Sh. Cabdilahi Baashe, ayaa mar iiga sheekeeyey dhacdo ka dhacday wadamada khaliijka mid ka mid ah, waxa uu yidhi: “Nin Hindi ah ayaa shirkad ganacsi oo wayn u keensaday waraaqo shaqo tag, waxa ninkaasi uu sheegtay inuu leeyahay aqoonta qurxinta deegaanka shirkadda isagoo dhir beerid qurxoon ku sameyn doona dayrka shirkadda, ninkii shaqadii baa la siiyey, mushahar yar oo magac u yaal ahna waa lagu qaatay.
Hindigaasi shaqadii ayuu si fiican oo qurxoon u qabtay, waxa kale oo uu ku daray inuu maalin kasta gaadhiga gudoomiyaha shirkadda maydho oo si fiican u dhaqo si uu gudoomiyaha ugu dhowaado, ninkaasi labada shaqoba waxa uu ku kasbaday ammaan iyo tix gelin dheeraad ah.
Muddo ka dib waxa loo baahday xoghayn ka shaqo gala waax ka mid ah shirkadda, ninkii hindiga ahaa waxa uu ka mid noqday dadka shaqadaas soo codsaday, isagoo shahaado waxbarasho iyo mid waayo aragnimo la soo baxay!
Nasiib wanaag waxa uu ku guulaystay shaqadii, si fiican oo indhaha soo jiidateyna wuu u gutay hawshaas.
Wakhti ka dib waxa banaanaaday booskii madaxa waaxda uu ka shaqeynayey.
Mar kale ayuu ka mid noqday dadkii boosaaskaas u tartamay isagoo keenay shahaadooyin muujinaya inuu shaqadan qaban karo iyo weliba waraaqo ay ku caddahay inuu waayo aragnimo u leeyahay !
Sidii tii hore oo kale ayuu shaqadii ku guulaystay, si wanaagsanna u gutay.
Muddo aan buurreyn ka bacdi, waxa banaanaaday booskii gudoomiyaha shirkadda ee uu gaadhiga la yaabka leh u dhaqi jirey, boodhkii shirkadda ayaa iclaamiyey inay shirkaddu buuxinayso booskaas, cidda soo codsanaysana shuruudahaas looga baahan yahay, lacagta intaas le’egna la siin doono, iyo weliba xuquuq kale oo mushaharkaba ka qiimo badan,
Waa la yaab e, ninkii hindiga ahaa waxa uu ka mid noqday dadka booskan soo codsaday, isagoo weliba codsigiisa ku soo lifaaqay shahaadooyin sare iyo waayo aragnimo dheer, waxaanu ku guulaystay booskii gudoomiyaha shiraddii uu beerta u nadiifin jiray, waxaanu fadhiistay xafiiskii lagu ashqaarayey muuqaalkiisa, waxaana loo iibiyey gaadhiguu maydhi jiray modelkiisii ka danbeeyey oo la yaab leh” !
Arrintani shaqo tagaha dhabta ah waxa ay baraysaa:
1- In shaqadu tahay sharaf noocay doonto ha ahaatee, shaqo la’aantuna waa cudur iyo ceeb.
2- Horumarku waa talaabo talaabo ee madaxa ka bilow ama kaga bood ma aha.
3- Furaska shaqo waa la sameystaa, oo la dhaliyaa, haddaad shaqo hoose hayso, waxaad kaga gudubtaa inaad muujiso in aad mid ka qiimo badan u qalantid oo qaban kartid, haddaad tan adigoo saluugsan dayacdo caqli gal ma aha in mid ka sarreysa lagugu aamino.
4- Shaqadu noocay doonto ha ahaatee waa waayo’aragnimo, qof laba shaqo yaqaanaannaa wuu ka jaanis wanaagsan yahay mid shaqo keliya yaqaanna, isku day in aad hal xirfad wax ka badan yeelato, haddaad mid waydo waxaad heli kartaa mid kale oo aad ku gaadho kuna sugto.
5- Arrin kale oo dheeraad ah; maamulka ganacsiyada iyo shirkadaha waxa aan xasuusin lahaa in maanta shirkadaha horumarsani isticmaalaan siyaasadda “Shaqaalaha dhammeyska tiran”, taasoo macnaheedu yahay in shaqaalaha la baro dhammaan shaqada shirkadda, oo shaqada lagu wareego, taasi waxa ay keenaysaa in aanay shaqadu qofna u istaagin ee shirkadda dhexdeeda laga helo cid shaqadii u tabo baran.
“Aniguse ilaa xafiis wayn oo qurxoon iyo mushahar sare laysu kay dul dhigayo maqaaxidaydaan iska fadhiyayaa oo aan ka sheekaynayaa” !
Ma garaneysaa cidda hadalkan danbe tidhi?.
Ilaahayow cid taladayada wuxuun ka faa’iidda ha u waayin.
@Dr- Abdulqani Beder – 22/12/15