Quwadaha adduunka ugu tunweyni waxa ay ciidan iyo markiib dagaal u kala direen afar marin-biyood oo lafdhabar u ah dhaqaalaha adduunka. Afartan marin-biyood waxa mara maraakiibta shidaalka qaada 80%, taasina waxa ay keentay mihiimada ay leeyihiin. Quwadaha adduunku waxa ay saldhigyo kala duwan ka samaysteen afartaa marin-biyood si ay uga ilaashadaan danahooda dhaqaale. Dalalka kulaalaya afartan marin-biyood ayaa noqday istaraatijiyada weyn oo ay u kala dheereeyaan quwadaha adduunku. Waxa aynu qormadan ku soo qaadan doonaa afartaa marin-biyood meelaha ay ku yaalaan iyo dalalka ku herdamaya:
= Marin-biyoodka Hurmus (Strait of Hormuz): Marinkani wuxuu u dhexeeyaa gacanka Beershiya iyo gacanka Cumaan. Dhinaca waqooyi/galbeed waxa ka kulaalaya dalka Iiraan, dhinaca bari dalka Imaaraadka halka dhinaca koonfureedna uu ka kulaalayo dalka Cumaan. Marin-biyoodka waxa maalintii mara ku dhawaad 17 Milyan oo foosto oo shidaal ah una dhigtan 20% ganacsiga shidaalka adduunka. Waxaanay shidaalka u kala qaadaan dalalka Japan, Shiinaha iyo Kuuriyada Koonfureed. Sida laga soo xigtay ((U.S Energay Informatiho Adminstration).
Marin-biyoodani waa mid aad u dhuuban oo dhererkiisu yahay 33 Kiiloomitir. Halka ugu dheerina ay tahay 95 Kiiloomitir. Mihiimada uu marinkani leeyahay ayaa keentay inay Iiraan ku hanjabtay inay xidhi doonto sannadkii 1980 ee ay socdeen dagaalkii u dhexeeyey Iiraan iyo Ciraaq, hasayeeshee Maraykanka ayaa hanjabaadaasi markii ka jawaabay oo ku yidhi Iiraan inay weerari doonaan haddii ay falkaasi ku dhaqaaqdo. Marinkan waxa saldhig ciidanka badda ah ku leh Maraykanka oo danihiisa ka ilaashada.
= Marin-biyoodka Malaaka (Strait of Malacca): Marinkani wuxuu u dhexeeyaa dalalka Maleesiya iyo Indooniisiya. Waana marin-biyoodka isku xidha badweynta Hindiya iyo badda Baasifiga. Waa marin dhuuban, balse ka weyn marin-biyoodkii hore, waxaanau dhererkiisu yahay 890 Kiiloomitir. Marin-biyoodkan waxa maalintii mara ku dhawaad 14 Milyan oo foosto oo shidaal ah. Waa meesha keliya ee shidaalku u maro dalalka bariga Aasiya ku yaalla. Dalalka Maraykanka iyo Shiinaha ayaa si weyn isugu haya marin-biyoodkan. Maraykanka oo iska ilaalinaaya Shiinuhu inuu gacanta ku dhigo marin-biyoodkan ayaa saldhigyo ku leh dalalka kulaalaya marin-biyoodka, oo haddiiba ay isku dhacaan Shiinaha inuu ka ilaaliyo inuu xidho marin-biyoodkan.
= Marin-biyoodka Baabul Mandab (Bab el-mandeb Strait): Marinkani wuxuu u dhexeeyaa dalalka Jabuuti iyo Yaman. Waxa maalintii mara ku dhawaad 6 Miylan oo foosto oo shidaal ah. Meesha uu ugu dhuuban yahay waa 16 Mayl. Dhinaca waqooyi waxa ka kulaalay dalka Yaman, halka dhinaca koonfur/galbeedna ay ka kulaalayaan dalalka Jabuuti iyo Eratariya. Waana qoorta kala qaybisa biyaha badda cas iyo badweynta Hindiya, taasina waxa ay keentay in dalalka Midowga Yurub, Ruushka, Shiinaha, iyo Maraykanku ay maraakiib dagaal ugu soo direen badda cas iyo badweynta Hindiya ee ay ku sheegeen inay budhcad-badeeda la dagaalamayaan. ย Mihiimada marin-biyoodkani leeyahay waa ta keentay in dalka Jabuuti ay saldhiyo ay danahooda kaga ilaalashanayaan uga samaysteen dalalka Maraykanka, Shiinaha, Faransiiska, Jarmalka iyo Talyaanigu.
Marin-biyoodkan waxa shantii sanno ee ugu dambeeyey ku soo kordhay oo sameyn ku yeeshay dagaallada ka socda dalka Yaman oo ay ku dagaalamayaan jabhada Xuutiyiinta iyo dawlada taageerada ka haysta xulufada Sucuudigu hoggaaminaayo. Sannadkii tegay ayey jabhada Xuutiyiintu gantaal ku soo rideen laba markab oo marayey marin-biyoodka Baabul Mandab, waxaanay taasi keentay inay ku khasbaan labadii markab oo Sucuudiga laga lahaa inay dib u noqdaan. Dalka Imaaraadka Carabta ayaa hadda saldhig ciidan ka samaysanaya magaalada Berbera oo uu doonaayo inuu danahiisa ka ilaashada dalalka ka ag-dhaw marin-biyoodka Baabul Mandab. Soomaalilaan waa dalka ugu dhaw marin-biyoodka Baabul Mandab marka la yimaado dalalka kulaalaya, taasina waxa ay mihiimad siisay inay wakhtigan xiiseeyaan dalal badani.
= Marin-biyoodka Suweys Kanal (The Suez Canal): Marin-biyoodkani wuxuu isku xidhaa dalalka reer galbeedka, bariga dhexe iyo Eeshiya. Waxa sii mara dhammaan maraakiibta shidaalka sida ee ka gudubta marin-biyoodka Baabul Mandab. Wuxuu isku xidhaa badda cas iyo Medhatareeniyaanka. Waxa furay sannadkii 1869. Wuxuu kulaalaya dalka Masar. Intii aan furin Suweys Kanalka waxa ay maraakiibtu ka soo wareeji jireen dhankaa iyo Koonfur Afrika. Xeebaha Soomaalidu waxa ay mihiim noqdeen markii la furay Suweys Kanalka.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan
Calicoomay@gmail.com
Tixraacyo:
1. Strait of Malacca – World Oil Transit Chokepoints Archived 2014-11-22 at the Wayback Machine,
2. Strait of Hormuz – History and Importance โ ThoughtCo https://www.thoughtco.com/strait-of-hormuz-1435398
3. https://gcaptain.com/explainer-what-is-the-bab-el-mandeb-strait-and-why-is-it-important/
4. https://www.quora.com/What-is-the-Suez-Canal-Why-is-it-important