Marka ugu horaysa Cirro ma Guddoomiyaha Wakiilada ayuu yahay mise waa Guddoomiyaha xisbiga Waddani? (WQ: Aadan Maxamed Ciismaan “Indhoole”)

 

Maanta waxaa cod lugu mariiyeey heshiikii dawladda Iskutagga Imaaraadka Carabta iyo Xukuumada Jamhuuriyada Somaliland ee aasaaska saldhigga milateri oo ka dhacay xaruunta Baarlamaanka ee Somaliland, casimada wadankeena ee Hargaysa.

Goobtaas oo uu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo ka jeediyeey qudbad kooban oo ka hadlaysay faayidoyinka ku jira heshiikan ay xukuumada uu hogamiyaha uu yahay la gashay dawladda Iskutagga Imaaraadka. Qubadii ka dib Madaxweyne Axmed Silanyo wuxu kursiga uu banayeey raggi xilkaas laga uu ah Gudomiyaasha Goolayaasha Baarlamaanka oo isku jiran Wakiilada iyo Guurtida. Kalafadhigan waxa Shirgudoon uu aha Salebaan Maxamuud Adan (Salebaan Nuur) oo ah Gudoomiyaha Goolaha Guurtida iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi (Cabdiraxmaan Cirro) oo ah Gudoomiyaha Goolaha Wakiilada iyo Ku Xigeenada labada goole.

Qudbadii Madaxweyne Axmed Silanyo ka dib waxa la galay sharaxaad nuxurka heshiiskaas oo loo qaybiyaay xildhibaanahii goolaha fadhiyey xubno ka tirsan Goolaha Wasiirada oo uu xilsaarna howsha siday xildhibaanaha labada Goole ugu codayaan heshiiskaas. Marka la doorto nidaam dimuqraadi ah waxaa awooda leh codkaad ka dhiibato qodobka waxtiiga taagan. Waxaa markaas guusha yeelata ciddii codka ugu badan hesha, sii nabadgeliyo ah oo ixtraamaysa miisaanka codkaas.

Shaqada uu taalay Baarlamaanka Somaliland waxay ahayd in cod la qaado uu Shiir Gudoonku uu ilaaliyo tayada codkaas lugu qaadayo. Codkii maanta lagu qaaday xarunta Baarlamaanka Somaliland waxa uu muujiyeey awooda dimuqaraadiyada laakin cadayeey siyabada ay danlayaasha ee guuldaroodi sii oog ay doonayeen in ay wax yeelan nabadgeliyada, dimuqaraadiyada iyo danta umada.

Waxaad maanta ka daawanaysan shaashadaha iyo sooshial meediyaha muqaal ay 4 xildhibaan oo ka tirsan xusbiga Waddani oo rabshad la horstaagay xildhibaanahii Goolaha la fadhiyeey. Waxaay horistageen kamaradihi bahda saxaafaada iyo Shir-Gudoonka Goolaha iyaaga oo kuu qaalinaaya Goolaha Wasiirada iyo Shir-Gudoonka oo damcay in ay ka cod dheeraadan Wasiirka Duulista oo sharaxaadii heshiiskaas uu waday xildhibaanaha Goolaha fadhiyeey. Afartaas xildhibaan waxaay du-dubeen qoraalkii la siiyeen ee aha Nuxurkii Heshiiskii ay ka codaynayeen oo mooshin koor (ama kaac) uu muujinayaa Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro. Waxa markaas kacay Gudoomiyaha Salebaan Nuur uu saddex jeer ku duwaaqay “War fadhiista!” oo markii saddexaad ka dib uu ku duwaaqay “Askarti uu yeedha!”

Hab-u-dhaqanka Gudoomiye Salebaan Nuur waxay ay muujinaysay Shir-Gudoon doonayay in uu shirku khalkhalgelin markay 4 xildhibaan ay ka cod dheeraadan 144 xildhibaan oo wada fadhiya ay isku jiran xildhibaano ka tirsan saddexda xusbi ee qaranka. Markii afartii xildhibaan ay askarti loo dalbaday ka saartay Goolaha, waxaad arkaysa Xildhibaan Saciid Cilmi Roobleh oo qooraalkii duubna ku muujinaya Gudomiye Cabdiraxmaan Cirro ino ka kaco kursigiisa. Waxaa ku xiga in uu Gudomiye Salebaan Nuur la hadlo Gudomiye Cabdiraxmaan Cirro oo uu wadakaas ka dib uu Gudomiye Cabdiraxmaan Cirro si fuduud uu kaco oo uu xildhibaanahii la saaray la baxo.

Waxa la sheegay in 24 xildhibaan oo ka tirsan xusbiga Waddani ay uu codayeen ansixinta heshiiskaas oo danta umada uu arkay in ay ku jirto heshiisku.

Su’aasha tiytalka muuqaalkan ah wuxu yahay Gudomiye Cabdiraxmaan Cirro miyuu ku saxsanyahay in uu shaqadiisa Gudomiyaha xusbiga mucaardka ee Waddani inu ka horeysiyo shaqadiisa Gudoomiyaha Goolaha Wakiilada?

Sax ma tahay in uu is garabstaago rabshad iyo dagaal wadayaasha Goolaha ka dhex buuqayaay mise sidii dhiigiisa Gudomiye Salebaan Nuur uu ka shaqayo in codku si nabad ah uu ka dhaco Goolaha?

Sax ma tahay isago ah Gudomiyaha Goolaha Wakiilada inay xubno ka mid ah laga maqlo inay leeyahiin kacdoon uu diyaargaroonba cidii taageertaaysa oo ay arinkas sal ugu digayaan saldhiggan dawladda Imaaraadka la siiyay iyado oo dawladda jaarkeena ah ee Jibuuti ay dhawr dowladdood oo ay ku jiran maraykan, faraansiis iyo kuwa kale ku leeyahiin oo ganacsiga dekedadda iyo badda Jibuuti ilaaliyaan?

Dadka in laga bajiyo waxay keentay in caalamka ay ka dhaco in dowladda Ingriiska oo ay taariikh dheer inaga dhexayso in ay siyaasayiin mucaarid ah ay kashadaan siyaasayiin muxaafid ah in ay kambaynkii afti ee ay shacabkii ku dooranayeen in ay ka baxan midowgii yuurub. Kambaynkaas oo been cad ku sheegay in lacag badan oo ku baxda midowgaas ay uu sticmaalikaran adeegyada caafimaad ee ay dowladdaasi maamuusho oo la yeedho “NHS” ama “National Health Service” oo loo turjumo “Adeega Bulsho oo Heer Qaran ee Caafimaadka”. Markii ay siyaasayiintii ku guulaysteen kambaynkoodii ayaay  markii dambe sii cad loo dafiraay ku galaftay shacabkii wadanka Ingriiska in ay kaga baxan midowgaas iyago laga bajiyeey in qaxooti ka Buuxinayso goobahii shaqooyinka, caafimaadka iyo waxbarashasa ciyaalkooda.

Taas waxaan barbardhigayaa kambaynkii Madaxweyne Donald Trump oo dadkii Maraykanka kaga bajiyeey in xagjiir, qaxooti iyo dhibaatoyin kale ay khalkhal uu keenayan wadankooda oo uu kiciyaay cadaankii danyarta ahaa oo cunsirinimo geliyay ishoodi ku jeedisay madawgii askartii dhibta ku haysay iyo muslimiintii wadankooda degnaa. Heshiiskan waxa la soo digay saxaafadda siday shacabka Somaliland uu arkaan fayidooyinka ku jira howlaha ay Dowladda Somaliland la wado Dowladda Iskutagga Imaaraadka oo maalgashi balaadhan gelinaysa Dekedda Berbera oo gogalxaadh uu ah ganacsi abuur dheeraad ah oo horumarisa xidhiidhka laba dal. Waxan uu buuq oo ay xusbiga Waddani ka dhalinayaan arinkan waxay doontayaan in ay shacabka Somaliland ka jeediyaan fayidooyinka ka imanysa xidhiidkan.

Waxaa heshiiskan ku jira qodobo xusayaa gogoldhiga mustaqbalka citiraafka Somaliland oo ah in haddi khilaaf yimaado in la tegayo “LCIA” oo uu dhigan “London Court of International Arbitration” ama “Maxkamada Calamiga ah ee Khilaafaadka ee London”. Qodobkaas muxuu muujinaya in Somaliland heshiiskan calamiga lugu aqoonsanyahay oo daaqada ka tuuraysa beenta ay musuuliyiinta xusbiga Waddani doonayeen in ay shacabka Somaliland ku lumiyaan ama ay arkin fayidooyinka ku jira heshiiskan.

Danta inta badan way ka wayntahay danta tiroda kooban ee ha laga feejinaado been abuurka, rabshad wadaha iyo khalkhaliyaha saamaynaysa shacabka Somaliland.

Aadan Maxamed Ciismaan (Indhoole)