haddii la kululeeyo wuu dhalaala, haddii aad kuleelka kabadisid 40 °C, waxaa ka baxaya waxyaabaha muhiimka ah ee uu malabka leeyahay. kalarka malabka waxa uu  ka yimaaday Ubaxa.  Midabkiisuna waxa uu ku xidhan yahay nuucyada ubaxyayada ee nekterka ka keenaan. kalaradu waxay noqon karaan jaale biyobiyo ah ama cagaar madoobaad ah iyo cadaan huruudi ku jirto.  laakiin dhadhanka waa isku mid, waxa ay ku xidhan tahay ubaxa ay ka sameeyeen.

Malabku waxa uu kamid yahay cuntooyinka ugu faa’iidada badan ee uu Allah tabaraka wa tacaalaa ku mannaystay bina aadamka, iyada oo malabka shinnidu aanuu ahayn kaliya cunto balse waxa kale oo uu yahay dawo Ilaahay idankiisa bogsiisa xanuunno badan oo aan lasoo koobi karin, waxaana tusaale kuugu filan in Allah uu ku magacaabay suurad dhan oo quraanka ku jirta suuratul Naxl ama suuradii shinnida.

Malabku guud ahaan waa dawo, taasna  Quraanka kariimka ayaa lagu sheegay wuxuu dawo ka yahay xanuuno fara badan waxaa la wariyay nin ayaa nabiga uyimiday salaaluhu calayhi wasalam. Waxaan ku yidhi walaalkay ayaa xanuunsanaya calooshana waa laga hayaa nabigu wuxuu ku yidhi (SCW) : ” malabsii”.  Ninkii  wuu tagay malabkii ayuu siiyay, calooshii ayaa ka sii dartay macnaha shubankii ayaa ku kordhay , Nabiga ayuu ku soo laabtay wuxuu yidhi: rasuulkii alaw  walaalkay malabkii ayaan siiyay lakiin wuu ku siyaaday xanuunkii,nabigu wuxuu ku yidhi : “  Illaalhay baa run sheegay  caloosha walaalkaana been bay sheegtay ee tag oo malab sii “. Hadana ninkii wuu ku noqday walaalkii malabkii ayuu siiyay markaas ayay calooshii bogsatay. Culumadu waxay sheegeen sababta uu shubanka usii batay markii  koobaad  markuu malabka siyay , ina caloosha wasakh badan ku jirtay isla markana malabka nadiifinayay markii koobaad sidaasna shubanku ubatay.

 

Faa’iidooyinka malabku leeyahay

Faa’ iidooyinka malabku way fara badan yihiin waxaanse ku soo koobaynaa faaidooyinka hoos ku     qoran:

  1. Tamarta Wuu Kordhiyaa:Hadaad dooneyso in aad kordhiso tamarta jidhkaada, isku day in aad malab ku darsato qorshaha raashinka qaar maalin walba , hadii aad tahay kafee cab fadlan yaree waayo wuxuu dilaa waxtarka malabka. Malabka oo la daaimo wuxuu si dabiici ah u saameeyaa in aad hesho tamar. Tusaale hadii aad roodhi marsato malab koobka shaahna aad in yar oo malab ah kaga darsato xitaa aad biyaha ku darsato ogow waa quraac rasmi ah . Dadka sameeya Jimicsiga wuxuu u leeyahay faaiido balaadhan malabka cun wax yar oo aan badneyn ka hor jimicsiga xitaa marka aad ciyaar adag leedahay horay u sii cun.
  2. Cuncunka Dhuunta Waa U Dawo:Xabeebta wuu u fiican yahay malabka , hadii aad leedahay dhuun cun cun ama riiraxyo waa mid aad ugu wanaagsan malabka wuuna daaweeyaa hadii aad joogteyso, tijaabo la sameeyay ayaa lagu guuleystay malabka oo waxyaabo sahlan lagu daray Tusaale : dhowr qaaddo ( Malqacad ) oo malab ah cun ama ku qas inyar oo milix leh ayodhiin iyo xabbad liino dhanaan ah dabadeed cun wey ku dareemeysaa in uu kaa joogsaday cuncunkii dhuunta.
  3. Wuxuu Dhisaa Difaaca Jidhka:Malabka wuxuu awood weyn u yeelaa unugyada difaaca jidhka ,khaasatan hadii aad ka shaqeysid meelo jeermis badan sida jeermiska ka yimaada dadka meelaha ay bukaanadu yaalaan,isku day in aad joogteyso shaah lagu daray malab iyo liin maalin walba. Xusuusnow hadii aad caruur leedahay ka ilaali ilmaha ka yar hal sano in aad siiso malab, waayo dheefshiidkiisa ayaa khatar geli kara xanuunana waa laga qaadi karaa.
  4. Miisaanka Wuu Dhimaa:Ma ogtahay in malabka uu ka qeyb qaato dhimista miizaanka jidhka , tusaale hadii aad biyo diiran oo lagu daray liino dhanaan aad cabtid aroor kasta waxey yareysaa baruurta. Laakiin ha hilmaamin in aad malab ku darsato.
  5. Hurdada Wuu Ka Qeyb Qaataa: Hadii aad dhibaato ku qabto jiifsashada habeenkii xiliga hurdada malabka wuu kaa caawin karaa , raac tilmaantan in yar oo malab ah ku shub koob dabadeed ku dar caano diiran kadibna cab. Malabka wuxuu qofka ku keenaa degenaan iyo raaxo habeenkii xiliga hurdada.
  6. Dhaawaca Waa Lagu Daweeyaa:Hadii aad dhaawac ka qabto meel ka mid ah jidhkaad oo uu dhaqso kuu dawoobi waayay fadlan tijaabi in aad faashad ku shubto in yar oo malab ah kadibna aad ku dhaydo meesha iyo hareeraha kadib kula dheji faashada. waa jeermis dile malabka.xanuunkiina wuu kaa yaraanayaa waa tijaabo la sameeyay laguna guuleystay.
  7. Neefta Urta Ee Afka Waa Lagula Dagaalamaa:Ma ogtahay in malabka kaa caawin karo in aad la dagaalantid suggida cuntada, malabka waxaa ku jirta sonkor dabiici ah oo aan waxba u dhibeyn beerka,runta waxey tahay malabka in uu la dagaalamo neefta Urta ee afka ka soo baxda taasi micnaheedu ma’aha in aad joojiso cadayga maalin walba waa waajib taasi .hadii aad leedahay neeftaa urta ee loo yaqaan karoonikada, waxaad isku dartaa in yar malab ah iyo qarfaha shaaha si aad ula dagaalanto neeftaa xun.

Waxaa kaloo jira tira badan oo faa’iido ah ee uu leeyahay malabka kuwana waa qeyb yar oo ka mid ah marka ulajeedada maaha in aad wax badan ka qaadato malabka waayo sun ayuu kugu noqon karaa hadii aad xadi badan isticmaasho.

 

Sida loo hubiyo in malabku saafi yahay iyo inkale

Wayadan danbe waxaa soo badanayo dad suuqa u iib keena malab aan saafi ahayn sidaa daraadeed waxaa laga marmaan noqotay in dadku ogadaan sida lagu karan karo malabku inuu saafiyahay iyo in kale.  Isticmaal siyaabahan soo socda si aad u hubiso malabkaaga.

1:  waxaad soo qaada warqad kadibna dusheeda ku shub in yar oo malab ah, dabadeed warqada dhinac ka gub .. hadii ay warqadaasi gubato oo aanu malabku guban taasi macnaheedu waxa weeye malabkaasi waa saafi waanu ka bad qabaa khiyaamo iyo qishba.. balse hadii uu malabku gubto isagoo samaynaya qiiq madaw macnaheedu waxa weeye malbkaasi waa malab la badhxay oo samays ah.

2: Waxaynu in yar oo malab ah ku shubaynaa malqacad (qaado) kadibna dul saaraynaa dab ololaya, hadii uu malabkani gubto waa malab aan saafi ahayn, balse hadii uu bilaabo inuu kar karo oo uu xumbo cad sameeyo waa malab saafi ah.

3: Waxa aynu soo qaadaynaa inyar oo Iodine ah (Waa dareeraha lagu daweeyo nabarrada ee soosaliga ah-Violet), kadib waxaynu ku dul shubaynaa weel uu malab ku jiro, hadii uu midabkan buluuga u eegi ku faafo dhamaan malabka dhexdiisa malabkani waa samays ama badhax, hadii ay Iodine tu ku sugnaato bartaas lagu dul shubay oo kaliya, taas macnaheedu waxa weeye malabku waa saafi.

4:  Qaabkan waxaynu soo qaadaynaa koob biyo ah oo kala badhan, kadib waxanyu ku shubaynaa inyar oo malab ah.. hadii uu malabku dago oo uu fadhiisto gunta isla markaana halkaasi ku eekaado oo aanuu biyaha ku milmin waa malab saafi ah, balse hadii uu biyaha ku milmo waa malab samays ah.

5:  ku shub laba mul qacadood oo malaba saxan deedna kooke ku dulshub hadii uuna dabiici ahayn malabku shuxul buu noqon wayo kookuhu wuu gubaa sonkarta.

Xamagta malabka shinida waxaa laga samayn karaa:

1: shamac loo isticmaalo iftiinka guriyaha

2: kirimada jidhka lamarsado

3: waxa lagagu nadifiyaa cukayga dhagaha

4: dawooyin dabiici ah ayaa laga sameyaa oo kala duwan

Gunaanad

Istaacmalka malabku waa mid mihiim u ah adaamaha dhamantii waayo alle ayaa quraankiisu inoogu sheegay inuu dawo yahay. Isticmaalka malabku waa u mihiim dhamaan dadka oo dhan marka laga reebo ciyaalka dadoodu ka yartahay halsano waayo dheefshiidkooga ayaa khatar geli Kara xanuunana waa laga qaadi karaa.

Tixraac

Beekeeping For Dummies Howland Blackiston

Bee Manual ,Claire Bessant.

Practical Beekeeping In New Zealand Andrew Matheson

 

WQ: Abdi asis Mahamed Ahmed ( cilmi baadhe madax banan).